Sign in to follow this  
General Duke

Qardho: The Turks arrive in 3rd City....PICS

Recommended Posts

03-fardihii-lagu-soo-dhaweeyey-dhakhaati

 

Sidee Degmada Qardho loogu soo dhaweeyey Wafdiga Dhakhaatiirta Turkiga ah [Warbixin & Sawiro]

October 30, 20101 comment| leave your own!17

Share

 

Dadweynaha degmada Qardho ee Gobalka Karkaar oo ay horkacayaan Maamulka Gobalka iyo kan degmada Qardho ayaa Maantey si cajiib ah usoo dhaweeyey Wafdiga Dhakhaatiirta Turkida ah ee uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame.

 

Soo dhaweynta maantey ka dhacdey Qardho waxay ahayd mid ka duwan soo dhaweynihii hore ee ay kala kulmeen shacabka Gaalkacyo iyo Garowe.

 

Waxaa la oran karaa waxaa maantey soo dhaweyntan isagu soo baxay shacabkii Qardho oo dhan waxayna wafdiga uga horyimaadeen duleedka magaalada Qardho, wafdiga ayaa magaalada waxaa usoo galbiyey oo horkacayay Fardo soo dhaweynta si weyn uga qaybqaatey isla markaasna hor socdey gawaarida wafdiga ilaa ay kasoo galeen Hotelkii loo diyaarshey inay wafdigu dagaan.

 

Wasiirka Caafimaadka iyo dhakhaatiirtuba gawaarida ayay kasoo dagteen markii lasoo gaarey Kantaroolka Qardho oo ay dadku ku sugayeen Wafdiga, waxaana halkaas uu wasiirku ku salaamay maamulka iyo dadweynaha soodhaweeyey wafdiga iyadoo uu wasiirku la Hadley dadkii faraha badnaa ee banaanka magalada kusoo dhaweeyey isla markaasna uga mahadceliyey soo dhaweynta cajiibka ah ee ay kala kulmeen Shacabka Qardho.

 

Sidoo kale dadweynuhu waxay taxnaayeen dhinacyada wadada laamiga ah iyaga oo lulayay Calamada Puntland iyo Dawlada Turkiga waxay kaloo tumayeen shacabku durbaano iyo sacab, sidoo kale waxay ku luuqaynayeen heeso ay isla jiibinayeen ayna kusoo dhaweynayeen waftiga. Soo dhaweyntan ayaa ahayd tii ugu balaarneyd ama ugu cajiibsanayd.

 

 

Dhakhaatiirta ayaa la dajiyey Hotel Gufure oo ku yaal bartamaha Qardho, waxaana halkaas loogu sameeyey qado sharaf, kadibana waxaa la geeyey Cusbitaalka Qardho oo ay isla galabta ka hawlgaleen.

 

Maamulka Isbitaalka Qardho iyo wafdiga ayaa Cusbitaalka ku kulmey waxaana halkaas warbixin ka jeediyey maamulka Isbitaalka Qardho oo sheegay in cusbitaalka la dhisay 1960-kii ayna dhistey dawlada Talyaanigu iyadoo Isbitaalku uu si rasmi ah u shaqeynayo.

 

Dhakhaatiirta Isbitaalka ayaa ah 4 dhakhtar oo labo ka mid ahi ay yihiin ajanabi si toos ah uga hawlagala Isbitaalka waxaana la diyaarshey sida maamulaha Isbitaalku sheegay 750 qof.

 

Qaybaha Isbitaalku ka kooban yahay oo gaaraya 7 ayaa maamulku sheegay inay diyaar yihiin ayna shaqeynayaan isla markaasna ay dhakhaatiirta u diyaariyeen shaqaalihii iyo dhakhaatiirtii la shaqeyn lahayd, markaas kadib ayaa dhakhaatiirtu waxay sheegeen inay hawsha bilaabayaan galabtaba oo aysan waqti dhuminayn si ay ugu adeegaan bukaanka sugaya.

 

Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Magaalada Qardho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qardho:- Dhakhaatiirtii Turkiga oo Qardho ka wada howshoodii, fuliyeyna Qaliinkii ugu cajiibsanaa intii ay Puntland joogen

Posted by admin on October 31st, 2010

 

Qardho Oo ay soo buuxdhaafiyeen Bukaano isaga kala yimid Bari, Sanaag, Heylaan, Nugaal una socdey Prof.
Maxamed Jaamac Salaad iyo dhakhaatiirta Turky (Warbixin Sawiro leh sawirada hoos ka daawo,iskana ilaali qaar waa laganaxayaa,caruurtan ha tusin)

 

Qardho(Puntlandi.com)Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa 48-saac ee u danbeysay waxaa ku sugnaa waftiga dhakhaatiirta Turkiga ee uu horkacayo Wasiirka caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame, Dhakhaatiirtu waxay hawlgalo baaxad leh ka wadeen Isbitaalka guud ee Qardho halkaas oo ay isku soo xaadiriyeen kumanaan qof oodad ah isugana jirey bukaano iyo dad caawinaya.

 

Gudaha iyo banaanka hore ee Isbitaalka ayaa maantey aad ula ciirciirayay boqolaal qof oo bukaan ah kuwaas oo u socdey dhakhaatiirta Muslimiinta ah ee kaalmada caafimaad ka wada Isbitaalada Puntland. dhakhaatiirtu waxay ku qaabileen Isbitaalka Qardho dad gaaraya 800 oo qof oo 30 ka mid ahina ay ahaayeen qaliimo culus.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaliimada culus ee maantey ay dhakhaatiirtu sameeyeen ayaa waxaa ka mid ahaa Hooyo ay dhabarka uga tiiley buro lala yaabey waynaanteeda markii ay dhakhaatiirtu banaanka usoo saareen. dhakhaatiirtii qaliinkan sameeyey ayaa iyaguna layaab iyo fajac ku dhacay kadib markii ay banaanka usoo saareen buro dhawr kiilo miisaankeedu dhan yahay,hooyadan oo lagu magacaabo Xaliimo Maxamed Xasan oo 50 jir ah ayay buradan dhabarka uga taaley mudo dhawr iyo toban sano ah marba marka ka danbeysana sii fideysay., hooyadan waxay sheegtey inay weydey dhakhtar ka qala oo dalka jooga ayna ka baqeen dhakhaatiirtu buradan oo meel khatar ah ku teeley kuna taxneyd lafta dhabarka. qaliinkan oo saacado qaatey ayaa waxaa isla kaashadey Dr.Hakan Sunal oo qaliinka guud qaabilsan, Dr. Mahmet Metin suuxiye sare iyo C/samad Axmed Maxamed oo ah suuxiyaha Isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof. Salaad ayaa maantey markii uu yimid Qardho waxa uu horey ka galey shaqada isla markaasna waxa uu qaabiley bukaano faro badan oo qaarkood uga yimid Magaalooyinka Boosaaso iyo Degmooyin hoostaga gobalada Karkaar, Bari, Haylaan iyo Nugaal. qaybta uu dhakhtarku fadhiyey ayaa maantey saxmadeedu ahayd mid aan caadi ahayn waxaana lagaliyey safaf siman iyadoo uu kala hagayay Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise (Hogaamo-laroor) iyo qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka iyo ciidmada amaanka.

 

Dhanka kale waxaa caawa fiidnimadii hadiyado qaali ah la gudoonsiiyey xubno ka tirsan Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Qardho,hadiyadahan waxaa bixiyey dhakhaatiirta Turkiga ah iyadoo ay sheegeen inay hadiyadahan ku muteysteen xubnahani hawlkarnimo iyo aqoonta ay shaqada u leeyihiin.

 

Xaflada hadiyadahan lagu bixinayay ayaa waxaa joogey Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame, qunsulka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Sermet Setin iyo marti kale, xubnaha lasiiyey hadiyadahan abaal marinta ah ayaa waxaa ka mid ah Maamulaha Isbitaalka Qardho Nuur Maxamed Nuur oo si balaaran isugu dubaridey agaasinka hawsha Cusbitaalka ka socotey, sidoo kale waxaa labo hadiyadood la kala siiyey Aamino Salaad Cali iyo Nadiifo Sharmaake Maxamuud oo labaduba ka shaqeeya Saalada qaliinka islamarkaasna wax ka fulinayay qaliimada ay dhakhaatiirtu Cusbitaalka ka fuliyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaflada hadiyadahan lagu bixinayay ayaa waxaa joogey Wasiirka Caafimaadka Puntland Prof. Cali C/laahi Warsame, qunsulka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Sermet Setin iyo marti kale, xubnaha lasiiyey hadiyadahan abaal marinta ah ayaa waxaa ka mid ah Maamulaha Isbitaalka Qardho Nuur Maxamed Nuur oo si balaaran isugu dubaridey agaasinka hawsha Cusbitaalka ka socotey, sidoo kale waxaa labo hadiyadood la kala siiyey Aamino Salaad Cali iyo Nadiifo Sharmaake Maxamuud oo labaduba ka shaqeeya Saalada qaliinka islamarkaasna wax ka fulinayay qaliimada ay dhakhaatiirtu Cusbitaalka ka fuliyeen.

 

Labadii maalmood ee ay dhakhaatiirtu ku sugnaayeen Isbitaalka Qardho ayay waxay sameeyeen hawlo aad u baaxad weyn waxaana la qiyaasayaa inay qaabileen bukaano aad u faro badan, bukaanada la qaabilay ayaa warbixintooda waxaa laga sugayaa maamulka Isbitaalka oo sheegay inay barito soo saari doonaan warbixinta kama danbeysta ah, maamulaha Isbitaalka Qardho Nuur Maxamed Nuur ayaa sheegay in dadka la qaabilay ee bukaanka ah inay isaga kala yimaadeen Boosaaso, Garowe, Gaalkacyo iyo degmooyinka laamiga ka baxsan isagoo tilmaamey in Isbitaalka ay kusoo jabeen bukaano aan la fileyn oo aad u tiro badan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this