Sign in to follow this  
Xudeedi

Suldaan Saciid, Garaad Saleebaan and Coronel Canshuur of Puntland arrive in Erigavo

Recommended Posts

Xudeedi   

Suldaanka Guud Ee Shirgudoonka Har-ti Suldaan Siciid Suldaan C/salaan Oo Cerigaabo Ku Qaabilay Garaad Saleban

 

CEERIGAABO(SP): Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan oo qaabilay Wefti ka soo kicitantay Magaalada Garoowe ee caasumada Puntland oo timid Magaalada Ceerigaabo oo uu Horkacayo Garaad Salebaan,

 

kuwaasi oo Ujeedadoodu tahay Marti qaad rasmi ah oo ay Ka heleen Suldaanka Guud Ee Gobolada Sanaag, Bari iyo Hayland Sudaan Siciid si loo dhameeyo xaalad Maalmihii u damayey ka jirtay Caasumada Gobolka sanaag ee Magaalada Ceerigaabo.

 

Garaad Salebaan ayaa waxaa ay Weftigiisu soo dhowayn fiican ka heleen Suldaan Siciid oo markan siwayn ugu Howlan Hanaanka Nabadeed ee Gobolka Sanaag Magaalada Fadhiga u ah ee Ceerigaabo ee Maamulka dowlada Puntland.

 

Wararkii u dambeeyey ee Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay Iminka kulamo Dhinaca Saladiinta ah ka soconayaan kuwaasi oo la doonayo In lugu qodax bixiyo arrimahaasi dagaal ee beleeha jaarka ah,

 

Waxaana dhowaan uu soo diray Garaad salebaan ka dib shaqaaqo ka dhacay Duleedka Magaalada Xingalool Baaq nabadeed oo uu Beesha Magaalada Xingalool Guurtideeda uga codsaday in la xoojiyo Amaanka waxkasta oo dhanka beesha Garaad saleebaan ahna uu Xalinayo Garaad Salebaan oo ah Isim macquul ah isla markaasina iminka wax fiican la qaatay Sudaanka Guud ee Gobolada SBH.

 

Magaalada Ceerigabo ayaa haatan siwayn loo Adkeeyey Amaankeeda iyadoo Xiligan uu ku sugan Yahay Taliyaha Aaga Sanaag ee Ciidamada Darawiishta Puntland Co-C/laahi Cumar Cashuur iyo Sarkiil sar sare oo ka tirsan Xukuumada Maamulka Puntland si ay u soo Afjaraan xaaladaha Coladeed ee Magaaladaasi ka jirey maalimihii u dambeeyey.

 

Maxamed Axmed Ciise

 

Sanaagpost News Desk/Ceerigaabo-PUNTLAND

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Suldaanka Guud Ee Beelaha Gobolka Sanaag Oo Uu Baqoolay Dhanka Ceerigaabo Iyo Saansaan Colaadeed Oo Laga Dareemaayo Magaalada

 

 

Ceerigaabo: Dhawaan ayey dablay hubeysani ku gaysteen bartamaha magaalada Ceerigaabo fal isugu jira dil iyo dhaawac, kuwaasi oo lugu xiriiriyey aanooyin beeleed oo in muda ahi is daba socday. Magaalada Ceerigaabo ee galbeedka gobolka Sanaag oo qiyaastii u jirta Bosaaso kudhawaad 350 kilometer ayaa ah goob kulmisa beela farabadan islamarkaana ay aad ugu murunsanyihiin maamulada Puntland iyo Somaliland.

 

Tacadidaasi ka gadaal ayaa waxaa isla bartamaha magaalada lagu afduubay 4 nin oo kasoo jeeda beesha dilka gaysatay. Waxaase durbadiiba bilaabmatay hub uruursi iyadoo maleeshiya beeleed ay soo camireen labada iridood ee magaalada, bari iyo galbeedba.

 

Hadaba Suldaanka guud ee beelaha Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari, Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaan iyo wafdi u hogaaminaaya ayaa u baqoolay dhanka Ceerigaabo si ay xal ukala dhex dhigaan beelaha jaarka ah ee magaalada Ceerigaabo. Suldaanka ayaa waxaa socdaalkiisi ku wehelinaayo taliyaha ciidamada aaga Galbeed ee Puntland Coronel Canshuur. Ujeedada socdaalkooda ayaa lagu waraamayaa in uu yahay sidii isafgarad loo kala dhex dhigi lahaa labada qolo tacadidu dhex martay iyo sidii saraakiisha labada maamul ay wada shaqeyn u dhex mari lahayd.

 

Mar aynu isla magaalada Ceerigaabo kula xiriirnay General Muuse Jaamac Dalaf, ayaa inoo sheegay in uu dambiilihii dilka foosha xumaa gaystay in ay ku daba jiraan. Magaalada Ceerigaabo iyo nawaaxigeeda ayaa in badani ka dhacaan dhacdooyin caynkaan oo kale. Isqbabqabsiga beelaha ayaa waxaa fududaysa wadashaqeyn la’aanta ka dhaxayso labada maamul ee sida xoogan magaalada ugu muransan.

 

 

Ciise Axmed (Ceeri)

 

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Ceerigabo ayaa haatan siwayn loo Adkeeyey Amaankeeda iyadoo Xiligan uu ku sugan Yahay Taliyaha Aaga Sanaag ee Ciidamada Darawiishta Puntland Co-C/laahi Cumar Cashuur iyo Sarkiil sar sare oo ka tirsan Xukuumada Maamulka Puntland

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

loool pictures? ever since the websites of Jidaali, sanaagpost, etc always spur bullshit but nothing about reality i can't take them serious, the guy who runs sanaagpost lives in a cave and never even setted a foot in sanaag instead all he does is spur bullshit on sanaagpost calacaling about SNM this SNM that day in and day out. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

That looks like somewhere in the badiyo lol sorry to dissapoint you besides, that is the suldan! not the imaginary puntland army you hoped will rescue you.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Suldaanka, lol, it doesn't even make sense what has pirateland got to do with Erigavo when it said this, i guess sanaagpost became the second website of April fools next to the NO1 April fools website jidbaale.

 

 

"Magaalada Ceerigabo ayaa haatan siwayn loo Adkeeyey Amaankeeda iyadoo Xiligan uu ku sugan Yahay Taliyaha Aaga Sanaag ee Ciidamada Darawiishta Puntland Co-C/laahi Cumar Cashuur iyo Sarkiil sar sare oo ka tirsan Xukuumada Maamulka Puntland"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Sacad *Ducaale:

Suldaanka, lol, it doesn't even make sense what has pirateland got to do with Erigavo when it said this, i guess sanaagpost became the second website of April fools next to the NO1 April fools website jidbaale.

What do you mean, it's all one country -'Somalia', according to the entire world! Sure we have tribal enclaves here and there, but internationally, puntland and erigavo are in the same country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this