General Duke Posted March 18, 2009 Qiimaha Sarifka Doolarka Ee Suuqyada Hargeysa Oo Cirka IskuShareeray Iyo Ascaarta Baddeecadaha Qaarkood Oo Hoos U Dhacay Hargeysa, March 17,2009 (Haatuf)- Qiimaha sarifka lacagta adag ee doolarka ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey suuqyada Hargeysa kor uga kacay waxaanu qiimaha $100 doollar shalay suuqa sarifka ee Hargeysa lagu sarifaayey ShSl 682,000 halka uu markii hore sarifka qiimaha $100 laguugu beddelayey SLSH 640,000 -650,000. lama oga sababta rasmiga ah ee uu sarifka doolarku kor ugu kacay, hase yeeshee sida ay Haatuf u sheegeen qaar ka mid ah sariflayaasha lacagaha qalaad ee suuqa Hargeysa, waxa uu qiimaha doolarkii kor u kacay, ka dib markii uu suuqyada ganacsiga ee dalka ku yaraaday lacagta doolarka, taas oo sababta doolarku ugu yaraaday suuqyadaasina ay ku macneeyeen dhawr arimood oo ay ka mid yihiin iibka dhoofkii xoolaha oo joogsaday iyo shaki iyo walaac ka dhashay xaaladaha siyaasadeed ee dalka , taas oo kaliftay in ganacsatada waaweyn ee dalku ay dhimaan xaddigii lacagaha doolarka ee ay suuqa soo gelin jireen “ waxa qiimaha sarifka doolarka kor u kiciyey waa mida koowad ee waxa hore joogsaday iibkii xoolaha ee dibadaha loo iibgeynayey kaas oo lacagta ugu badan ee dolarka ah ka soo gali jirtay suuqyada magaalada mida labaadna waxa ay tahay sida aad la socoto waxa dalka ka jiray xaalado cakiran oo siyaasadeed sida murankan xisbiyada ee mudada doorashada, taasi lafteedu qayb weyn bay ka qaadatay doolarkan qaaliyoobay, waayo waxa aad arkaysaa in shaki jiro dee ganacsatada waaweyn laftoodu way joojiyeen lacagtii adkayd ee suuqa sarifka soo galin jireen. Sidaa darteed labadaa arrimoodba qaybweyn ayey ku leeihin xarkaadka qiimaha sarifka doarka ee fadhisan waayey” sidaa waxa yidhi mid ka mid ahsriflayaasha waaweyn ee suuqa Hargeysa o Haatuf uga waramy sababta kor u kala qiimaha sarifka doorlak ee suuqa Hargeysa. sidoo kale kor kaca qiimaha sarifka doolarka ee maalmahan dambe hadheeyey suuqa Hargeysa aya sababta lagu xidhiidhinayaa in ay ku lug leedahay sicirka dolarka o or uga kacay sayladaha dunida. Halka ay sidoo kale lacagta Euro-da iyo Bound ay hoos uga dhaceen srifka qiimahodii hore. Maaha markii u horeysay ee uu qiimaha sarifka doolarku u kor u kaco ama uu hoos uga dhaco suuqyada dalka, haseyeeshee marka loo eego qiimahan u hada cagacagaynayo dolarku ayaa ka dhigan markii kowaad ee halkaasi gaadho muddo haatan laga joogo laba sadaxdi sanadood ee u dambeeyey. Dhinaca kale waxaa isaguna hoos u dhacay qiimaha maceeshada daruuriga ah iyo shidaalka gaar ahaan naaftada, taas oo suuqa dhawrkii cishe ee ugu dambeeyey laga dareemayey. Qaar ka mid ah baakharada waaweyn oo aanu wax ka waydiinay ayaa sheegay in ay saamayn ku leedahay shidaalka jabay, kuwaas intaas ku daray in safarkii yimaadaba ay hoos u sii socoto “ runtaa waa iska caadi oo maceeshadu korna sare ayey u kacdaa marna hoos ayey u dhacdaa oo imika baryahan hoos ayey u sii socotay maceeshadu”sidaa waxaa yidhi Cumar Cabdi oo ka tirsan baakharada waaweyn ee Caare Store. Mar aanu waydiinay sababta hoos u dhacan keentay waxa uu sheegay inay ku xidhan tahay shidaalka caalamka ka jabay ee hoos u dhaca. Waxaanay maceeshada daruurigu marayey sidatan: Sonkortu waxay maraysaa $25 doolar, Bariiskuna waxa uu marayaa $38 iyadoo marar badan gaadhay $51, daqiiqdu iyaduna waxay maraysaa $25.5, iyadoo hore u gaadhay soddameeyo, 10 litterlayda saliida cuntada ah $9.5. Maceeshadan hoos u dhacday waxay afartii bilood ee la soo dhaafay ayey hoos u socotay iyadoo sababta ugu weyn ee hoos u riday loo malayno inay kaliftay shiidaalka jabay. Sidoo kale waxaa iyaduna hoos u dhacay shidaalka gaar ahaan naaftadii taas oo la sheegay inay aduunka hoos uga dhacday waxana halkii litter ee naaftada ahaa lagu iibinayey 4000 SHSL, halka ay hore u gaadhay 6500 shSl. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 18, 2009 Secessionists have caused mass inflation in NW Somalia with the printing of more fake and illegal money. These reports are coming from secessionist mouth pieces who used to laud the criminal behavior of Riyaale. This is not news from Afnugaal or Dayniile, but from Hatuuf, Jamhuriye and Somaliland.org leading secessionist outlets who’s inside info within the secessionist junta is deep rooted and profound. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 18, 2009 Somaliland Shilling Falls Against The Dollar 18 March 2009 | News | Tags: Somaliland The Somaliland Shilling (SlSh) has fallen against main foreign currencies including the U.S. dollar in the last few days amid reports of newly printed money arriving in the country. The U.S. dollar rose by 8.57% against the SlSh in recent days. One U.S. dollar currently buys around 7,000 Somaliland shillings, up from 6,400 few days ago. Traders say reduced availability of the U.S. dollar is among the main reasons for the devaluation. The plummeting Shilling also prompted a sudden rise in prices of the basic foodstuffs in Hargeisa markets putting most food items beyond the reach of the ordinary people. An anticipation of a drop in value of the SlSh is believed to have prompted businesses to hoard foreign currencies. Reports of the newly printed money will surely worsen the economic problems in the country and could derail attempts to stabilize the soaring inflation. The drop in the value of the local currency historically accelerated around the weeks before and after elections when the government spends large sums of printed Somaliland shilling on its political campaign activities. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted March 18, 2009 An anticipation of a drop in value of the SlSh is believed to have prompted businesses to hoard foreign currencies. Reports of the newly printed money will surely worsen the economic problems in the country and could derail attempts to stabilize the soaring inflation. Gosh, this is BAD and will indeed worsen the situation. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 18, 2009 Newly printed money , in containers, arriving in the middle of the night. :eek: Riyaale trip was to buy time, and the secessionists here were debating about an Amin Ammir pic. Well these reports are from your own extreme secessionist mouth pieces. Quote Share this post Link to post Share on other sites