Sign in to follow this  
RedSea

War Cusub: Banaanbax ka socda Baydhabo

Recommended Posts

RedSea   

Banaanbax Balaadhan Oo Ka Socda Baydhabo

Somaliland.Org — London, UK — 15 September, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Waxa ka socda magaaladda Baydhaba ee saldigha xukuumadda Cabdilaahi Yusuf banaanbax balaadhan oo loogaga soo horjeedo ciidamo ajaanib ah oo dalka la keeno. Banaan baxan ayaa dadku markii ay saladi Jimce soo tukadeen socdo kusoo mareen magaaladda Baydhaba iyaga oo aakhirkii ku gadooday guriga guddomiyaha baarlamanka Sharif Xasan.

 

 

Magaaladda Baydhaba ayaa maalmihi ugu danbeeyey ka jiray kacdoono iyo dhaq dhaqaaqyo looga soo horjeedo sii joogitaanka maleeshiyadda ay isku beesha yihiin Cabdulaahi yusuf. Dhinaca kale madax dhaqameedyo iyo siyaasiyinn kazoo jeeda degaanka Baydhaba ayaa uso jeediyey Cabdulaahi Yusuf iyo xukuumadisu inay ka guurto Baydhaba.

 

 

Banaanbaxan manta ka socda Baydhaba ayaa waxa soo qaban qaabiyay culimadda magaaladda Baydhaba oo aad uga soo jorjeeda keenista ciidamo shisheeye iyo xukuumadda Cabdulahi Yusuf.

 

 

Maleeshiyadda Cabdulaahi Yusuf ayaa dadkii mudaharaadayay xabad ku furtay ilaa iyo haatana lama soo tebin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imtaatinka shicibka iyo maleeshiyo beeledka Cabdulaahi Yusuf eek u sugan Baydhabo.

 

 

Xafiska Wararka Somaliland.Org

 

London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this