Juje Posted August 5, 2009 Prof. Geeddi oo ka hadlay muhiimada kulanka Madaxweyne Shariif iyo Hilary Clinton Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa ka hadlay kulanka dhowaan ku dhex mari doona Magaalada Nairobi Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimada Dibada Mareykanka Hilary Clinton. Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa isagoo u waramayay Idaacada Afka Soomaaliga ee VOA waxaa uu muhiimad gaar u ah Soomaaliya ku tilmaamay kulankaas. "Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Mareykanka inay gacan ka geystaan Xasilinta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya"ayuu yiri Prof. Geeddi ka jawaabayay su'aal la weydiiyay waxa uu ka codsan lahaa hadii Madaxweyne uu ahaan lahaa Dowladda Mareykanka. Prof. Geeddi ayaa is bar bar dhigay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bush iyo Madaxweynaha xilligan Barack Obama, isagoo sheegay in labaduba ku mideysnaayeen xasilooni loo helo dalka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in kulanka dhex maraya Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Hilary Clinton ay yididiillo wanaagsan ka soo bixi doonto, isagoo caddeeyay in Mareykanka uu haatan u muuqdo in uu doonayo in uu ficil u bedelo hadalladii afka ahaa ee uu ku wajihi jiray Arrimaha Soomaaliya. Hadalka Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Geeddi ayaa ku soo aadaya xilli saacadaha soo socda lagu wado inay kulmaan Madaxweyne Shariif iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Hilary Clinton oo haatan ku wada sugan Magaalada Nairobi. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 5, 2009 However has anyone seen Juje lately? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted August 5, 2009 ^^^^^^^^^^^^^^^^^ Looooooooooooooooooo ooooooool! Quote Share this post Link to post Share on other sites