Sign in to follow this  
xiinfaniin

Boqorka Sacuudiga oo nabad ku baaqay!

Recommended Posts

Boqorka Sacuudiga oo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho in ay Dagaalka joojiyaan, kadibna wada hadlaan.

 

Khamiis, April 26 2007(HOL): Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Cabdalla Bin Cabdul Casiis ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay colaadda u dhaxeysa ay xal uga gaaraan wada hadal.

 

Boqor Cabdalla waxaa uu sheegay in Soomaalida ay la gudboon tahay in ay aayaheeda ka tashato, isla markaana ay khilaafaadka u dhaxeeyo u xalisato qaab wada hadal ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Dowladda Sacuudiga diyaar u tahay in ay qabato shir dib u heshiisiineed oo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya Soomaaliya.

 

Hadalka uu sii daayay Boqor Cabdalla ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan uu Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsanaa madaxda maxkamadihii Islaamka uu codsi u jeediyay Boqor Sacuudiga in uu soo farageliyo arrimaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan xiisadaha colaadeed ee ka jira Magaalada Muqdisho.

 

Shiikh Xasan Daahir Aweys marka uu codsigan u jeedinayay Boqorka Sacuudiga waxaa uu dhinaca kale eedeyn u jeediyay Dowladaha Carabta iyo kuwa reer Galbeedka oo uu sheegay in ay gacmaha ka laabteen soo faragelinta Dagaallada ka socda caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Baaqyo la mid ah midka uu soo jeediyay Boqor Cabdalla ee lagu dalbayo in la joojiyo dagaallada Muqdisho ayaa waxaa horay u soo saaray Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, waxayna intuba ugu baaqeen dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho, kadibna ay dagaalka u dhaxeeyo ku bedelaan wada hadal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this