General Duke Posted January 14, 2009 Jahwareer xoogan oo ka taagan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 14-Janaayo-09 Jahwareer xooggan oo xagga amaanka ah ayaa waxa uu maanta ka taagan yahay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho , gaar ahaan goobihii ey ka bexeen ciidamada Itobianka shalay iyo maanta. Dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta goryaha fud-fudud ayaa waxa ey ka dhacayaan jiha walba, waxaana madaafiicda iyo rasaastaasiba loo ridayaa dhinac walba iyadoo aan loo meel-dayin. Sidoo kale maleeshiyaadka hubeysan ayaa ku hardamaya gacan ku haynta goobaha ey faarujiyeen maanta ciidamada Itobia, waxaana ey dusha sare u ridayaan rasaas isugu jirta noocwalba. Amaanka goobahani ayaa guud ahaanba ka baxay gacanta, waxaana la sheegayaa in ugu yaraan shaqaaqooyinkii maanta ey ku dhinteen tiro 5-ruux ka badan oo rayid ah. Sida la saadaaliyay oo aheyd in uu imaan doono faaruq xagga amaanka ah ayaa u muuqda iminka in uu taagan yahay, waxaana wadooyinka la arkayaa dad qaarkood sita alaabo la sheegay in ey kasoo qaateen goobaha ey ciidamadu faarujiyeen. Guud ahaan jawiga xaafadahan ey ciidamada Itobia ka bexeen maanta ayaa u muuqda mid aad u cakiran. Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda Quote Share this post Link to post Share on other sites