Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Kenya is on the verge of recognising Somaliland

Recommended Posts

I am lost here so puntland is seeking international diplomatic recognition as an independent state fill me in here guys so you guys are a secessionist entity after all

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xaji_Xunjuf:

I am lost here so puntland is seeking international diplomatic recognition as an independent state fill me in here guys so you guys are a secessionist entity after all

Exactly it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji, you need to focus on posting genuine articles and not heavily manipulated ones like you just did. It's a shame that you would stoop to such a level! That is why you wanted to hide the source right?

 

Africanown,

 

Puntland has always said it was part of Somalia! They have never declared themselves independent! So of course they are not secessionists.

 

I think the tone of the U.S and if this news is true Kenya’s as well is more a way to pressure Sharif and other southern groups to start getting serious about peace or other regions in Somalia will be getting international aid and develop.

Share this post


Link to post
Share on other sites

PIX6.jpg

 

 

Baarlamanka Kenya oo Qarka u Saaran inuu Dawladooda ku Khasbo Aqoonsiga Somaliland

Dawladda Kenya waxay qarka u saaran tahay aqoonsato labada gobol ee Somaliland iyo Puntland si ay qabqablayaasha dagaalka ee Soomaaliya hubka u dhigaan”

 

Wargeyska The Standard

 

“Marka aynu ka hadlayno nabadda Somaliland oo nabad ahayd 17-kii sannadood ee u dambeeyey, marka loo eego koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Somaliland waxay la dagaallantay argagixisada iyo budhcad-baddeeda oo caalamka halis ku ah”

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Faarax Macallin

 

“Waxaannu kula talinaynaa dawladda Kenysa inay samayso siyaasad cad si ay u xoojiso xidhiidhka ganacsi ee ay la leedahay Somaliland, isla markaana ugala shaqayso ilaalinta nabadda mandaqadda Geeska Afrika”

 

Nuxurka warbixinta weftigii Baarlamanka Kenya ka diyaariyeen socdaalladoodii Somaliland

 

Nairobi (The Standard/Jam)- Baarlamanka waddanka Kenya, ayaa la sheegay inuu qarka u saaran ansixinta mooshin dawladooda ku khasbaya inay degdeg ugu aqoonsanto madabannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidaa waxa shaaca ka qaaday wargeyska The Standard ee ka soo baxa caasimadda Nairobi oo cadadkiisii shalay xiganayey warbixin wufuuddii uu hoggaaminayey Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Md. Faarax Macallin ka diyaariyeen socdaalladii kala dambeeyey ee ay ku yimaaddeen Somaliland, taasoo dhowaan Baarlamanka Kenya dood rasmi ah ka yeelan doono.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Md. Faarax Macallin oo u warramayey shalay wargeyska The Standard, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan Golaha Baarlamanku dood ka yeelan doono warbixin aad u dheer oo wufuuddii uu hoggaaminayey ka diyaariyeen natiijada socdaalladii kala dambeeyey ee wufuuddii uu hoggaaminayey ku yimaaddeen Somaliland, taasoo haddii baarlamanku ansixiyo wax wax weyn ka tari doonta aqoonsi caalami ah oo Somaliland degdeg uga hesho beesha caalamka.

 

Md. Faarax Macallin oo hoggaaminayey weftiyo laba jeer oo ka dalbeeyey safarro xaqiiqo-raadis ah ku yimi Somaliland sannadihii 2009 iyo 2010, waxa kaloo uu sheegay in warbixin rasmi ah oo weftigoodu ka diyaariyeen socdaalladoodii Somaliland ay si dhaqso u horgeyn doonaan Baarlamanka Kenya, kadibna goluhu dood ka yeelan doono, arrintaas oo wargeysku ku tilmaamay mid muujinaysa in dadwladda Kenya qarka u saaran tahay aqoonsiga Somaliland.

 

Warbixin dheer oo wargeyska The Standard daabacay cadadkiisii soo baxay Axaddii shalay, 26 September 2010, taasoo lagu soo bandhigay xogo kala duwan wargeysku ka soo xigtay Md. Faarax Macallin iyo saraakiil ka tirsan dawladda taagta daran ee Sheekh Shariif, waxa uu ku bilaabay sidan:

 

“Dawladda Kenya ayaa qarka u saaran inay aqoonsato labada gobol ee Somaliland iyo Puntland si ay qabqablayaasha dagaalka ee Soomaaliya hubka u dhigaan.

 

Labadan gobol ee Soomaaliya ka go’ay, ayaa nabad buuxda ku naaloonayey 17-kii sanno ee u dambeeyay, waxana nabadda iyo xasilloonida ay ku jiraan uga mahadceliyay Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Africa oo sheegay inay ka duwan yihiin koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya oo caasimadda Muqdisho ku jirto, kuwaasoo dagaal muddo dheer ka socday curyaamiyay.

 

Dedaalka dawladda Kenya ugu jirto nabadaynta Soomaaliya, ayaa ahaa mid muuqda 20-kii sanno ee u dambeeyay, iyada oo marar badan isku dayday inay inay hubka ka tiiriso malleeshiyooyinka, si ay u soo dabbaasho nabadda iyo kala dambaynta dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya.

 

Wafti xaqiiqo-raadis ah oo ka socda Baarlamaanka dalka Kenya oo booqasho ku tegay magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa, kadib doorashadii dalkaas sida nabadgelyada ah uga dhacday 26kii June ee sannadkan, ayaa sheegay inay si diblomaasiyadaysan ula dhaqmi doonan labadan gobol, iyaga oo ku tixgelinaya nabadda ay gaadheen iyo iyagoo ka badbaadey malleeshiyooyin, argagixiso iyo budhcad-badeednimo.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Kenya Md. Faarax Macallin oo koox weriyayaal ah kula hadlayey shalay magaalada Nairobi, ayaa caddeeyey inay barlamaan ahaan dood ka yeelan doonaan ahmiyadda qarameed, ammaan iyo dhaqaale ee Somaliland leedahay.

 

“Marka aynu ka hadlayno nabadda; aynu soo qaadano Somaliland oo nabad ahayd 17-kii sannadood ee u dambeeyey, marka loo eego koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Somaliland waxay la dagaallantay argagixisada iyo budhcad-baddeedda oo caalamka halis ku ah,” ayuu yidhi Faarax Macallin.

 

Aragatiyaha wufuuddu ayaa u muuqda in aanay tixgelin siinayn Muqdisho.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Mr. Maxamed Nuur oo shalay la hadlayey wargeyska The Standar, ayaa sheegay inkastoo Somaaliya ka jireen dagaallo iyo rabshado labaatankii sanno ee u dambeeyey, haddana midnimo tahay xalka keliya ee nabad lagu gaadhi karo.

 

“Dhibta Somoaaliya maanta haysataa waxa weeye waqti badan oo aynu ku luminay shirar loo qabto kooxaha iska soo horjeeda, kuwaas oo aan xal u helin dhibaatadaas.

 

Waddamada aamnu saaxiibka nahay waxaannu uga baahannahay inay naga taageeraan xagga millateriga iyo saanadda si ay dawladdu ugu dalka ugu soo dabbaasho nabadda iyo kala dambaynta,” ayuu yidhi Maxamed Nuur.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo toddobaadkii hore ka khudbad ka jeediyey shirweynihii Qaramada Midoobay ee dhowaan ku qabsoomay xaruntiisa magaalada New York, ayaa codsaday in la caawiyo dawladdiisa si ay meesha uga saarto qaska iyo qalalaasaha muddada dheer ka taagan dalkiisa.

 

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa isna tilmaamay in aanay wax macna ah sameynayn shirar badan oo la qabto, hadalka Madaxweyne Shariif-na yahay farriin ku socotay beesha caalamka, “Taasi waxay ahayd farriin madaxweynuhu u diray beesha caalamka, waxaannu toddobaadka dambe ka qaybgeli doonaa shir kale oo caalami oo ka dhici doona magaalada Madrid ee dalka Spain, kaasoo lagaga arrinsanayo xaaladda cakiran ee Soomaaliya, maxaa yeelay waxaynu la soconaa in kooxaha ka soo horjeeda dawladdu khalkhal gelinayaan ammaanka gobolka, kadib markii ay weerarro ismiidaamin ah ku qaadeen magaalada Kambaala ee dalka Uganda,” ayuu yidhi Maxamed Nuur.

 

Haseyeeshee, warbixin ay soo saareen weftiga ka socday Barlamaanka Kenya ee booqashada ku tegay Somailand, waxa ay ku yidhaahdeen; “Waxaannu kula talinaynaa dawladda Kenysa inay samayso siyaasad cad si ay u xoojiso xidhiidhka ganacsi ee ay la leedahay Somaliland, isla markaana ugala shaqayso ilaalinta nabadda mandaqadda Geeska Afrika.”

 

“Kuwa jecel iney kobciyaan aqoonta iyo nabadda waxay dawladda Kenya siinaysaa gacan, maxaa yeelay waxa jira dhallinyaro badan oo aan haysan wax shaqo ah, weftiguna waxay ballanqaadeen inay Somaliland abaalmarin caalami ah ku siin doonaan nabadda iyo deganaanshiyaha,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Kenya Mr. Faarax Macallin.

 

Weftiga Barlamaanka Kenya ka soo saareen socdaalkoodii Somaliland waxay warbixintooda ku caddeeyeen in aqoonsi la’aanta bulshada caalamku saameyn xun ku yeelatay Somaliland oo aan xidhiidh ganacsi iyo mid millateri toona aan la yeelan karin waddamada caalamka.

 

Geesta kale, Safiirka Somaaaliya u fadhiya dalka Kenya, ayaa sheegay in caawimada Qaramadda Midoobay iyo qaar ka mid ah dalalka saaxiibka yihiin dawladda tamarta daran ee uu hoggaamiyo ay ka caawiyaan gargaarka bina’aadaminimo sida; cuntada, hoyga iyo dawooyika ay inta badan khalkhal geliyaan kooxda Al-shabaab.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka Barlamaanka Kenya Faarax Macallin, waxa uu Somaliland ku ammaanay dawlad-wanaag, nabadda, xasilloonida iyo dhismaha dhammaan waaxyaha sharciyeed ee xukuumadda Somaliland, “Waxa ka hirgalay Somaliland maamul-wanaag, nabad amma xasillooni, deganaansho siyaasadeed, laamaha amniga oo si wanaagsan u shaqeeya, sharci-dejinta iyo adeegyada bulshada oo si habsami leh uga shaqeeya Somaliland, laakiin waxaas oo dhan waxa dhaawici kara haddii la waayo xirfadihii daruuriga ah ee loo baahnaa si loo hirgeliyo,” ayuu yidhi Faarax Macallin.

 

Isagoo intaa in inkastoo ay xaddidan tahay taageerada Somaliland hesho, haddana waxay xukuntay 48 ka mid ah budhcad-badeedda iyo argagaxisada.

 

Haddaba, haddii Barlamaanka Keyna ansixiyo warbixintan waxay farriin wanaagsan u tahay ololaha dawladda Somaliland ugu jirto inay aqoonsi ka hesho beesha caalamka, si ay xubin buuxda uga noqoto waddamada adduunka, Midowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay,” ayuu wargeysku ku soo xidhay warbixintiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by AfricaOwn:

Today: Somaliland is still not internationally recognized and those other Somalis can not come to Somaliland, a region they think is part of their country to wave the blue flag.

It's all qabiil isn't it? You can NOT come to my town and wave your flag either or can you?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamaanka Dalka Kenya oo la Filayo Inay Guda Galaan Dooda Mooshin ku Baaqaya in Kenya Hormuud ka Noqoto Ictiraaf Buuxa oo Somaliland Hesho

 

 

Hargeysa (Jam)-Wakiillada Somaliland ee dalka Kenya Mr. Maxamed Nuur Axmed (Indhobuur), ayaa, shaaca ka qaaday in guddiga saaxiibadda Somaliland ee Baarlamanka Kenya dhammaystireen warbixin ay ka soo saareen socdaalladii kala dambeeyey ee ay dalka ku yimaadeen, taas oo la filayo inay dhawaan horgeeyaan aqalka Baarlamanka oo ka yeelan doona dood rasmi ah oo ay go’aan kaga gaadhi doonaan nuxurka mooshinkaasi xambaarsan yahay oo ah in dawladda Kenya taageerto qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, sidoo kalena hormuud ka noqoto ku dhawaaqista ictiraaf buuxa oo Somaliland hesho.

 

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo booqasho ku jooga caasimadda Hargeysa oo shalay shirjaraa’id ku qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo dalka Kenya uu maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysanayo, isaga oo xusay in masuuliyiin ku jira golayaasha dawladda Kenya ay u heelan yihiin sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Waxaannu si gaar ah u soo qaatay Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka dalkaas Md. Faarax Macallin oo uu sheegay in isaga iyo koox kale oo mudanayaal ahi ka badheedheen xaqa ummadda Somaliland u leeyihiin madaxbannaanidooda qaranimo.

 

Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda siyaasaddeed ee dalka oo uu sheegay in ay waqtigan meel fiican marayso, idhaha caalamkuna aad ugu soo jeedaan, isagoo dhinaca kalena xisbiyada mucaaradka ah ugu baaqay in ay la shaqeeyaan xukuumadda cusub oo uu xusay in aanay gaadhin xilli la dhaliilo. Sida oo kalena waxa uu guud ahaan shacabka Somaliland ku boorriyey in ay si wadajir ah u ilaashadaan nabadgelyada iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.

 

“Maadaama waqtigan beesha caalamku u soo jeedsatay Somaliland, waxa muhiim u ah ummadda reer Somaliland inay iyaguna muujiyaan isku duubni iyo wadasocod, waa inay noqdaan dad qaddiyadda Somaliland u soo wadajeeda, waa inay nabadgelyada oo awalba iyagu sugayeen ilaashadaan, cadowgu wuu badan yahay, tallaabada aad qaadeen ee horumarka ah way la socdaan, ictiraafkii inuu soo dhawyahay way ogyihiin, sida keliya ee ay arrimahaas cilad u gelin karaan waa iyaga oo dhexdiina wax ka abuuraan, intaad horumarka ku dadaalaysaan iyaguna waxay ku dadaalayaan inay horumarkiina hakiyaan.

 

Labada xisbi mucaaradna waa inay dawladda la shaqeeyaan, iminka qaddiyadda ina hortaal waxa weeye ictiraaf raadin, taasna saddex xisbi oo wada socda ayaa lagu heli karaa, waa in aan la is jiid-jiidan ee waa in la isku duubnaadaa oo la wada shaqeeyaa,” ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Md. Maxamed Nuur Axmed (Indhobuur).

 

Dhinaca kale, wakiilka Somaliland ee dalka Kenya oo la filayo inuu Khamiista maanta dalka ka dhoof, ayaa xalay waxa hudheelka ambassador ee magaalada Hargeysa xaflad sagootis ah ugu sameeyey wasiirka macdanta iyo biyaha Dr. Xuseen Cabdi Ducaale, iyada oo xafladaa casho-sharafta ahna ay ka qaybgaleen wasiiradda arrimaha gudaha, kalluumaysiga, wasiir-ku-xigeennada arrimaha dibadda, maaliyadda, Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, wakiilka Somaliland ee dalka Pakistan iyo masuuliyiin kale oo lagu martiqaaday.

 

Wasiirka macdanta iyo biyaha oo xafladda hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inay wakiilka Somaliland ee dalka Kenya iska soo raaceen magaalada Nairobi oo ay kulamo iyo shirar muhiim ah ku soo yeesheen, isaga oo xusay in haddii aanay Nairobi ugu tagi lahayn wakiiladda Somailand aanay wax badani u qabsoomeen, isla markaana albaababo badan u furfurmeen, isaga oo wakiilka uga mahadceliyey hawsha baaxada leh ee uu ka hayo dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this