Sign in to follow this  
NASSIR

Ceerigaabo and Galkacyo are shaking as of now

Recommended Posts

NASSIR   

Maxkamadii lagaga dhawaaqay Waqooyiga Gaalkacyo oo sheegtay in dad badani ku soo biirayaan

 

 

Muqdisho, Nov 15, 2006 (WDN) - Maxkamada Islaamiga Badbaado ee dhawaanta lagaga dhawaaqay woqooyiga magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegtay in ciidamo iyo saraakiil aad u fara badan oo ka yimid deegaano kala duwan oo ka mid ah maamulka Puntland ay soo gaareen magaalada Gaalkacyo. Warkaasi waxuu intaasi ku daray in dadkaasi qaaday dhinaca degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, si halkaasi loogu hubeeyo.

 

Afhayeenka maxkamada Islaamka ee Badbaado Axmed Muuse, ayaa waxa uu daaha ka qaaday in ay isa soo tarayaan dadka doonaya in ay ka mid noqdaan ciidamada maxkamada Islaamiga ee magaalada Gaalkacyo. Waxa uuna sheegay in saraakiisha iyo ciidamada haatan ku sugan Cadaado, halkaasi tababar lagu siin doono isla markaana la hubeyn doono.

 

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray in maxkamada Islaamiga Badbaado ay wado qorshooyin fara badan oo ku aadan sidii si rasmi ah ay ugaga howl bilaabi lahayd magaalada Gaalkacyo, oo haatan ciidamo lixaad leh oo ka socda maamulka Puntland ay soo buux dhaafiyeen.

 

Afhayeenka maxkamadaha Islaamiga ee gobolada dhexe Sh. Maxamed Maxamuud Cagaweyne, ayaa sheegay in maxkamadaha Islaamka ay ku taageeri doonaan wixii awood ah maxkamada Islaamiga ee Badbaado. Cagaweyne waxa uu intaasi ku daray in filayaan in maxkamada Badbaado ay si rasmi ah Gaalkacyo uga howlgasho.

 

Maalmihii ina soo dhaafay ayaa maxkamada Islaamiga ee Badbaado waxa ay ku jirtay ciidamo urursi. Taasi oo u muuqata in maxkamada ay qorsheynayso in si awood ah ay ku tagto magaalada Gaalkacyo qeybteeda woqooyi, oo haatan maamulka Puntland uu ka arrimiyo. Arintan ayaa laga yaaba in ay furto iska hormimaad hor leh oo ka qaraxa gobolada dhexe.

 

 

Dhinca gudoomiyaha golaha fulinta maxkamadaha Islaamka Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in suurto gal aysan ahayn in la yiraahdo amniga magaalada Muqdisho gacanta ayaa lagu dhigay, ayadoo dadka ay guryaha ku heystaan hubk. Waxa uuna tilmaamay in dhawaan arintaasi war laga soo saaro doono.

 

Sh. Shariif waxa uu sheegay in hubka ku jira gacanta shacabka loo baahanyahay inuu kusoo wareego gacanta maxkamadaha, si amniga magaalada uu u noqdo mid la isku halayn karo isla markaana shacabka uu kalsooni buuxda u helo.

 

“ Is aaminaad la’aantii shacabka ku dhex jirtay waa ay dhamaatay haatanna magaalada maamul mideysan ayay yeelatay Alle mahadii, marka waxaa loo baahanyahay in hubka maxkamadaha Islaamka lagu soo wareejiyo" ayuu yiri Sh Shariif Sh Axmed. Sheekha ayaa intaasi ku daray in gudiga amniga uu arintaasi wax ka qaban doono oo qorshe la soo saari doono.

 

Waxa uu Sh. Shariif tilmaamay in hub heysasho iyo nidaam aysan meel isla galaynin, shacabkana laga doonayo in hubka meel qura ay isugu wada keenaan si loo xajiyo nabada iminka Alle uu ugu deeqay bulshada.

 

Horey ayaa gudiga amniga guduha waxa uu usoo saaray wareegto ku baaqaysa in hubka gacanta maxkamadaha Islaamka lagu soo wareejiyo, laakiin arintaasi uma muuqato mid meel martay. Hase yeeshee balse qorshahan hadda ayaa la filayaa in maxkamadaha Islaamka ay u dhaqaaqaan sidii hubka looga saari gacanta bulshada.

 

 

Maxamed Cumar Adan,

WardheerNews, Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Odayaasha iyo Waxgaradka magaalada Ceerigaabo e gobolka Sanaag oo taageeray maxkamadaha

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Badhan, Nov 15 ( Dhahar)--Culuma udiinka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta ku dhaqan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa maanta baaq ka soo saaray oo ku aadan sidii loogu dhaqmi lahaa shareecada islaamka loona taageeri lahaa maxkamadaha islaamka Somalia.

 

 

Baaqaan oo ka kooban todobo qodob ayaa waxaa lagu taageeray ku dhaqanka shareecada islaamka, oo ay sheegeen in ay tahay muqadas, laga rabo in ay taageeraan dhamaan shacbiga "Somaliland".

 

 

Culuma udiinka baaqooda ayaa waxa ay ku sheegeen in Mas'uuliyiinta "Somaliland" ay ka feejignaadaan hadalada lidka ku ah ku dhaqanka shareecada Islaamka, isla markaana ay raali galin ka bixiyaan kalmadihii wasiirka amuuraha dibadda "Somaliland" uu ka jeediyay warbaahinta oo ahaa in nidaamka "Somaliland" uu yahay Cilmaani, in ku dhaqanka shareecada islaamka ay qatar ku tahay bulshada geeska Afrika.

 

 

Culuma udiinkaan ayaa waxa ay taageereen kacdoonka maxkamadaha Islaamka ee Koonfurta Somalia oo ay ku tilmaameen kuwo guuleeystay, iyagoo ka digay in dad weynaha "Somaliland" aan fasiraad qaldan laga siin ku dhaqanka shareecada islaamka.

 

 

Bayaanka dadka soo saaray ayaa waxay ahaayeen in ka badan 100 ruux waxaana ugu caansanaa Sheekh Max'ed Cali oo si weyn looga yaqaano gobolada "Somaliland" iyo culuma udiin kale.

 

 

 

 

 

 

 

 

Max'uud Ciyoon

 

 

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ :D Adeer, wax 'shaking' ahda miyaa kuu cuntami weydey. I know when news is so close to home, exageration shouldn't be used at all! smile.gif . Don't worry, sxb, a new maxkamad with Somaliland flag won't emerge anytime soon. Qalbiga kheyr u sheeg :D .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

^^Sanaag is not neglected except it shares the lack of sound infrastructure such as roads with many regions. However It is the most vibrant region when it comes to district to district. If you look at Bari region, barring Bossaso, which thrived through its inheritance of a national property/port, what you have there? Ma hadaan galey Qaaba Qooseen. :D

 

It is only Erigavo which declared for their support to the Islamic courts and the rest of the districts would probably not follow suit.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

War deg deg ah:- Bayaan kasoo baxay Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag

Xingalool:- Ujeeddo:- Bayaan: Waxa ay Culimaa'udiinka, Aqoonyahanka, Waxgaradka, Nabadoonada, Ganacsatada, iyo dhalinyarada Beelaha wada dega Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag bayaankan hoos ku qoran si wada jir ah usoo saareen Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag.

 

 

Bayaankan ay soo saareen Beelaha wada dega degaanka Degmada Xingalool (Bah-******, Reer Saalax, Aadan Yaaquub iyo ciddii kale ee degaanka la degtaba) ka dib markay qiimeeyeen, kuna sameeyeen falanqayn dheer guud ahaan xaaladda dalka iyo isbedelada is daba jooga ah ee Soomaaliya ka socda hadaba anaga oo ah dadka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin markii aan qiimaynay bahida Beelahani u qabaan ku dhaqanka shareecada ale ee ah dastuurka xaqa ah markii an eegnay garsoor la'aanta iyo maamul la'aanta ka jirta dhulka waxaan soo saaray bayaankan.

 

1- Dhamaan Beelaha degan Degmada Xingalool waxay si buuxda u taageerayaan ku dhaqanka shareecadda islaamkawaxayna ugu baaqayaan maamul Goboleedka Puntland in uu si dhamaystiran u qaato ku dhaqanka shareecada islaamka maadaama aan nahay dad muslim ah

 

2- Waxaan taageersanahay oo soo dhoweynaynaa cid kasta oo ku dhawaaqday inay ku dhaqmayaan shareecada islaamka

 

3- Waxaan usoo jeedinaynaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan Beesha degta Gobolka Sanaag (Warsangeli) inay si dhamaystiran u qaataan ku dhaqanka shareecada islaamka kuna xukuntamaan dastuurka ilaahay ee ah kitaabka iyo sunada rasuulka si ay aakhiro iyo aduunba ugu liibaanaan

 

4- Waxaan usoo jeedinaynaa maamulada kala duwan ee ka jira Soomaaliya inay isugu yeeraan culimaa,udiinka iyo ismada iyo aqoonyahanka si loo hirgeliyo ku dhaqanka shareecada islaamka

 

5- Waxa kale oo ay Beeluhu soo jeedinaysaa in loo daayo umadda Soomaaliyeed ka tashiga aayaheeda lagana daayo faragelinta shisheeye

 

1- Nabadoon Axmed Askar Cali Shire

2- Nabadoon Iimaan Warsame Faarax

3- Xaaji Jaamac Ducaale Gurey

4- Duqa Degmada yuusuf faarax siciid

5- Ganacsade jaamac salaad warsame

6- shiikh Xasan Xuseen Axmed

7- sheikh C/raxmaan ciise fidhin

8- sheikh jaamac faarax c/llaahi

-9-shiikh axmed siciid gegiroor

10- shiikh cali maxamed xasan

11- shiikh mursal siciid cali waraabe

12- shiikh ismaaciil cali cumar

13- shiikh c/xakiin xaji maxamed

14- Dr xasan axmed koore

15- axmed maxamed muuse(xariif)

16- sheikh cali siciid axmed

17- sheikh jaamac cabdi axmed

18- sheikh maxamed cali guuleed

19- sheikh axmed ismaaciil cali gurey

20- mr c/risaaq fidhin faahiye

21- shiikh c/xakiin maxamed warsame

22- shiikh c/llaahi cali maxamed warsangeli

23- sheikh aadan aw-cismaan

24- mr siciid cabdi wabax

25- mr khaliif saalax hadhiye

26- mr jaamac saalax hadhiye

27- mr axmed jaamac yooye

28- mr c/qaadir ciise firin

29- maxamed shire fore

30- mahdi shire faarax

31-c/salaam c/laahi jaamac

32- siciid maxamed shirdoon

33- saleebaan abshir maxamed

34- mahad cali warsame

35- ganacsade maxamuud axmed xariif

36- ganacsade faarax c/raxmaan saalax

37- ganacsade jaamac c/raxmaan saalax

38- axmed shire xaaji maxamed

39- shiikh c/laahi maxamed aadan

40- aw- maxamed saalax cagaal

41-ganacsade c/risaaq xaaji maxamed

42- c/laahi cabdi warsame

43- shiikh axmed aw maxamed maxamuud

44- xaaji maxamed yusuf cabdi

45- ganacsade yusuf warsame cali shire

46- Dr cali jaamac faarax

47- shiikh cali c/waaxid xuseen

48- Dr bashiir siciid hagar

49- mr jaamac sicid hagar

50- shiikh yuusuf siciid maxamed

51- c/laahi siciid maxamed

52- maxamed faarax aadan

53- c/raxmaan maxamuud rabaax

54- shiikh dhuux shiikh xasan

55- shiikh sharma,arke cali aadan

56- Dr maxamed cawil nuur

57- xaaji c/raxmaan saalax

58- ganacsade mukhtaar xuseen axmed

59- c/waaxid xuseen axmed

60- mr maxamed iimaan warsame

61- ganacsade siciid c/raxman salax

62- ganacsade cismaan maxamed farabadane

63- mursal faarax maxamed

64- ganacsade xasan axmed xariif

65- Dr diiriye jaamac nuur

66- ganacsade cali muuse saalax

67- sh c/laahi ismaaciil xasan

68- ganacsade c/qaadir xasan gurey

69- mr cali shire maxamuud muuse

70- mr c/risaq axmed maxamed

71- shiikh bashiir aw-yuusuf

72- mr maxamuud diiriye maxamed

73- Dr xasan axmed saalax

 

faah-faahin dheeraada kala xiriir garaw96@hotmail.com

 

afhayeenka beesha baaqa soo saartay Shiikh Axmed Siciid Gegiroor

 

Xingalool 252-5869349 252-5869400

Mobile 252- 5798263

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ This baaq is not clear sxb.

I believe that every somali waryaa wants shareecada to be implemented fully upon themselves, however this baaq is not clear whether it is addressed to PL adminstration in order for them to do things right (better judiciary) or is it signal to UICs to come and help them with it! I am confussed here!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^^Degmada Xingalool has some roots with the maxakiim in the past, When the Ethihat were chassed away from Puntland in 1992 ,Xingalool welcomed them, and they set their final camp.and since then this town has many soppurters of UIC, and thus today they declared a islamic court in allaince with IUC.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

You right Xingalool is the center of Culumaaidiin but I have always thought they were TimaWeyn, not Surwaal dheere daba-gaab :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this