Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Faroole meets with UN officials in capital city

Recommended Posts

Dowladda PL oo la kulantey wufuud ka socota QM

4 Aug 4, 2010 - 12:06:11 PM

 

Wafti sare oo ka socda UN-ka oo uu hogaaminayo Mark Bowden [ United Nations Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia] ayaa maalintii shaley booqasho ku yimid magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

 

Waftigaan ayaa waxaa safarka ku weheliyey u saraakiil ka socota Bangiga Aduunka [ World Bank] kuwaasoo dowladda kala hadlayey sidii looga tageeri lahaa mashaariicda lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaale ee Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland Mud. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole iyo Guddi Wasiiro ah ayaa kulan soconayey muddo shan sacadood ah la galey Waftigaan ka socdey hay'adaha QM ee tageera Somalia.

 

Kulankaan ayaa salka ku hayey sidii looga guuri lahaa qorshe horumarineed la yiraahdo RDP [ Development Reconstruction Plan] oo ahaa qorshe KMG ah ee QM [uN Transitional Plan] iyadoo looga wareegayo UN Somalia Assistance Strategy kaasoo la waafajin doono waxaa loogu yeero Millennium Development Goal.

 

Dhinaca kale Kulankaan ayaa lagaga hadley dadka IDP iyadoo dowladda Puntland u soo bandhigtey waftiga QM sidii siyasdeeda loo waafijin lahaa howlaha bini'aadnimo ee ku aadan barakacayaasha.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale waftigaan casho sharaf ugu sameeyey caawa 4.08.2010 aqalka Madaxtooyada Garowe.

 

Wufuud kale oo ka socotey hay'adaha UN ayaa maalmahaan la kulmeysay madaxda sare ee dowladda gaar ahaan Madaxweynaha Puntland kuwaasoo ka socday guddi UN ah oo qoraya Dastuurska Somalia iyo Dr. Shamsul Bari oo ah u qaybsane madax banaan ee xuquuq insaanka.

 

Kulamadaan ayaa dhamaantood ku dhamaadey is-afgarad iyada oo sarkiil ka tirsan dowlada u sheegtey GO in qoraal wadajir ah ee ku saabsan qaabkii Puntland looga tageeri lahaa mashaariicda hurumarinta kasoo bixi doono deeq bixiye-yaasha.

 

Wadahadalada maalintii shaley 4.08.2010 dhexmarey waftiga QM iyo dowladda Puntland diirada la saarey sidii deeq bixiye-yaasha gacan uga gaysan lahaayeen sidii dib loogu dayac tiri lahaa wadada isku xirta Galkacayo & Garowe, Garoomada iyo dekada magaalada Bosaso kuwaasoo dhamaantood la sheegey iney wax ka badalyaan nolosha kumanaan qof oo reer Puntland ah.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this