General Duke Posted November 12, 2009 Sadex Nin oo loo qabtey dilkii Gudomiyaha Maxkamada 12 Nov 12, 2009 - 12:39:03 AM Ciidamada amaanka Puntland oo gacanta ku dhigey sadex Nin kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney gaysteen dilkii shaley makhribkii loo gaystey Gudoomiyahii Maxakamada darajada Kowaad ee Bosaso Marxum Maxamad Cabdi Awaare. Sadexdaan oo lagu qabtey iyaga oo magaalada Bosaso kaga sii baxaya gaari ayaa waxaa gacanta ku dhigey ciidamada amnina Puntland. Ciidamada amniga ayaa marka dilkaan dhacey ku guuleystey iney gabi ahaanba xiraan wadooyinka waaweyn ee ka baxa ama soo gala magaalada Bosaso iyaga oo dhinaca kale gabi ahaanba joojiyey gadiidka. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska Puntland gaar ahaan qaybta Bosaso ayaa sheegey iney aad uga faraxsanyihiin qabashada nimankaan kuwaasoo uu ku sheegey iney gaysteen dilkaan. Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sidoo kale waxaa ka socda howlgalo culus kuwaasoo lagu baarayo guryaha, xeryaha qaxootiga oo ay daga yihiin dad badan oo kasoo qaxey Koonfurta Somalia. Magaalooyinka Garowe iyo Bosaso ayaa saakey waxaa ka dhacey aaska labadii Marxuum oo maalintii shaley dad hubeysan dileen. Shirar albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa maanta ilaa xaley u socdeen madaxda hay'adaha amniga ee Puntland kuwaasoo go'aansadey in howlgalo lagu baadi goobayo dakaan gaysanaya fal dambiyeedyadaan aan horey looga aqoon degaanadaas. Garowe Online ayaa tacsi u direysa dhamaan qoysaskii iyo ehaldii ay ka geeryoodeen mas'uuliyiintaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 12, 2009 Somalia: Three suspects nabbed over the death of Bossasso judge 11 Nov 11, 2009 - 11:37:50 PM Security forces in Bossasso, the commercial capital of Puntland state have arrested three suspects in connection with the murder of Sheikh Mohamed Abdi Aware, the chief judge of Bossasso 1st magistrate court. The three men were nabbed in operations mounted by the forces shortly after the murder of the judge on Wednesday night. Sheikh Aware was brutally murdered by armed hooded men shortly after leaving a mosque in the town. His death comes days after he sentenced to jail terms, four people affiliated with Somali hard line insurgent group Al-Shabaab. Police are questioning the suspects who are currently held in Bossasso. However, sources within the police say one of them is suspected to be the real slayer. Authorities in Puntland are suspecting the insecurity in some of its territories is caused by the infiltration of some militant ruminants that are fighting the fragile UN-backed Somali government in central and southern Somalia. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted November 12, 2009 Police are questioning the suspects who are currently held in Bossasso. However, sources within the police say one of them is suspected to be the real slayer. Since all three are suspects, which needs an investigation, how can the police then suspect a suspected one already. But, the danbiilayaasha need to be brought to justice, these kind of crimes are making Somalia into small pieces! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 12, 2009 ^^^This is just initial news, we need to wait and see what steps the security forces take in the coming days all should be clear. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 12, 2009 Hawlgallo amni adkayn ah oo ka socda Bossaso iyo Garowe & dilka Garyaqaan Awaare oo dad loo qabtay. Bosaso, Nov 12 - Hawlgallo ammaanka lagu adkaynayo ayaa xalay si rasmi ah uga bilowday magaalooyinka waa weyn ee Puntland gaar ahaanna magaaloyinka Boosaaso iyo Garoowe. Hawlgalladaan ayaa ka danbeeyey kadib markii habeenimadii xalay ahayd labadaasi magaalaba lagu dilay labo mas’uul oo ka tirsan dawladda Puntland, kuwaasi oo kala ahaa guddoomiyihii maxkamadda sare ee gobolka Bari Max’ed Cabdi Aware, iyo xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Puntland oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cilmi Gaab kaasi oo lagu dilay maqaaxi shaaha laga cabbo oo ku taalla magaalada Garoowe. Ciidanka ammaanku intii ay illaa xalay hawlgalladaan ku guda jireen, waxay qabteen dhawr qof oo lagu tuhunsan yahay ku lug lahaansha falal danbiyeedyadii xalay dhacay ee lala beegsaday mas’uuliyiinta dawladda. Saddex qof oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Bari ayaa ciidanku u qabteen dhacdadii dilka ahayd ee loo gaystay guddoomiyihii maxkamadda ee sare ee gobolka Bari alle ha u naxariistee garyaqaan Max’ed Cabdi Awaare. Saraakiisha ammaaanka ee gobolka Bari oo ay idaacadda Daljir wax ka weydiisay ragga la qabqabtay iyo waxa loo haysto, ayaa ka gaabsaday in ay bixinyaan faahfaahin dheeraad hase yeeshee waxaa ay sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo danbiyada lagu tuhunsan yahay raggaasi. Dhanka kalana ciidanka ammaanka ee magaalada Garoowe ee xarunta dawladda Puntland, ayaa hawlgal ammaan oo ay sameeyeen iyana ku xir-xiray dhawr qof oo looga shakiyey in ay wax ka ogaayeen dilka xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab oo xalay fiidkii lagu dilay gudaha magaalada Garoowe. Saraakiisha ciidanka bileyska ee magaalada Garoowe oo ay saaxaafaddu weydiisay dadka la xir-xiray ayaa sheegay in uu jiray tuhun ku saabsan in ay faraha kula jireen falal ammaan darro hase ahaatee saraakiisha bileyska waxay xaqiijiyeen in dadkaasi baaritaan kadib la sii dayn doono. Mas’uuliyiintii dawladda Puntland ee xalay lagu dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, ayaa saakay aas qaran oo aad u ballaaran loo sameeyey waxaana aasitaankooda oo ka dhacay labadaas magaalo ka soo qaybgay madax ka tirsan dawladda Puntland oo isku jira golayaasha kala duwan ee dawladda iyo shacab aad u tiro badan. Dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyey deegaannada Puntland waxaa ku soo kordhay falal ammaan xumo oo si is daba joog ah uga dhacayey magaalooyinka waa weyn ee Puntland, waxaana mas’uuliyiinta dawladda ee xagga amnigu ay ballan ku qaadeen in ay ku dhaqaaqi doonaan qorshayaal ammaanka Puntland lagu xaqiijinayo. C/fitaax Cumar Geeddi, Idaacadda Daljir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted November 12, 2009 Where is President Farole? He can't remain out of the state while this state emergency is going on. If government officals are being assasinated like this, the President must be in Puntland to organize a response. He can not do it in another country. I think the thing that concerns me the most after recently being in Puntland is the assasination in Garowe. Garowe is relatively small with less places to hide, I would think those individuals would be caught first. Bosasso on the other hand, is massive for Puntland standards. With Somalis from every corner living there, you'll even see people from Asia, Middle east and other places. So many places to run and hide. That is assasination attacks in 4 major Puntland cities now, Gaalkayo had the Mr. Warsame Abdi "Sefta Bananka" (Allah u naxariisto) and Karkar Governor Yasin Said Hussein (Allah u naxariisto), who were both not killed by pirates or al shabaab. There is obviously a major security issue with the current administration. Our enemies seem to know this. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MAXIMUS POWERS Posted November 12, 2009 The rogue state is slowly disintegrating into anarchy. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted November 12, 2009 Nayrobi: “ Ciidan badan ayaan udirnay gobalada Puntland oo dhan oo qeyb ka qaata sidii wax looga qaban lahaa Burburiyaasha Puntland” Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya. 12. november 2009 APL Tool Nayrobi(AllPuntland) – Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in uu maamulkiisu qaadi doono talaabooyin buuxa oo ku aadan dhanka amaanka, wuxuuna shaaciyey in ay hayaan cadaymo muujinaya cidii ka dambeysa falal badan oo amaan daro, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayay deegaanada Puntland. Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in ay si ay uga hortagaan falalkan ay hada bilaabeen in ay ugaarsi ku sameeyaan dadka dhibaatada wada oo uu sheegay in uu hada qaarkood ku socdo dabagal xoog leh, isagoo uga digay Shacabka Puntland in ay gacan siiyaan dadka ka dambeeya arrimahaasi. Madaxweynaha Puntland wuxuu xaqiijiyey in ay jiraan dad badan oo cadow ku ah Puntland, wuxuuna tilmaamay in ay hada ciidamadooda Sirdoonka iyo kuwa amaanku wadaan howlgalo xoog leh oo ku aadan sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxahaas oo uu ku sifeeyey kuwa ka soo horjeeda horumarka Puntland. “ Falalka ka dhacaya Puntland, masuuliyadiisa waxaa qaadi doona cid kasta oo ka shaqeysa amaan la’aanta Puntland, waxa ay ka soo horjeedaan amaanka & horumarka Puntland, waxa ay doonayaan in ay ka dhigaan sida ay dagaaladu uga socdaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, taasi cidna kama yeeli doono, waxaanu qaadaynaa talaabooyin culus, Shacabka iyo ciidamadana waxaan ugu baaqayaa Iskaashi adag oo muuqda” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku jooga dalka Kenya. Mr, C/rixmaan wuxuu cadeeyey in uu ujoogo dalka Kenya barnaamijyo ku aadan horumarinta caalamiga ah ee Puntland, isagoo sheegay in ay socdaan mashaariic badan oo ay dalalka Caalamku taageero wanaagsan kusiinayaan Puntland, isagoo sheegay in ay jiraan dad badan oo dhinac walba cadow uga ah Puntland, wuxuuna carabka ku adkeeyey jiritaanka dad ka soo horjeeda mashaariicda horumarineed eeladoonayo in laga hirgaliyo Puntland. Madaxweynaha Puntland wuxuu kula dardaarmay ciidamada Puntland iyo Saraakiisha amaanka in ay qaadaan talaabo kasta oo wax looga qaban karo kooxaha doonaya in ay nabadgalyo daro ka fuliyaan gudaha Puntland, isagoo sheegay in ay hada ciidan badan oo si gaar ah utababaran uqeybiyeen guud ahaan gobalada Puntland, isagoo sheegay in ay ciidamadaasi ubaahan yihiin taageerada Shacabka dadka rayidka ah, wuxuuna ugu yeeray Shacabka Puntland in ay raacaan amarada uga imaanaya Madaxda Puntland ee joogta gobalada iyo degmooyinka Puntland. Hadalka Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa ku soo beegmaya xili manta gudaha gobalada Puntland, ee Mudug, Bari & Nugaal ay ka dhaceen kulamo looga hadlayay amaanka, oo isla socday ama isku wax looga hadlayay, waxaana laysku raacay in ciidamada jooga magaalooyinkaas lagaliyo gudaha magaalada, kuwaas oo talaabooyin ka qaadi doono cid kasta oo lugu tuhmayo amaan la’aantii ugu dambeysay ee ka dhacay gobaladaasi. F. C. Maxamed AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites