Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: Suldan Jama rebukes propoganda regarding ONLF prisoners

Recommended Posts

Bosaso: “ Waa Been in Itoobiya dad loo dhiibay, qarna Xabsiga ay ku dhinteen, dadka Walaalaha ee ****** iyo Puntland ayaa ladoonayaa in laysku diro” Suldaanka Beesha ****** ee Puntland oo la hadlay Saxaafada.

11. november 2009 

 

APL

Tool

 

Bosaso(AllPuntland)- Suldaanka Beesha ****** ee gobalada Puntland Suldaan Jaamac Xasan Ibraahim Suldaan ayaa ku sheegay wax laga xumaado hadalo laga baahiyay Warbaahinta Soomaalida, wuxuuna sheegay in ay aad uga xumaadeen hadaladaasi oo uu sheegay in ay xaqiiqadoodii ay radinteda galeen, soona heleen.

 

Suldaanku wuxuu guud ahaan waxba kama jiraan ku sheegay warka sheegaya in dad udhashay Beesha ****** loo dhiibay dawladda Itoobiya, wuxuu sheegay in ay la kulmeen Madaxda ugu sareysa Puntland oo ay kala hadleen arrimahaasi, loona geeyey goobaha ay ku xiran yihiin dadka la tuhmayo in loo dhiibay Puntland.

 

Suldaan Jaamac wuxuu sheegay in aysan waxba ka jirin arrintaasi, wuxuu cadeeyey in dad doonaya in ay isku diraan Puntland & ****** ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay labada dhinac isku dhici lahaayeen, isla markaasna cadaawad loo abuuri lahaa, isagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay wax hubsadaan.

 

“ Ilaahay hadaan laga baqeyn wax walba waa lafaafinayaa, waa been in dad udhashay ****** laga kaxeeyey Puntland oo lageeyey Itoobiya, waa been cad, waxaan la kulmay Madaxda Puntland ugu sareysa masuuliyiinta hada joogta Boosaaso, waan isla aragnay waxa lasheegayo in ay been cad yihiina waan aragnay” Ayuu yiri Suldaan Jaamac Xasan Ibraahim Suldaan.

 

Suldaanku wuxuu sheegay in uu la kulmay madaxda Puntland ayna usheegeen in 4 qof ay hayaan ay sharciga Puntland, marin doonaan oo aysan dhici doonin in haba yaraatee in cid kale loo gacan galiyo, sida maalmihii ugu dambeysay la hadal-hayay dawladda Itoobiya oo laftigeeda Sirdoon ay leeyihiin uu uga xiran yahay xabsiyada aadka loo ilaaliyo ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

 

Suldaanka oo la weydiiyey Hanjabaadii ka soo baxday ONLF, ee ahayd in ay la dagaalamayaan Puntland, wuxuu sheegay in uu hadalkaasi ku yimid si qaldan, qoladaasna loo geeyey war-qaldan oo ay sii gudbiyeen dad aan dooneyn wada dhalashada dadka walaalaha ah, isagoo ugu baaqay ONLF in ay raali galin ka bixiyaan warkaas oo uu sheegay in uu ahaa mid been abuur ah.

“ Soomaalida qaarkeed xumaanta ayay ka macaashtaa, waxaan been ah in Puntland dad udhiibtay Itoobiya, ONLF-na warkaas waxaa ugudbiyey dad aan waxba garaneyn, oo aan garan karin xataa wax faa’iidada ah ee ugu jira arrintaasi, waxaana leenahay hadii uu jiro in ONLF hanjabtay haka laabato warkeeda” Ayuu yiri Suldaanka oo umuuqday mid soo xaqiiqsaday xaalada rasmiga ah ee jirta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^The Suldaan is the highest ranking Isim that represents your folks in Puntland, so the question is what benefit would he get out of lying about his own people?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

loona geeyey goobaha ay ku xiran yihiin dadka la tuhmayo
in loo dhiibay Puntland
.

Qoraagu halkaas ha iska saxo, wuxuu ka wadey "Ethiopia" ayaan filayaa, mise anaa khaldan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

O, so he id our suldan? He is lying too, then.

 

Wa afar jeeble. And he doesn't speak for the community. Or he has another mission which perhaps we don't know. By the way, even Xiddig speak for us, soo ma aha? Ceebeey tacaal!

Share this post


Link to post
Share on other sites

A&T, adeer it is unfortunate that now you even call the Suldan on the ground a dishonest fellow. The fact is the stories you kept vomiting on her were made up and you were either naive and just believed them or spiteful and just spread them

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Adeer, above all politicking, we are first and foremost muslims. And qadaf iyo been-abuur are not the works of a good man. The Suldan, if he is indeed a suldaan, is lying. Yarka dhintay waan naqaanaa, qaadhaankii reerku ka dhintay loo dirayey yaan gacanta ku haynaa. So eat back your endless lies.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^How are we to trust you over the man, he is after all an elder, a man who is on the ground, and a man who's words will bring him much trouble from those who he leads if he is lying? You on the other hand, is hiding behind an avatar and living in the west and lead no one.

 

Again lets use the common sense the lord has given us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SULDAAN JAAMAC XASAN OO SI KULU U BEENIYAY HADALKII ONLF.

 

Suldaan Jaamac Xasan Ibraahim oo ka mid ah Issimada Beesha ******, oo ku sugan Magaalada Bosaso ayaa sii kulul u beeniyey warar Maalmahan dambe aay Sheegayeen Warbaahinta Somalidu

 

Suldaan Jaamac Xasan ayaa sheegay in wararka sheegaya in Jirdil lagu dilay Marxuum Cabdullaahi Xasan Cali aay yahiin kuwa been abuur ah, Isla markana u isagu la joogay Marxuumka dhintay uusana u dhiman Jirdil, Sidoo kale Suldaan Jaamac waxa u sheegay in Wax Hanjabad ah oo ka timid ONLF oo ku socota Puntland aysan jirin Dadka Labada Gobolna yahiin Walaalo Sidaa u hadalka u yiri

 

”Dadka Shacabku waa dad walaalo ah, ONLF dad uma Hanjabin, Wixii dhacyna hada ayaa loo fadhiya sidii loo xalin laha”

 

”Anigu hada Xabsiga Bosaso ayaa fadhiya, waxa ilaa fadhiya Wiilashii Afarta aha, Waxii dhacna lama yirahdo maxay u dhaceen, Ninkii dhinta Jirdil loma geysan aniga ayaa la joogay xiita xiligii u Geeriyooday, Dadka leh jirdil ayaa loo geystana waa beentood, arrinka wax ka jiro ma jiran, Waa dhamaatay Arrinkaasi waana isku afgaranay Maamulka, Wiilashana waa la sii deynaya , Ninkii Dhintana Arrinkiisa waa la saxaya, Dadku xal ba la Eegaya ee la iskama qayliyo” Ayuu Yiri Suldaan Jaamac Xasan oo u waramay Idaacadaha Maxaaliga ah

 

”Walahay Arrinkaasi aad ayaa la iskula dhexmaray, Lakiin wixii xaqiiqo ah kole waa la helaya, Shanta Wiil Xariga soo gaaray ma ahane wax kale oo jira ma jiro, dadkana waxa lagu qancinaya wax cad oo loo wada jeedo, waxa kasta oo dhaca maxay u dhaceen lama dhaho ee xal ayaa la gaaraya wixii dhacay lagu xalin laha”

 

Hadalka Ugaaska Beelaha ****** ee degaanada Puntland ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maalmahan dambe la isla dhexmarayo In Ciidanka Xabsigu jirdil ku dileen Allaah ha u naxariiste Marxuum Cabdullaahi Xasan Cali oo ka mid aha Maxabiista loo heysto inay ka tirsan yahiin Jabhada ONLF ee ka dagaalanta dalka Ethoipia

 

Puntland News Center

Muxiyadiin Cabdile

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Suldan, if he is indeed a suldaan, is lying. Yarka dhintay waan naqaanaa, qaadhaankii reerku ka dhintay loo dirayey yaan gacanta ku haynaa.

The Suldaan is in agreement with you as the article above suggests, he said one died and the rest are in prison.

 

Why do you still call him a lier. Re-read the news article twice.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this