Juje Posted October 2, 2009 Warar lagu kalsoon yahay oo laga ilo muhiim ah oo ku dhow Horjoogayaasha Shababka & kuwa Raskambooni ee shalay ku dagaalamay magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Dagaalkii ay hogaaminaayeen qeybta Muhaajiriinta ee ajaaniibta ka barbar dagaalanta Maleeshiyaadka Shababka, waxaana la sheegay in tiro ka mid ah ay uga dhinteen dagaalkaasi iyadoo dhaawacyo badan uu soo gaaray. Xogtaan ayaa tilmaamtay in xubnaha Hogaanka Kooxaha Ajaaniibta ah oo sida la sheegay farsiin u ah degmada Jamaame ay ka dambeeyeen dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo, waxeyna ku wargeliyeen Horjoogayaasha Shababka iney talaabo deg deg ah ka qaadaan Axmed Madoobe & Maleeshiyaadka inta aanu qabsan magaalada si uu ugu gorgortamo magaalda Kismayo xagga Dowlada & caalamkaba, waxeyna wel wel ka qabeen in Axmed Madoobe uu xiriiro qarsoon la leeyahay Mareykanka & Ethiopia, uuna ka balan qaaday inuu Gobolka Jubada Hoose ku soo celin doono maamulka Dowlada KMG ah. Wararka ayaa shegeaya in qaab dhismeedka Ururka Muhaajiriinta uu u dhisan yahay sidaan. 1- Fazul Maxamed Abadallah Amiirka Guud ee Muhaajiriinta ahan madaxa qaraxyada, wuxuuna laga soo bilaabo horaantii 2000 soo gaaray dalka Soomaaliya isagoo ka yimid dalka Kenya, wuxuuna degenaa magaalooyinka Lamu & Mombasa, waxaana lagu eedeynayaa inuu ka dambeeyay qaraxyadii dhismayaasha Safaaradaha Mareykanka ee Neyroobi & Darasalam. 2-Madaxa qeybta tababarka maleeshiyaadka Muhaajiriinta & Shababka oo magaciisa lagu sheegay Gen, Dalad Khan kaasoo ka soo jeeda gobolada kulaala xuduuda Afganistan & Pakistan, wuxuuna ka tirsanaa qeybta Alqaa'ida ee Pakistan isagoo ka soo qeyb qaatay dagaaladii ka dhacaya sanooyinkii ugu dambeeyay dalalkaasi, wuxuuna ku muteystay in la dalacsiiyo oo loo magacaabo inuu madax ka noqdo qeybta tababrka Ururka Cusub ee Mujaadintiina Muhaajiriinta ee Soomaaliya. 3- Madaxa Sidoonka & xog uruurinta Mujaahidiinta Muhaajiriinta & kuwa Shababka waa Feysal Al-Fadli wuxuuna ka soo jeeda dalka Comoros, wuxuuna muddo ku sugan yahay magaalada Kismaayo isagoo u kala goosha Gobolada ay maamulaan Shababka, warar ayaa sheegaya in Ninkaan uu si gaar u soo xushay Fzaul Max'ed Abdallah. 4-Axmed Bin Hagi (Abuu xafsa) wuxu u dhashay dalka Aljeeriya, wuxuu u xil saaran yahay xagga maaliyada (Dhaqaalaha) & saadka ee labada urur Muhaajiriinta & Shababka, isaga ayaa la sheegay inuu madax ka yahay kooxa gacanta ku heysa baarista & xagga xiriirka Col.Faransiiska ee laga afduubtay Hoteelka saxafi ee magaalada Muqdisho, wuxuuna la tagaa marba degmo, waxaana loogu xushay heynta la-heysataha isagoo ku hadla afka Faransiiska aad ugu xeel dheer arimaha dalka Faransiiska. Source Quote Share this post Link to post Share on other sites