Sign in to follow this  
Abtigiis

Ra`iisul Wasaaraha Soomaaliya oo noqdey ninka kaliya ee Ciyaalka Xaafada ah (funny)

Recommended Posts

Abtigiis   

"Duqa waa ujeedaa noo Ra`iisul wasaaraha anaga waaye saxiib,Ciyaalka xaafada waa ugu jirtaa lakiin Ra`iisul wasaaraha waa usheegeynaa Shariifka haku Dhooreyn aan leenahay Macalinkan Nabaduu rabaa noo?"

:D:D:D

-----------------------------------------

 

Ciwaanka Qormada markaad aragto kana timid Dhulyowga uusan marin Wabigu waxaa kugu soo dhacaya in Ciyaalka Xaafadu yihiin Daasado la tiir tiiriyey oo aan karti dhaba laheyn mudneyna in qorma laga qoro halka Ciyaalka Xaafadu uheystaan inta aan iyaga aheyn qaar Qabyaalada iyo qasku Madax marey lana dhex yimid Colaadii Ceel biyoodka Ciyaalka Xaafade dhexdooda aanse ku xusuusiyaa Raiisul wasaaruhu waa Ciyaalka Xaafada.

 

Xadaarada Ciyaalka Xaafada waa mid Ilka dhacsatay tasoo gaartay in Qabiilkii lagala yimid Baadiyaha intaanan lasoo Reer Magaaloobin ka hor iska dhigay meel iyagoo astaan ka dhigtay Qabiilweynaha Laan dheeraha ah ee Ciyaalka xaafada tasoo ay isugu hiiliyaan marka ay gurmad isaga baahdaan isugu kalmeeyaan sida iyagoo lacaga iskugu dira hadba sidey isugu xaafad yihiin sidey dhawaan yeeleen Ciyaal Waabari.

 

Astaamaha ay isku aqoonsadaan marka ay wada hadlaan waa Lahjada iyagoo durba is weydiiya Ciyaal Hodan ama Boondheere ama Wardhiigley ama Howlwadaag midka uu yahay,waxaana hormarkaa ay gareen mardanbeeto oo Sideetamaadkii shuush galiyey sida uu iisheegay mid kamida Ciyaalka Xaafada qaar badan oo ka yimid Miyiga galayna Seeraalaha dhar magaalana xirtay kuna bilaabay Ciyaalka xaafada dhexdooda Qabiil walow in badan oo iyaga ah lagu godi jiray farta loona yiqiin "Galow" taasoo aheyd magac lagu takoori jiray qaarkaa danbee Dhaqan bi`iska ku bilaabay Ciyaalka xaafada.

 

Markii ay soo baxday magacaabista Ra`iisul wasaaraha Cumar C/rashiid Sharmarke waxaa Hanbalyo is dhaafsaday dhamaan Ciyaalka xaafada oo iyagu Tuko canbaarleh ku dhex noqday Bulshooyinka Liqay xadaaradoodii fiicneyd waxaana ay dareemeen guul usoo hoyatay hadey kala joogaan Hargeysa,Waqooyiga Ameerica,Xamar,Yurub,Jamaame ama Galkacyo iyagoo leh Ciroole,Da`a dhexaad iyo Dhalinyaro waxaana xabadka isa saaray Habeenii guusha Cumaraani iyo saxiibkii Qaranka iyagoo is leh "Duqa waa ujeedaa noo Ra`iisul wasaaraha anaga waaye saxiib,Ciyaalka xaafada waa ugu jirtaa lakiin Ra`iisul wasaaraha waa usheegeynaa Shariifka haku Dhooreyn aan leenahay Macalinkan Nabaduu rabaa noo?",damaashaadyada la qaban qaabinayo ee ay wadaan Beelweynta Ciyaalka xaafada oo leh Jareer iyo Jileec ayaa laga wadaa daafaha Dunida iyo Dalkeenaba iyadoo Farshaxaniistaha Caan baxay ee Amiin Caamir oo kamida Beesha Ciyaalka xaafada uu isagu sii hormarsaday Hanbalyo maadama Ciyaalka xaafada loo diiday maanta ka hor masiirka hogaaminta Dalka laguna dhaho markey shirka beesha tagaan "waxaan aan Dhiiga laheyn yaa Shirka Beesha uga yeeray".

 

Ciyaalka xaafada waxaa ay isku mashquuliyeen dhowr iyo tobankaan sano ee aynu colaada ku jirno in ay Madax ka noqdaan Ururada Isboortiga ee ka dhisan Dibada iyo qaar gudaha kamida waxeyna ku caajiseen Sheekada Qabiilka taasoo aad arkeyso meelaha ay fariistaan Ciyaalka Xaafada kuwa kusoo dhex dhuunta furana sheeko Qabiil kuwaa oo lagu yiraahdo" Duqa Idinka wali Dilowgii lee maa rabtiin maxaa mala noogaaya miyaa annaga Qaxootinimo maan Cimrigeen ku dhameysaneynaa yaaqeey"?, waxaan ogahay qaar badan oo aan aheyn Ciyaalka xaafada in ay durba ufasiranayaan sidey jeclaayeen ama leeyihiin malaha Qoruhu waa ujeeda badan sheekadiisa ee Ciyaalka xaafada maahan waxaase arinkaa iga kaafinaya Odey C/dulle oo aan wareysi kula yeeshay Labadii kun iyo Labadii Caasimadeena Muqdisho isagoo ay is fahmi waayeen soogalootiga waayeyna hanaankii uu ku sharfanaa yirina" Reer baadiyaa reer Magaal qabsaday, kuwakalaa sii qabsadhey, hadana kuwa kalaa sii qabsaday, waa la sii qabsaday hadane waa la sii qabsaday tan iyo waaga waa socotaa".

 

Ra`iisul wasaaraha Ciyaalka xaafada waxaa horyaal caqabada badan tasoo ay uweyn tahay cirif ilaa cirif Dalkeena oo ay hantiyeen dadyow aan hore umagaaleysneen Maamulana Dagmooyin,Ma`mul Goboleedyo iyo Tuulooyin, waxaa kaloo sugaaya Afhayeena Qabiil,Afhayeeno Ururo,Wasiiro Badfaruur ah, Suuqyo Qabiil,Warbaahin Qabiil,Qoroyaal Qalin Dhiiglayaal ah,Afar jeeblayaal colaada huriya,Bl Qabiil,Afar iyo Bar iyo wax kastoo jaahii Dowladnimo gabay, waxaa la gudboon in uu arinkaa kaga gudbiyo Maskax ka fiyow nin jecleysi iyo karti dheeriyana la yimaado fiiriyana Magaca Aabihii sameystay hadii uuse dhan kale uu uleexdo muxuu ka leeyahay Axmed shire"Ra`iisul wasaare ogow Ciyaalka xaafada meelkastey ku rafaadsan yihiin iskaba daa umada Soomaaliyeed ee aad Ra`iisul wasaaraha utahay, waxaadna ogaataa hadii dhaqanka Ciyaalka xaafada lagu yaqiinay ee ka hufan qabiilka aad iska tuurto bilowdana sheeko Asaaranimo in ay kugu daadatay oo ay Roobka kugu tahay aadana aheyn Ciyaal Boondheere ogow Ra`iisul wasaare Qabiilkeena waa Ciyaalka xaafada".

 

Darajadii ugu sareysay ee uu qabtaa mid kamida Ciyaalka xaafada ayaa ah midan uu hayo Ra`iisul wasaare Cumar Cali Sharmarke, Inj Xuseen Ceydiid oo aan mar ku wareystay Shan sano kahor Magaalada London ayaa isna iisheegay"wax Ciyaalka xaafada ka joogi malahan Magaalada Xamar hal xitaa waa arki waayey",hadana aqristow tani waxey noqoneysaa tijaabadii ugu horeysay ee ay Ciyaalka xaafada maraan madama in badan ay ku faaneen inta aan aheyn Ciyaalka xaafada in ay ahaayeen Hogaamiya`yashii Dalka gaar ahaan iyagoo ku faanay in ay ka wada yimaadeen Mudug intaan ka aheyn Madaxweynihii uhoreeyey Marxuum Aadan cade waxaase faankaa lagdi doona Majarahaha Nabada qaban doona sida ay ku faaneen Ciyaal Kuwaarto iyo Ciyaal Shibis Ra`iisul wasaaraha Ciyaalka xaafada

 

 

Mohamed Barre Haji "Fiyoore"

Qorraa iyo Saxafi Somaliyeed

fiyoore@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

i guess 'ciyaalka xaafada' as opposed to 'fish & chips' and the 'Eurotrashers' and what ever they call the North American lot.

 

i too heard this, reer Mogadishu saying 'waa iska ciyaal xamari'

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this