Sign in to follow this  
General Duke

TFG informatin ministry press release + governemnt radio pic

Recommended Posts

Afayeenka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Fkmg oo sheegay in kumanyaal Ajnabi iyo Shixnado hub ah ay si xad dhaaf uga imaanayaan Dalka Ereteria iyo meelo kale

 

Deeq_Afyenkadfkmg.JPG

 

Afahayeenka Wasaarrada Warfaafinta Md. Maxamed Axmed Cabdulqaadir Axmed, (Maxamed Deeq) ayaa shir jaraa'id ku qabtay Xarunta idaacada dowlada Federaalka oo aan wali hawada soo galin balse goor dhow ay shaqeyn doonto ayaa waxa uu afayeenku ku qatay Shirjaraa'id uu kaga hadlayo eedeeyn uu usoo jeediyey Midowga Maxaakiimta iyo Dowlada Ereteriya iyo dowlado kale.

 

Warqad qoraal ah oo uu ka hor aqriyey Sufiyiinta kasoo qeyb gashay ayaa qoraalka waxa ay u qornayd sidan: -

 

Warsaxaafadeed

 

Dowlada Federaalka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya waxay si feejigan ula socotaa dhacdooyinka dalka ka dhacaya, gaar ahaan gardarada joogtada ah ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah oo wali u hamuun qaba dagaal iyo argagixisada ajnabiga ah oo ku soo qulqulaya gobolada koonfureed ee Soomaaliya.

 

Kumanyaal ajnabi ah oo ka jawaabaya baaqii "Jihaadka" ahaa ee MMI ayaa kusoo qulqulaya gobolada ay MMI gacanta ku hayaan. Xogaha hay'adaha sir doonka amniga waxay muujinayaan in shixnado hub ah ay si xad dhaaf ah uga imaanayaan dalka Ereteria iyo meelo kale oo dibada ah.

 

Waxaa intaasi dheer, aragtida dowladda ee weerarka maleeshiyada maxkamaduhu kusoo qaadeen degmadda Diinsoor oo ka mid ah degaamada dawladdu maamusho, waa isku day cad oo muujinaya isbalaarinta maxkamadaha ee ku wajahan gobolada saldhigga u ah Dowladda ee Bay, Bakool iyo Gedo, Sidoo kale arrintani waa mid lagu sii hurinayo xaaladda xiisadeed ee haatanba ay ka abaabulayaan gudaha iyo agagaarka magaalada Baydhabo, Sidaasi darteed aya MMI ugu soo daadguraynayaan maleeshiyaadkooda degmada Buurhakaba oo 60km barri ka xigta Baydhabo iyo Diinsoor oo 120km dhanka koonfureed ah.

 

Dowladda Federaalka KMG waxay soo dhaweynsay Qaraarkii cusbaa ee Golaha Ammaanka QM ee tirsigiisu yahay 1725, kaasoo uu goluhu ku oggolaaday in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad-ilaalin iyo tababarayaal ah, isla markaana MMI ugu baaqayay inay joojiyaan isballaarintooda Militari.

 

Golohu waxa kaloo uu ku guubaabinayay DFKMG iyo MMI inay dib isugu soo laabtaan, siina wadaan wada xaajoodkii iyagoo u hogaansamaya mabaadi'dii lagu gaaray Khartuum I iyo II dowladda fadaraalka KMG iyadoo raacaysa arrintaas, wasay soo dhaweynaysaa sii wadida wada hadalada nabadda ee ku qotoma mabaadi'dii Khartuum I iyo II, wasxayna ku boorinaysaa qeybaha kale ee Soomaalida inay dib ugu laabtaan wada xaajoodka nabadda.

 

Midowga Maxkamadaha Islaamiga halkii ay ka joojin lahaayeen Isbalaarintooda, dibna ugu laaban lahaayeen wada xaajoodka nabadda, Waxay sii kordhiyeen dhaq dhaqaaqooda isbalaarinta ciidamada ah iyo kor u qaadida cadaawad cusub, taasoo markhaati cad u ah xad gudubka ay ku sameynayaan Qaraarka 1725.

 

DFKMG waxay dareenka bulshada caalamka tusinaysaa xaaladda khatarta xun ee haatan jirta oo wax u dhimaysa nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka, waxay danaynaysaa in arrintaas si deg deg ah wax looga qabto

 

Wasaarada Warfaafinta

Baydhabo

11-ka December 2006

 

Qoraalkan ay soo saartay dowlada Federaalka ayaa lo qeybiyey dhamaan saxaafada oo dhan dal iyo dibad taasoo su'aalo lagu weydiyey masulka oo ahayd bal inay hayaan cadeyn ah inay joogaan dalka soomaaliya ciidamo Ajnabi ah ayaa wuxuu ku jawaabay in ay hayaan Cajalado Video ah oo muujinaysa ka qeyb galkooda dagaalo uu ku tilmaamay inay ka dhaceen markii lala dagaalayey hogaamiye kooxeedyadii looga itaal roonaaday magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this