Sign in to follow this  
Saalax

Waraysi aad u xiiso badan oo lala yeeshay Dr Gaboose

Recommended Posts

Saalax   

2u5qqs8.jpg

 

Waraysi aad u xiiso badan oo lala yeeshay Dr Gaboose

 

Written by YOOL

Aug 13, 2010 at 07:40 AM

 

Weriye Mashqac Geliye iyo Wasiir Gabboose

 

Hargeysa(Yool)-Intiini la socotay Barnaamujkan "Yool-Baadhka Siyaasiyga", waxaanu idiinku soo gudbin doonaa Waraysi aad u xiiso badan oo isla Toddobaadkan uu Weriye Mashqac geliye la yeeshay Wasiirka Arimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, kaasoo ah mid dhinacyo badan taabanay, isla mrkaana Dr. Gabboose uu kaga waramayo arimo badan oo ku saabsan dareeenkiisa maanta, ujeedooyinka siyaasadeed ee u qarsoon iyo waxa uu ku talo jiro inuu qabto mudada uu xilka hayo.

 

Barnaamujkan "Yool-baadhka Siyaasiga", Waa Mawduuc Toddobaadle ah oo aanu akhristayaasha ugu soo gudbino Waraysiyo ku salaysan qaab Maddadaalo [Entertainment] ama aan idhaahdo Jacbur, kuwaasoo aanu ugu talo galnay akhristayaashayadu inay Toddobaadkiiba hal Maalin kaga nastaan arrimaha siyaasada, iyadoo aanu ku bartilmaameedsanyno Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, siyaasiyiinta, iyo shaqsiyaadka kale ee magaca ku leh Masraxyada siyaasada ee Somaliland.

 

Haddaba, qaybtii Koowaad ee Waraysigaasoo faah-faahsan, waxa uu u dhacay sidan:

 

S: Md. Wasiir, marka hore bal akhristayaasha sawir ka sii sida uu dareenkaagu yahay maanta oo aad ku fadhido kursigii Wasaaradda Daakhiliga oo aad in badan adiga iyo Maxamed Xaashi ka caban jirteen xilligii aad Ururkii QARAN hawlaneydeen.?

 

J: kkkkkkkkk...... Horta saaxiib Mashqac-geliyoow aad baad u mahadsan tahay, inkastoo aanu wax badan kaa tirsanayno, hase ahaatee cilmigaan Dhakhtarnimada ee aan soo bartay ayaa waxa aan ku ogaaday inay lagama maarmaan tahay in qofku isu ekaysiiyo marba xaaladda uu ku jiro. Kursiga aan ku fadhiyaa waan ku faraxsanahay Cirro inaan kala wareegay waan ku faraxsanahay, Cawil inuu maanta debedda joogo waan ku faraxsanahay, laakiin saddex weligay ilaabi mayo, xadhigii caddaalad-darrada ahaa ilaawi mayo, Ismaaciil Xaaji Nuur oo igu yidhi qori dab leh isagana waligay ilaawi mayo, Xildhibaan Dhugad-kii I aflagaadeeyeyna weligay ilaawi mayo.

 

S: Wasiir, dadka qaarkii waxay kuu yaqaaneen siyaasi da' yar oo firfircoon ooh an kursi ku jiro, hadda damacii Madaxtinnimada ma halkaas ayaad kaga hadhay.?

 

J: Adeer, Maya...kama hadhin, weligayna ka hadhi mayo, laakiin waxaan ku jira falsafadda loo yaqaano gabbasho siyaasadeed, ammaantan faraha badan ee aan Axmed Siilaanyo u jeedinayaa ma aha mid uurka aan ku hayo, waase mid aan ku afgobaadsanayo, Mashqac-geliyoow aniga iyo Axmed-ba waxaanu ognahay inaanu kala iibsanay Digo iyo Dambas....waraysigaas oo ah mid aad u xiiso badan, hasayeeshee noo suurtogeli wayday inaanu caawa idiin soo gudbino cillad farsamo awgeed. La soco cadadkiisa dambe.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this