Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf visit to US Canada.

Recommended Posts

(WAR DEG-DEG AH) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo saacadaha soo socda u ambabaxay dalka Mareykanka

Posted to the Web Sep 13, 13:31

 

 

Jowhar (PP) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa inuu saacadaha Soo socda ka amababaxo magaalada Jowhar isagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka, waxaana uu sii mari doonaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa uu hoggaamin doonaa wafdi ballaaran oo ay ku jiraan wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo la filayo inuu Madaxweynuhu kula kulmo inta uu joogo Nairobi xubnaha beesha Caalamka iyo Madaxda Hay’adaha UN –ka ee ku sugan Nairobi, waxaana warar lagu kalsoon yahay oo aan helayno ay sheegayaan in Madaxweynuhu kala hadli Madaxda Hay’adaha sidii ay dalka ugu nagaan lahaayeen, isagoo u sheegi doona in ammaankooda uu yahay mid dowladda dusha ka saaran, isla markaana aan loo baahnayn in markii ay doonaanna ay iska baxaan markii ay doonaanna ay dalka soo galaan.

 

Sidoo kale waxaa xalay magaalada Jowhar shir weyn ku yeeshay Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynaha C/llaahi Yuusuf waxayna ka wada hadleen arrimaha dowladda iyo safar uu Ra’iisul wasaaruhu ku doonayo inuu ku yimaado Muqdisho, uuna uga furi lahaa xafiis ay dowladda Federaalku ku sii shaqeyso inta laga nabadeynayo.

 

Madaxweynaha ayaa magaalada Nairobi uga sii gudbi doona Magaalada Newyork ee daka Mareykanka si uu uga qaybgalo shir madaxeedka UN-ka oo dhacaya 22-ka bishaan September, waxaana la filayaa in Madaxweyne C/laahi Yuusuf uu kulankaas ka jeediyo warbixinno ku aaddan wixii ay qabatay dowladda Federaalka KMG-ka ah tan iyo intii la aasaasay iyo intii ay dalka gudihiisa ku sugnaydba.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa sidoo kale uu doonayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Mareykanka oo soo booqdo gobollo badan oo dalka Mareykanka ah, waxaana la filayaa inuu halkaas kulammo kula yeesho Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Mareykanka.

 

Warar ay Puntlandpost ka heshay xubno ku dhow-dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in madaxweynuhu uu soo booqan doono Soomaalidii wax ku noqotay duufaantii Katrina ee ku dhufatay gobollada Koonfureed ee Dalka Mareykanka.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost – Mogadishu – Somalia

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo galabta u dhoofaya Nairobi asaga uga sii gudbi Doona Wadanka Mareykanka

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa inuu galabta ka ambabaxo Magaalad Jowhar oo ah xarunta kmg ah ee Dowladda asaga oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi oo ah Xarunta Wadanka Kenya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in magaalada Nairobi uu uga sii gudbi doono wadanka Mareykanka Halkaasoo la sheegay inuu kaga qeyb geli doono shir madaxeedka 60aad ee madaxda Qaramada Midoobey,safarka madaxweyna Yuusf ayaa la sheegay in ay ku wehlin doonaan xubno badan oo ka tirsan Golayaasha Dowladda,iyadoo la shaaciyay in safarka Madaxweynaha ee u raaci doona Mareykanka ay gaarayaan 11xubnood waxaana lagu dhawaaqay xubnaha raaci doona in ay yihiin Wasiirka Arimaha Dibada C/llaahi Sh. Cusmaaciil, Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Max’ud Max’ed Guuleed Gacma Dheere,Wasiir k/xigeenka Hidaha iyo Dhaqanka Khadiijo Max’ed Diiriye wasiiro Dowlaha Madaxtooyada Dr Khaalid iyo Wasiirka Warfaafinta Maareeye.

 

Xubnahan hore u soo raaci doona Madxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in qaar ka tirsan ay iminkaba ku sugan yihiin Magaalada Nairobi,iyadoo xubno kale ee safarkiisana ku wehliya kasii raacaya Maanta Magaalada Jowhar waxaana ka mid xubnaha Jowhar ka raacaya Dr. Khaalid Gacmo dheere oo iyagu Jowhar ku sugan halka kuwa kalena ee Mareykanka U raacaya ay joogaan Nairobi.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa ka qeyb geli Shir bishan Bartamaheeda Magaalada New Yorka uga furmi doona Madaxweynayaasha Qaramada Midoobey.

 

C/casiis Xasan Max’ed (GOLF), Jowhar Midnimo googooye16@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka amba baxaya magaalada Jawhar

 

Jawhar - 13.September.2005 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka amba baxaya magaalada Jawhar ee xarunta kumeel gaarka ah ee dawladda Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu ku sii jeedaa waddanka Maraykanka kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda Maraykanka si uu uga qayb galo fadhiga guud ee hoggaamiyayaasha caalamka ee Qaramada Midoobey oo dib loogu eegayo hormarka dhinaca caafimaadka iyo dhaqaalaha ee uu caalamku higsanayo sannadka 2015.

 

Sidoo kale, kulanka sannadkan ayaa waxaa lagu xusayaa sannad guurada lixdanaad ee asaaska Qaramada Midoobey (UN60).

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu hoggaaminayaa wafdi ka kooban xubaha labada gole ee dawladda, waxana ka mid ah, wasiirka arrimaha dibadda, C/laahi Shiikh Cismaan, wasiirka horumarinta reer miyiga, Gacma Dheere, Marwo Khadiijo, iyo wasiirka warfaafinta Maareeye.

 

Safarka madaxweynaha ee dalka Maraykanka ayaa ku beegmaya xilli uu isla dalkaas ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamanka federaalka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqan doona waddanka Canada, waxana wararku ay sheegayaan in uu Cabdullaahi Yuusuf Axmed wada haddallo la yeelan doono ra’iisal wasaaraha waddanka Canada, Paul Martin.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa dalka dib ugu soo laaban doona bisha Oktoobar ee soo socota.

 

Axmed Xasan Mahad

SBC Jawhar

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yusuf Ahmed oo kusii jeeda dalka Maraykanka

 

Jowhar:- Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayuu maanta u bilowday safar uu ku aadayo dalka Maraykanka.

 

Wafdigan Madaxweynaha Federaalka oo maanta sii maraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shirka Guud ee Qaramada Midoobay isugu imaanayo.

 

Shirkaasi oo ka dhici doona Xarunta UN-ka ee New York ayey isugu imaanayaan in ku dhow 200 oo Madaxweynayaal iyo hogaamiyaasha dowaladaha dunnida.

 

Shirkan ayaa lagu wadaa in looga hadlayo arrimo badan oo ay kamid yihiin Amaanka Addunida iyo waliba isbedalada loo baahan yahay in lagu sameeyo Qaramada Midoobay.

 

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu inta uu ku sugan yahay dalka Maraykanka kulamo la yeelan doono Madaxda Caalamka.

 

Arrinta Dalka Soomaaliya ayuu sheegay in Madaxweynaha uu markale usoo bandhigi doono dowladaha waa weyn si markaasi loo caawiyo dowlada loo soo dhisay dalka Soomaaliya oo 15kii sano ee lasoo dhaafay ku jiray burbur.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somalia oo u ambabaxay magaalada New York

 

Jowhar-13.September-2005 Madaxweynaha dowladda federaalka kmg ee Somalia Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka dhoofay magaalada Jowhar ee xarunta kmg ee dowladda federaalka Somalia.

 

Madaxweyne Yuusuf oo safarka ay ku wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ayaa u ambabaxay magaalada New York oo ay ku taallo xarunta Qaramada Midoobay.

 

Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed marka uu tago dalka Maraykanka waxa uu ka qayb geli doonaa shirar kala duwan oo Caalami ah.

 

Si kastaba ha ahaatee safarka madaxweynaha ayaa yimid xilli ay saxaafadda qaarkeed horey u shaacisay in madaxweyne Yuusuf uu la’ yahay Viisihii dal ku galka dalka Maraykanka si uu uga qayb galo kulanka guud ee Qaramada Midoobay ee bishan.

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf wuxuu noqonayaa madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ee ka qayb gala kulan sanadeedka Qaramada Midoobay, tan iyo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii Maxamed Siyaad.

 

Sanadkii 2001-dii ayaa madaxweynihii hore ee dowladdii lagu soo dhisay Carta, Jabuuti mudane C/qaasim Salaad Xasan uu ka qayb galay kulankii loo dhamaa ee Qaramada Midoobay.

 

SBC News Desk.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar: Madaxwaynaha DFKGS Md: C/laahi Yuusuf Axmed oo u dhoofay dalka Maraykanka.

- Tuesday, September 13, 2005 at 17:34

 

Jowhar(AllPuntland)- Madaxwaynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta ka ambo baxay magaalada Jowhar .

 

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qayb galaya shir ka dhacaya magalada New York oo ay isugu imaanayaan madax kala duwan oo ka socota qaaradaha kala duwan ee dunida.

 

Madaxwaynaha ayaa si diiran loogu sii sagootiyay gagida diyaaradaha magaalada Jowhar , waxaana madaxwaynaha sii sagootiyay xubno ka tirsan dawladda oo uu kamid yahay raysulwasaaraha dawladda Soomaaliya Prof; Cali Maxmed Geeddi.

 

Kulanka ka dhacaya magaalada New York 15ka bishan ayaa waxaa lagu soo qaadayaa arimo ay kamid yihiin ladagaallanka Faqriga iyo la dagaallanka argogixisada caalamiga ah .

 

Madaxwaynaha DFKGS Md: C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lafilayaa inuu halkaasi kasoo jeediyo qudbad dheer oo uu uga hadlayo marxaladaha uu kusugan yahay dalka Soomaaliya iyo baahida dalku u qabo in laga caawiyo dhinacyada dib udhiska iyo siyaasadda.

 

Madaxwayne Yuusuf oo waqti aad u gaaban ku hakan doona dalka Kenya ayaa waxaa la filayaa inuu sidoo kale magaalada New York kula kulmo madax ka socota beesha caalamka ee ka qayb galaysa shirkaasi.

 

Waa markii ugu horaysay ee madaxwaynaha Soomaaliya uu u kici timo dalkaasi Maraykanka ,waxaana madaxwaynaha lafilayaa inuu gudbiyo qorshe culus oo kusaabsan dawladdiisa .

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Duke honestly man one (1.) news report is enough. You don't have to use up server space just to be redundent. Yes, Cabdulahi Yusuf is going to New York. Si fiicaan baan u fahanay!

 

He is going to the U.N to make a speech and have an opportunity for a photo op. Shouldn't we respectfully add Cabdiqasim Salaat Hassan has done that and more? Yet his disbanded government is considered a failure because dantiisa ayuu garanwaa'yay. Sidoo kale uu Abdulhai Yusuf dantiisa garanayn iminka. Duke ogow Abdulahi Yusuf dantiisa inay tahay dalka SOOMAALIYA and not what current photo is circulated of him making a speech oo nuxur lahayn and in a venue that obviously doesn't care. I hate to sound so condescending, but that is the reality of things.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Brother, dont worry I will continue to post news from every credible source in order to get something close to the real picture.

 

madaxweyneabdulaahimadaxweynesiiriya.jpg

 

Rome was not built in a day. This Somali project will not be completed in a few months a years. One is encouraged by the progress so far, yes Abdiqasin went to the UN, but he did not have much of a plan or a clue apart from following Presidnet Gheele. What if this meeting had taken place and President Yusuf was not invited, imagine the news then?????

 

Abdullahi Yusuf in a year has matched what all the previous admins have achieved put together. He has real estate in the country, Puntland, Hiiraan, and Central Shabbele toname a few. He has international support, hence the office of the AU, the Arab league commitment and now a visit to North America. I am keeping a close eye on the visit to Canada....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this