Sign in to follow this  
Emperor

Somali President Yusuf will lead TFG delegation heading for Djibouti

Recommended Posts

Emperor   

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sii jeeda Magaalada Jabuuti.

30. maj 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wafdi balaaran oo ka socda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya uuna hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku sii jeeda Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaasi kula kulmaya Wafdi ka socda xubnaha golaha amaanka ee Qaramada Midowbay oo hada lafilayo in ay gaaraan Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

 

Mudane Yuusuf ayaa kala hadlaya Madaxda Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay arimaha dalka Soomaaliya & sida loogu baahan yahay in gacan lasiiyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa usheegay AllPuntland in ay jiraan Wafuud kale oo ka socota dawladda Faderaalka ee Soomaaliyana maanta udhoofaysa Magaalada Jabuuti ,kuwaasoo ah dhinaca Dibu heshiisiinta.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Soomaaliya la kulmi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uuna kala hadlayo arimaha dalka Soomaaliya & Xiriirka Labada wadan.

 

Golaha amaanka ayaa Sabtida beri ah joogaya Fadhiga ay Soomaalidu iskugu imaaneyso ,kaasoo ay wada hadalo kuyeelan doonaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda wada hadaladuna waxa ay ku saabsan yihiin nabadda & Deganaanshaha dalka Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynaha DFKM ´C/laahi Yuusuf Axmed oo ku sii jeeda dalka Jabuuti

Posted to the Web May 30, 11:35

 

 

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la filayo in C/laahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha DFKM in uu socdaal ku tago dalka Jabuuti halkaas oo uu ka furmi doono maalinta sabtiga shir u dhexeeya DFKM iyo Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFKM uu kulamo la qaadan doono wafdi heersare ah oo ka socda QM oo soo gaari doona dalka Jabuuti si ay uga qeyb galaan kulanka dhex mari doona DFKM iyo Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.

 

Waftiga ka socda QM ee u kuurgalaya wada hadallada u dhexeeya kooxaha isku haya siyaasada Soomaliya ayaa socdaal ku mari doona wadamo badan oo Afrikaan, kuwaasi oo ay ka jiraan mashaakillaad xoogleh sida Sudan Somalia iyo Cheda.

 

Waxaa isna Furmi doona maalinta berri wadahadaladii u dhexeeya Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya iyo DFKM xili khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya uuna u kala jabay laba garab oo kala fadhiya Asmara iyo Jabuuti

 

 

Ilaa hada ma cada in kulanka berri uu qayb ka noqon doono madaxweynaha DFKM C/laahi Yuusuf Axmed, iyo in labada garab ay is hor fariisan doonaan.

 

A/Cawale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

The prospect of a peaceful end to the Somali saga has never been better since 2004...

 

Yemen also stepped in to energize the peace effort, Ali Abdallah Salah a long standing friend of President Yusuf and Somali people have met Shariifka and Ibrahim Addow.... All will be good, insha'alah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Pro.Ibraahim Xasan Caddow oo ka waramay socdaalka ay wafdiga Isbahaysiga ku joogaan Yemen

Posted to the Web May 30, 01:36

 

 

Yemen:-Pro.Ibraahim Xasan Caddow Xoghayaha arimaha dibada isbaheysiga dib u xoreynta ayaa waxaa uu ka warmay ujeeda booqashada ay joogaan haatan dalka Yemen .

 

 

Pro.Ibraahim Xasan Caddow ayaa waxaa uu ka waramay kulankii shalay la yeesheen madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax waxaa ayna ka wada hadleen xaalada dalka uu marayo.

 

 

Prof. Caddow ayaa waxaa meesha ka saaray in ay jiraan kulamo hordhaca ah oo dhexmaray xubnaha isbaheysiga iyo saraakiil ka socda madaxtooyada dalka Itoobiya.

 

Cadow ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan khilaaf u dhexeeya xubnaha isbahaysiga balse wuxuu sheegay in la wado sidii loo xalin lahaa .

 

A/Cawale

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalix oo kulan gaar ah la qaatay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

sharif_yeman44.jpg

 

Qasriga madaxtooyada ee magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ayaa waxaa ka dhacay kulan albaabadu u xirnayeen oo muddo saacado ah socday,waxaana kulankaa uu dhex maray madaxweynaha dalka Yemen Cali cabdala Saalix iyo hogaamiyaha Isbahaysiga Asmara Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh Muuse Cigalle.

 

Sheekh Shariif Skeeh Axmed ayaa uga sheekeeyay madaxweynaha dalka Yemen cali cabdalla Saalix xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo waliba khilaafka soo kala dhex galay xubnaha is bahasiga ee ka dhashay qaabka loo wajahayo hanaanka dib u hehsiisinta Soomaaliya.

 

Sheekha ayaa ku amaanay dowladda Yemen iyo hogaanka Madaxweyne Cabdala sida ay ugu soo jeesteen ka guul gaarida nabad saldhigata dalka Soomaaliya,waxaana kulankaa ka qeyb galay guddoomiyaha golaha dhexe ee is bahaysiga Shariif Xasan sh Aadan iyo xubno kale.

 

Waxaa sidoo kale sheekh Shariif uu uga mahadceliyay dowlada Yemen soo dhaweynta wanaagsan oo ay siisay kumanaan qoxooti Soomaaliyeed ah oo nolol iyo shaqaba ku heysta Yemen inkastoo aanay ahayn heerkii la rabay.

 

Madaxweyne cabdala ayaa dhankiisa sheegay in uu taagerayo hanaanka dib uhehsiisinta dalka Soomaaliyta gaar ahaana kulanka Jabuuti si looga mira dhaliyo dadaalada mudada dheer soo socday ee ku aadan in nabad iyo amaan buuxa loo helo dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekadii waay soo cadaanaysaa, nimanka djibouti joogana warkoodi gabogabo ayuu marayaa.

 

 

Reports of ethiopian generals being met in sanca, Reports of a power sharing deal propogated by none other than abdalla saalix, this men who has history of being a close ally of ethiopia, are all being speculated.

 

But I'll hold my tongue till matters make plain themselves.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Originally posted by indhayare187:

But I'll hold my tongue till matters make plain themselves. [/QB]

Saas umbaa roon. Aniga koley I am on a self-imposed (Xiin proposed) moratorium on this matter. Let us see when things unfold. Ina Xagga-dheere disease yaa iya laakiin!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Its great news. Now they attack the leader of Yemen and their former saint, in defence of Aferwarki and IndaCade, clanish group never seaze to amaze.

 

Let the talks continue.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Moqdisho - Warar hoose oo laga helay ilo kudhaw Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay dawlada Faderaalka Soomaalia ay diyarisay wafuudii uga qayb gali laheed shirka Jabuuti ee xal uhelida Siyaasada dalka Soomaaliya.

 

Warku waxeey sheegayaan in ay surta gal tahay ineey kamid noqdaan Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya ugu sareysa wafuuda ka qeb galeysa shirka, waxana la filayo in qodobo badan oo muhum ah lagusoo kala saxiixdo shirka Jabuuti.

 

Wafdiga dhinaca dawladda Soomaaliya ee wada hadaladan tagaya ayaa lagusheegay inu noqon doona 15 Xubnood,

 

Dinadhac kale waxaan la ogeen ila iyo hada cida u mataleeysa shirka Jabuuti koxaha isbaheysig ee Dowlada kasoo horjeeda sabaab laxiriira isbaheysiga oo larumeysanahay inu kalajab xoog leh kuyimid.

 

 

 

 

Allidamaale.com kalasoco waraar xaqiiqada kusaleeysan

 

Allidamaale@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo Jabuuti ku sii jeeda maalinta Axada

Posted to the MOL May 30, 2008, 2:32 pm

 

Warar aan goor dhaweyd ka helay xubin ku dhow xafiiska arimaha dibada ee dowlada KMG ah ayaa sheegaya in Madaxweyne C/laahi Yuusuf laga sugayo magaalada Jabuuti maalinta Axada ee busha Juun tahay 1-da.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweynuhu la balansan yahay maalinta Isniinta ee 2-da Juun wafti balaaran oo ka socda golaha nabad galyada ee qaramada Midoobay oo wadanka Jabuuti u imaanaya inay u kuur-galaan hanaanka uu ku socdo shirka dib u heshiisiinta oo maalinta beri ah u furmi doona kooxaha mucaaradka iyo dowlada KMG ah.

 

Lama oga in waftiga madaxweynuhu ku sii nagaan doonaan jabuuti inta uu dhamaanayo shirka dib u heshiisiinta. Madaxweynaha ayaa horey u sheegay in haddii lagu heshiiyo wajiga labaad ee shirka ee hadda furmaya in wajiga 3-aad uu ka dhici doono boqortooyada Sacuudi carabiya isaguna ka qayb gali doono.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this