Sign in to follow this  
Kamaavi

Sidee looga dareemay Magaalada Jigjiga Xadhigii Bishaaro Wacdi,

Recommended Posts

Kamaavi   

Magaalada Jigjiga oo ah Caasimadda Ogadeeniya ayaa maalmahan waxaa si weyn looga daremay dhibaatadii loo gaystey Bishaaro Wacdi Shaqlane ee ay Maamulka lamagac baxay Soomaaliland intay qabteen ay usoo gacan galiyeen Cadawga Itoobiya, dadka magaalada Jigjiga ku nool ayaa labadii qof ee meel taagan waxay hadal hayaan Bishaaro Wacdi iyo sida arxandarada ah ee Cadawga loogu soo gacan galiyay, iyagoo dhanka kale codadkooda hoos u dhigaya si aan loo maqlin sheekada ay hadal hayaan Bishaaro Wacdi iyagoo ka cabsi qaba in Jawaasiistu ay soo basaasaan.

 

Maqaaxiyaha, Hotelada iyo meelaha ay dadka Ree Jigjiga ku kulmaan oo dhan waxaa la hadal hayaa un Bishaaro Wacdi Shaqlane, iyagoo dad badani ay dusha ka habaarayaan Maamulka Hargaysa sida ay ugu soo gacan galiyeen Cadawga gabadhan. iyagoo aad uga naxsan oo qaarkood wajiyadooda aad ka dheehan karto walbahaar iyo murugo badan oo ay ka murugoonayaan dulmiga lagu soo qabtay gabadhan. halka qaar kale oo isugu jira Jawaasiis iyo Calooshood u shaqaystayaal ka amar qaata Ina Iley ay aad ugu faraxsan yihiin arrintaas.

 

Maxay ka yidhaahdeen dadka qaar Xadhiga Bishaaro Wacdi Shaqlane: Hooyo magaceeda ku soo gaabisay Aamina oo deggan magaalada Jigjiga ayaa tidhi " Marka hore aad iyo aad baan uga naxay in Bishaaro Wacdi dib loogu xidho magaalada Jigjiga oo ay muddaba ku xidhnay hadda ka hor. Hargaysa waa qeyb ka tirsan Itoobiya maamul ahaan, qofkii intuu ka baxsado Cadawga Hargaysa tagaa wali wuxuu ku jiraa un gacantii Cadawga, markaa maysan ahayn in Hargaysa ay tagto ee waxay ahayd inay meelahaa kale ee dibadaha ay tagto, laakiin qadar Ilaahay baa dhacay.!". Oday kale oo isna magaciisa kusoo gaabiyay Cabdi yare ayaa sheegay dhankiisa in Maamulka Hargaysa ay horey caadu ugu lahaayeen inay soo dhiibaan dad badan oo Ogadeeniya u dhashay, sidaas darteedna ugu baaqay in Shacabku iska ilaaliyaan inay aadaan Maamulkaasi uu madaxa u yahay Riyaale. Ogaadaana in Itoobiya iyo Hargaysa ay yihiin laba ku midoobay cunidda Shacabka Ogadeeniya. Si kastaba ha ahaatee Bishaaro Wacdi Shaqlane Maamulka Hargaysa ayaa usoo gacan galiyay Cadawga Itoobiya, lamana garanayo meel ay Jigjiga ka geeyeen Bishaaro.

 

Haddaba marar aanu dhex wareegnay Shacabka Ree Jigjiga si aanu u helno xog dheeraad ah oo ku saabsan xadhiga Bishaaro ayaan wali noo suurtoobin inaan xog rasmi ah ka helno arrintan, iyadoo qofkii aad waydiisaaba qaarna kaa aamusayaan iyagoo lafahooda u cabsanaya kuwa kalena ay kuugu jawaabanayaan magaranayo meel la geeyay.

 

Qorahay Online wali iyadoon ka daalin waxay in badan isku dayaysaa inay hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan halka ay haatan ku sugan tahay Bishaaro Wacdi Shaqlane iyo siday Xaaladeeddu ku sugan tahay, Inshaa Allaahu sida ugu degdegga badan ee aanu faahfaahinta u helnaba ayaanu idinku soo gudbin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this