Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Voters Registration Process in Lasanod

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-09-17 (Hadhwanaagnews) Laascaanood(HWN):- 30 xubnood oo ka kala socday qeybaha kala duwan bulshada, maamulka Gobolka laascaanood iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha Caalamiga ah ayaa maanta aqoon is-weydaarsi socday muddo Sadex Cisho ah loogu soo geba-gabeeyey xarunta Jaamacada Nugaal ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

Aqoon isweydaarsigan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adaha kala ah Fopag iyo Oxfam Novib

 

Siminaarkan oo ahaa kii ugu horeeyay noociisa ah ee ka dhaca Magaalada laas-caanood ayaa waxay u-jeedadiisu ahayd, isla markaana lagaga hadlayey barashada hawlaha wayci-gelinta iyo diiwaan-gelinta nidaamka doorashooyinka, gaar ahaana diwaangelinta cod-bixiyaayaasha ee la afilayo inay badhtamaha bisha October ee fooda inagu soo haysaa ee sanadka 2009 guud ahaanba ka dhici-doona jamhuuriyada Somaliland

 

Aqoon-isweydaarsigaasi waxa ka soo qaybgalay ilaa 30 xubnood oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada, maamulka Gobolka Sool iyo waliba xubno ka socday hay'adaha caalamiga ah.

 

Mudadii uu socday siminaarkaasi ayaa lagu lafaguray, isamarkaana doodo ay isku waydaar-sadeen Xubnihii ka soo qaygalay kulankaasi dhexdooda, kuwaasi oo ku aadan habka ugu fudud ee ay doorashadu uga wada hirgali lahayd guuda ahaan gobolka sool.

 

Iyadoo ay gud ahaanba somaliland ay ka bilaami doonaan hawlaha ololaha doorashada ayaa siminaarkan waxaa uu qayb ka ahaa mid la doonayoin guud ahaan gobolada lagu qabto oo looga goleeyahay sidii loo tababarilahaa dadkii fulin lahaa hawsha wacyi galinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this