Sign in to follow this  
General Duke

Ethiopia and Puntland sign an important econmic deal..

Recommended Posts

Heshiis Culus oo dhexmaray Dawlada Ethiopia iyo Maamulka Puntland

By Shacab Posted to the web 02-01-2005, 16:32:56

 

Garoowe:-Waraysi kooban oo uu la yeeshay Wargayska Shacab oo ka soo baxa magaalada Garoowe, Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdi-nuur Cilmi Maxamuud (Biindho) oo todobaadkan ka soo laabtay wadanka Ethiopia isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo muddo laba bilood ah ku maqnaa dalkaasi lana yeeshay kulamo kala duwan madaxda sare ee dalka Ethiopia, iyagoo ka wada hadlay arimo la xiriira iskaashiga ganacsiga labada dhibac siiba dhinacyada Ganacsiga, Siyaasada iyo Guud ahaan xaalada nabadgalyo ee Gobolka, wuxuuna u dhacay sidan.

 

S/Mudane, marka hore waxaad nooga warantaa ujeedooytinka aad ku tagteen Itoobiya iyo wixii aad kala kulanteen?

 

J. Socdaalkii Itoobiya aanu ku tagnay waxuu ka dambeeyay wadahadalo soo taxnaa oo laba dhinac u socday oo heer Wasiir ilaa heer Madaxwayne lahaa, iyadoo wafdigii itoobiyaanka ee heerka Wasiir ahaa ee halkaan inala joogay muddo todobaad ah intaas oo wadahadal ah intaas oo wadahadal ah ayaa socdaalkayagu ka dambeeyay, dhammaan wadahadaladaasi waxay ahaayeen kuwo hal ujeedo leh iyadoo Itoobiya iyo Puntland ay yihiin laba wadan oo leh xiriir daris wanaag waxaa muuqatay in ay iska kaashadaan sidii ay u hormarin lahaayeen xidhiidhada gancsi siyaasadeed iyo isdhexgal taas oo lagu heli karo midaynta aragtida siyaasadeed ee labada dhinacba ugu duuli karaan is-dhaafsiga danaha ka dhaxeeya, hadii aanu halkaas tagnay waxaanu run ahaantii kala kulanay soo dhawayn heer qaran ah iyo is-afgaradba iyadoo iyadoo ay halkaas noogu yimaadeen intii aanu joognay Madaxwaynaha DFKS Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxwaynaha DG Puntland Mudane Maxamed Cabdi Xaashi, iyagoo nala rixay arimihii nagu adkaaday waxaanu kala saxiixanay dhammaan arimhii aan u tagnay ee ku luglahaa is-dhaafsiga ganacsiga iyo midaynta aragtida siyaasadeed ee labada dhinac kuwada shaqaynayaan iyo waliba dhinaca difaaca oo ay Itoobiya ka muujisay rabitaan dhab ah.

 

Waanu soo dhammaysanay, waxaanu horkeenay shirka Golaha Wasiirrada ee arbacadii toddobaadkan dokumentiyadii qeexayay heshiisyadii aanu qalinka ku soo duugnay ee Itoobiya aanu wada galnaygaar ahaan arrimaha i khuseeya ee hoos imaanaya Wasaaradda Ganacsiga waa kala beddelashaa qalabka iyo badeecadaha sida Itoobiya oo laga soo qaadanayo dhismaha dhismaha iyo korontada oo aad uga jaban kuwa dibedda iyo cunnada sida khudaarta, baradhada, sokorta, shaaha, bunka, jaadka iyo guud ahaanba xoolaha nool. Habka loo jaan-goynayo socodsiinta heshiiskan oo aanu si wadajir ah u soo saari doono waxaa ka mid ah: Gaadiidka xammuulka oo loo sameyn doono miisaaniyad (budget) ama taarikooyin ay labada dhinacba ku geli karaan.

 

Dhinaca Puntland waxaa laga qaadayaa kalluunka, hargaha, milixda, meydiga, fooxa, haddiga, xabkaha oo dhan iyo wixii kaloo kheyraad ah oo dalkeenna ka soo baxa, waxaana laga dhigtay seladda dhexe ee kulminaysa labada dhinac magaalada Wardheer.

 

S/Mudane: Ma Wasaaradaha Ganacsiga ee Itoobiya iyo Puntland ayaa u idman socodsiinta iyo fulinta nooca is-dhaafsigaan ganacsi, mise wakiillo ganacsi sida shirkado ayaa loo iman doonaa ?

 

J/ Dabcan, labada wakiil ganacsi waa labada wasaaradood, balse hordhac ahaan waxaan sameynay laba shirkadood oo aad u waaweyn, mid Itoobiyaan ah oo la yiraahdo Biftodinsho, waa shirkad ballaaran oo laamo ganacsi oo fara badan, taasoo naloogu sheegay inay leedahay shaqaale dhan 3,600 qof, iyadoo xaggeena ay matali doonto shirkad ganacsi oo horay asaaskeeda u lahaayeen Md, Cabdulaahi Yuusuf Axmad iyo wasiirkii aniga iga horreeyay Md, Faarax Dooxa-joog, shirkaddaas waxaa la yiraahdaa SOMETH, Somali Ithiopian Trade Sharing Co. Labadaas shirkadood ayaa ilaa imminka aan ogahay wax leysamo u leh, kuwaas ayaana u idman is-dhaafsiga qalabka iyo badeecadaha ganacsi ee labada dhinac, waxayna ka diiwaan-gashan yihiin labada wasaaradoodba, balse qof kastaa oo waddani reer Puntland way u furan tahay inuu miisaan leysan ganacsi ka qaato wasaaradda, kana shaqeysto labada dalba.

 

S/Mudane: Qeybaha ganacsi ee labada dhinac is-dhaafsanayaan maxaa ka mid ah kuwa u soo horreeya ?

 

J/ Waxaa ka mid ah Jaadka oo soo mari doona hawada, waxaa la inaga qaadi jiray lacag adag oo maalinle ah oo geli jirtay Itoobiya, iyadoo aanay jirin wax inooga soo noqdaa, balse hadda waxaan soo dhameysanay in tiro kastaba ha lahaadee, haddii uu yahay shan ama afar kartoon jaadkii diyaaraddu keento in aan ugu beddelno oo diyaaraddii dib u sii qaaddo badeecad u dhiganta siiba kalluun. Waxaa sidoo kale xooga xaggooda ka imaanaya khudaarta sida baradhada, halka ay milixduna noqon doonto mid xaggeena uga tagta oo soo hoyn doonta lacag adag.

 

S/Mudane: Haddii aynu u leexano dhinaca siyaasadda, hadda ka hor Puntland kuma lahayn Itoobiya wakiil matala maamulka ama arrimaha siyaasadeed ama ganacsi, hadda ma ku darsateen qorsha-hawleedkiina in aad u magacaabataan wakiil matalaya Maamulka Puntland kan Itoobiya ?

 

J/ Dabcan, arrimaha aanu soo dhamaysanay ayay ka mid ahayd intii aanu joognay ayaana magacaabanay wakiil u taagan Maamulka Puntland siiba arrimaha ganacsi, warqadihiisii aqoonsigana waa loo ansixiyay labada dhinacba, fadhigiisuna wuxuu noqon doonaa Dirir-dhabe iyo magaala-madaxda kililka shanaad ee Soomaalida oo hadda xafiisyadeedii uga furan yihiin, kaas oo ku simi doonaa ninka ay dawladda dhexe ay ka soo magacaabi doonto safiirkii iyo weliba Commercial attach matali doona arrimaha ganacsi, isaguna wuxuu noqon doonaa mid safaaradda la shaqeeya oo gaar ah Maamulka Puntland.

 

Xigasho Wargayska Shacab

Garoowe,Puntland,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this