Sign in to follow this  
Sharif_seylaci

Somaliland daalo airlines cant land no more in puntland

Recommended Posts

Daallo Airline oo laga joojiyey inay ka hawl gasho Puntland

 

{Bosaaso}30-09-06 Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in digreeto ka soo baxday xafiiska madaxwayne ku xigeenka Puntland ahna ku simnaha madaxwayanaha lagu mamnuucay in diyaarada Daallo Airline aanay ka soo dagi karin garoomada diyaaradaha maamulka Puntland.

 

Digreetadani oo soo baxday maanta ayaa waxaa ku qoranaa in wixii maanta ka danbeeya aysan diyaaraddaasi ka soo dagi karin gobolada Puntland.

 

degreetadan oo saxaafada la soo gaarsiiyay ayaa waxaa ku xusnaa in shirkadda Daalo ay doonaysay in ay magaalada Baydhabo ka soo qaado Xilldhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato) ayna keeni lahayd magaalada Gaalkacyo si uu maxkamad islaami ah halkaasi ugaga dhawaaqo.

 

Madaxda shirkadda Daallo ayaan iyagu wax hadal ah ka soo saarin joojinta la joojiyey shirkadooda iyo iyadana eedayta kale ee sheegaysa inay soo qaadi lahaayeen Cismaan Caato si uu halkaas maxkamad ugaga dhawaaqi magaalada Gaalkacayo.

 

Waxaa isna dhiniciisa wax war ah ka soo saarin Cismaan Xasan Cali (Caato) oo la sheegay inuu isagu maxkada kaga dhawaaqi lahaa magaalada Gaalkacayo.

 

Magaalada Gaalkacayo ayaa maxaakiimtu isku dayeen inay geeyaan nadaamka maxkamadaha waxaase arintaas hor istaagay maamulka Puntland oo kaashanaya Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid oo horay xamar looga eryey iyo ciidamo Ethiopian ah.

 

News Desk WidhWidh Online

 

 

Soo there is conne be an islamic court in galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

degreetadan oo saxaafada la soo gaarsiiyay ayaa waxaa ku xusnaa in shirkadda Daalo ay doonaysay in ay magaalada Baydhabo ka soo qaado
Xilldhibaan Cismaan Xasan Cali (Caato) ayna keeni lahayd magaalada Gaalkacyo si uu maxkamad islaami ah halkaasi ugaga dhawaaqo

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this