Sign in to follow this  
Cowke

Garad Abdullahi Garad Soofe Has Resigned From Buuro Wadal Conference

Recommended Posts

Cowke   

Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe oo Ka Baxay Shirkii Buurowadal

 

March 8, 2010

 

Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe ayaa war uu maanta soo saarey ku sheegay in uu gebi ahaanba isaga baxay wadahadalkii ka socdey Buurawadal kawaas oo u dhexeeyay Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana shirkaas looga arinsanaayey sidii loo dhisi lahaa gudi khusuusi ah oo beesha hogaamiya.

 

Garaad C/laahi Garaad Soofe, Garaadka Beesha Axmed Garaad ee (***********) waxa uu qoraalka uu soosaaray ku xusay inuu ogaysiinaayo Beesha *********** iyo Beelaha kale ee Soomaaliyeed iyo kuwa uu Garaadka u yahayba in uu la socod siinaayo inuu ka baxay shirkii ka socaday Buurowadal kasoo lagu dhisi lahaa Gudiga Khusuusiga ah

 

Ka bixitaan kaan uu ka baxay shirka ka lagu dhisaayo Khusuusiga ayaa Garaad C/laahi Garaad Soofe Waxa uu ku micneeya in la dhinaca maray sharcigii Isimada ay horay u dhigteen ayna marin habaabiyeen dad dano gaar ah leh islamarkaan aan beesha dhulbahanta loogu ayan waxa dan ah u ah

 

Garaad C/laahi Garaad Soofe ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku cadeeyay in ay wada tashi sameeyeen Cuqaasha,Odayaasha,Aqoonyahanada,Siyaasiyiinta Beesha Axmed Garaad ay go’aan sadeen inay isaga baxaan shirka ka socad BuuroWadal ee lagu dhisi lahaa gudigii khusuusiga islamarkaan beesha Axmed Garaad uusan khusayan waxa kasoo baax shirkaas

 

Dhawaan ayay ahayad markii ay isamada Beesha Dhulbahanta ay shir balaaran isgu yimaadeen kasoo ay kaga wada hadlayeen sidii ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan dib u xoreynta dhulka maqan, hogaan mideysana loo samayn lahaa.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media Ee Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

War Murtiyeed: Shirkii Buuro wadal

March 8, 2010

 

Waxaanu aad uga xunahay, kana warwarsanahay, sida loo majara habaabiyey ujeedadii Shirka Beesha ee ka socday Bura-Wadal. Is la markaana waxaa si buuxda u taageersnahay go’aanka taariikhiga ah ee uu qaatay Garaadka beesha Ahmed Garad-Garaad Cabdulaahi Garaad Maxamed .

 

Isla markaana, waxaanan marnaba ka raja go’aynin; Isimadda kale ee beelaha SSC , inay si miyir leh, uga fiirsan doonaan danaha guud, raacina doonaan toobiyaha san.

 

Mar labaad waxaan ku celinayaa, sida daweynaha SSC ,uga xunyihiin sida loo tusma habaabiyey ujeedadii shirka beesha.

 

Wabilaahi Towfiiq,

Cabdixakim C. X.Cumar Camay(Baabul)

Bura-Wadal, G.Sool, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this