Sign in to follow this  
General Duke

In the Sudan, TFG + COURTS

Recommended Posts

Kulanka Khartuum maxaa ka soo bixi kara?

Faallo-21.June.2006 Gogosha wadaxaajoodka ah ee ay fidisay xukuumada Khartuum ayna ka dambsayso Jaamacada Carabta soo fariisigeeda in

la aqbalaa waxay noqotay guushii ugu horeysay ee la gaaray.

 

Guusha kalena waxa ay tahay in la helay cid si toos ah loogala xiriiro arrinta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo horey u ahayd meel ay kooxiba si gaarkeed uga taliso.

 

Isbedelkanina run ahaantii waxa uu yimid ka dib markii dagaal afar bilood socday oo ay boqolaal dad ihi nafafkoodii ku waayeen in badanna ay ku naafoobeen oo magaalada Muqdisho uu ku dhexmaray Midowga maxkamadaha Islaamiga iyo Isbahaysi ay ku midoobeen qab qablayaal dagaal oo mudo 16 sano ah muqdisho awood ku lahaa.

 

Mowqifka ay istaageen guushoodii ka dib maxkamaduhu waxay sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan dowladda Federaalka, isla markaana ay diyaar u yihiin inay dalkooda kaga hortagaan waxa loogu yeero argagixisada inay hoy ka dhigato.

 

Tallaabadaasi waxaa loo arkay mid soo jiidasho leh, dalal badanna ay candhuuftooda dib u liqeen ka dib markii ay ka yaabanaayeen waxa Islaamiyiinta ka taag roonaaday Isbahaysigii Maraykanku taageerayay ay la soo bixi doonaan.

 

Balse jawi cakiran ayaa u muuqda inuu hareeyay dowladda federaalka iyo maxkamadaha Islaamiga, ka dib markii maleeshiyooyinka maxkamaduhu ay daba dhigteen hogaamiyeyaashii ay ka saareen Muqdisho oo ka eryaday deegaamada Balcad, Jowhar ilaa Jalalaqsi

 

Taasina waxay tuhun weyn ku abuurtay dowladda federaalka ee fariisinka u ah magaalada Baydhabo, madaxweynaha dowladda federaalka C/laahi Yuusuf Axmed waxa uu ku tilmaamay Maxkamadaha Islaamiga kuwo doonaya inay awooda ku maquunsadaan qori caaradii, wuxuuna ku amray inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka Prof Cali Maxamed Geedi isagana wuxuu ku eedeeyay Maleeshiyooyinka maxkamadaha meelihii ay qabsadeen inay ka gaysteen fal dambiyeedyo isugu jira dil, dhac iyo kufsi.

 

Waa eedaymo ay durbadiiba iska fogeeyeen midowga Maxkamadaha Islaamiga.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed gudoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga wuxuu sheegay in hadallada ka soo yeeraya dowlada federaalku ay u arkaan inay iyagu buuxinayaan kaalintii Isbahaysiga isla markaana ay dowladu wadato ajende u qarsoon, waa sida uu hadalka u dhigay.

 

Muranka labada dhinac ee dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga waxaa uu sii xoogaystay ka dib markii warar soo baxay ay sheegeen in ciidamo Itoobiyaan ihi ay ka soo tallaabeen xuduuda Soomaaliya iyagoo soo galay dhinaca Soomaaliya.

 

Maxkamaduhuna ay baaqyo iyo digniino ka soo saareen, waxayna taasi keentay in labada dhinac ay heegan buuxa geliyaan xoogaga ay haystaan ee ciidamada ah.

 

Hadaba kulankooda ugu horeeya ayaa maanta labada dhinac (dowladda Federaalka iyo Maxkamaduhu) ay ku yeelanayaan magaalada Khartuum. Hase yeeshee rajada ah inay natiijo lagu wada qanacsan yahay ka soo baxdo shirkaasi waa mid dhex dhexaad ah.

 

Sababtoo ah taasi waxaa ogaysiinaya marka aad eegto mowqifyada labada dhinac ay kala taagan yihiin.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo dowladiisu waxay doonayaan in maxkamaduhu ay dib uga laabtaan Jowhar ayna kala diraan maleeshiyooyinkooda, taasina waxay maxkamaduhu u arkaan wax aan u cuntamin.

 

Maxkamadaha laftigoodii waxay dowladda federaalka ka doonayaan inay joojiso dalabkeeda ciidamo shisheeye iyagoo u arka ciidamada Shisheeyaha inaanay waxba ku soo kordhinayn ammaanka wadanka, taasina waa wax aan u qaadmin madaxweyne C/laahi Yuusuf.

 

Hadaba haddii dhinac kastaa uu ku fara adaygo mowqifkiisa oo ay sababto in shirka lagu kala boodo, waxaa loo arkaa xiisad hor leh oo cirka ku sii dhejisa khilaafka u dhaxeeya Federaalka iyo Maxkamadaha, xaaladaasina waa mid aan sinnaba fiicnayn.

 

Balse labada dhinac haddii ay muujiyaan isu dabacsanaan iyo kalsooni meelna ay ka wada eegaan danta caamka ah ee ay Soomaali weyn maanta u baahi qabto waxay taasi noqon doontaa bog cusub oo furmay geedi socodka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta Soomaalida.

 

 

C/qaadir Maxamed Nuunow

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this