xiinfaniin Posted May 3, 2010 M. Puntland oo ka degey Bosaso, lana hadley saxafada 3 May 3, 2010 - 8:40:08 AM Madaxweynaha Puntland oo maanta kasoo dagey garoonka Bosaso ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa waxaana soo dhoweeyey mas'uuliyiin kala duwan iyadoo amaanka aad loo adkeeyey. Madaxweynaha dowladda Puntland oo shir jaraa'id ku qabtey xarunta Madaxtooyada Bosaso ayaa halkaas kula hadley saxaafada isagoo sheegey in kulamo isaga iyo waftigiisu lasoo qaateen beesha caalamka kuna dhamaadeen guul iyo is-afgarad. Mud.Farole ayaa warsaxadeedka ku sheegey in maamulkiisa ka daba tageen been abuur laga faafiyey taasoo ku saabsaneyd in xukuumadiisa xiriir la leedahay Burcad badeedka islamarkaasna caalamka ku qanciyeen gaar ahaan saraakiil ka socotey golaha amaanka sida arintaas tahay iyadoo lagu amaaney talaabada adag oo ay ka qaadeen kooxaha badaha ka qowleysta. " Way jiraan warxuma Tashiilo warbixino qorey oo inagga inna ceebeynayey, dad siyaasiyan uga jeeda iney Puntland ceebeeyaana way jiraan, waxaa kamid ah in burcad badeed nalu ku eedeeyey in Xukuumadayadu gacan saar la leedahay oo ay tahay meel Puntland ay ku adeegtaan dowladuna gacan-saar la leedahay bal taas been ka wayn oo la sheegi lahaa ma jirtaa" ayuu yiri Madaxweyne Farole oo la hadlayey saxaafada markii uu kasoo dagey magaalada Bosaso. Madaxweynaha ayaa sheegey ineysan jirin meel kale oo Somalia Burcad Badeed lagu xiro oo aan Puntland ka aheyn islamarkana aysan jirin meel kale oo beesha caalamka ciidamadeeda ka jooga xeebaha Somalia keenaan markey qabtaan maxaabiistooda. Arrimaha Somalia mar uu ka hadlayey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamad Farole ayaa sheegey inuu aad uga xun yahay qaraxii dhowaan lala beegsadey masjidka ku yaaley suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Madaxweynaha ayaa sheegey in ay tahay arin lala yaabo oo laga naxo in qarax lala begsado masjid gudahiis taasoo horey loo caadeystey in dadka qiimaha leh lagu dilo masjidyada iridooda isagoo baaq u jeediyey dhamaan Somalidu iney joojiyaan dilka macno darada ah. Mr. Faroole ayaa u mahad celiyey dhaman ciidamada amniga iyo shacabka Puntland sida wadajirka ah oo ay uga shaqeeyeen amniga Puntland isaga oo cududaar ka bixiyey safarka dheer taasoo uu sheegey iney jireen arrimo muhiim ah oo u baahnaa in waqti lagu dhumiyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted May 3, 2010 Muslim scholars condemn the Bakara suicidebombing... Garoowe:(Allpuntland)-Culimada ugu caansan deegaanada Puntland ayaa canbaareyn & dhaliilidba isugudaray qaraxyadii shalay duhurkii gilgilay masjid weyn oo kuyaala suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho,waxayna culimada Puntland falkaas ku tilmaamay mid si xun loo abaabulay islamarkaasna diinta wax loogu dhimayo. Culimadan oo warqoraala kasoo saaray magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa qoraalkoooda ku sheegey in falkaasi ay ka danabaysay maskax aan sifiican u fikirin,isla markaasna uu ahaa falkaasi mid ka fog diinta,dadnimada & Wadaniyada Ummada soomaaliyeed oo in mudo ah qiilqiil ku jirtay. "Culimada Puntland waxay muujinayaan sida ay uga xunyihiin qaraxyadii shalay ka dhacay masjidka kuyaala Suuqa Bakaaraha,waxaanuna sheegaynaa in falkaasi uu ahaa mid wax loogu dhimayo Diinta islaamka,Shacabka Puntland-na waxay kawada simanyihiin eedaynta Xasuuqa & Gumaadka noocan oo kale ah"Ayaa lagu yiri Bayaanka culimada Puntland. Midkamid ah culimada bayaankan soo saaray oo APL u waramay ayaa sheegaya in falkaasi uu yahay mid aysan ogolayn maskaxda saliimka ah,wuxuuse meesha kasaaray in falkaasi ay ka danbayn karaan dad diinta islaamka ku abtirsada,waxaana uu intaas ku daray in dadka soomaaliyeed xaaladoodu imika ay marayso meel khatar ah. Culimada Bayaankan soo saaraya yaa ka koobnaa 22-Xubnood,waxayna kamidyihiin culimada magaca & Maamuuskaba ku leh deegaanada Puntland,waxayna kala ahaayeen sidan:- 1. Sh. C/qaadir Nuur Faarax 2. Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan 3. Sh.Daahir Aw Cabdi 4. Sh.C/naasir Xaaji Axmed 5. Sh.Xassan Xuseen Axmed 6. Sh.Axmed Daahir Xassan 7. Sh.C/waaxid Xaashi Xassan 8. Sh.Maxamed Macallin Axmed 9. Sh.C/qaadir Siciid Cali 10. Sh.Xassan Maxamed Ibraahim 11. Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf 12. Sh.Axmed Siciid Maxamed (Farax) 13. Sh.Aadan Maxamed Cigaal 14. Sh.C/rashiid Sh.Saalax 15. Sh.C/nuur Xirsi 16. Sh.Mahad C/laahi Maxamed 17. Sh.Axmed Faarax Garaase 18. Sh.Maxamed Axmed Faarax 19. Sh.Faarax Maxamed Cajab 20. Sh.Axmed Yusuf Daad 21. Sh.C/raxmaan Aw Ciise 22. Sh.Axmed C/samad Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 3, 2010 wa wax laga naxo hada misaajidyadi ilahay ba bam la dhigaya subxaaan wa qadir Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted May 3, 2010 Arrimaha Somalia mar uu ka hadlayey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamad Farole ayaa sheegey.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted May 3, 2010 ^^Typical script In matters of solemn implications, fraudulent charlatans dwell on the shallow ends of the discussion. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted May 3, 2010 Originally posted by Maaddeey: quote:Arrimaha Somalia mar uu ka hadlayey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamad Farole ayaa sheegey.. lol...isagu ma nus-Soomaali baa toloow...mise waa ex-Somalia? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 3, 2010 ^^He leads a Safe part of Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted May 3, 2010 Its not shallow to point out inaad si hoose Soomaalinimada u dumineysaan, laba canleyn & yeysan wax idin dhaafin baa idinku haya mooyee mar horaa..., sida runtii ahna meesha Somaliya laga heysto waa la wada garan karaa, wixii uurka ku jirana afkaa dafa!. Teeda kale, bayaanka culimada intaad ka akhrisid website-yada reliable-ka ah, ii sheeg hadalkan meeshuu AllPuntland ka keenay?: " Culimada Puntland waxay muujinayaan sida ay uga xunyihiin qaraxyadii shalay ka dhacay masjidka kuyaala Suuqa Bakaaraha,waxaanuna sheegaynaa in falkaasi uu ahaa mid wax loogu dhimayo Diinta islaamka, Shacabka Puntland -na waxay kawada simanyihiin eedaynta Xasuuqa & Gumaadka noocan oo kale ah" Ayaa lagu yiri Bayaanka culimada Puntland . bayaan gooni ah miyey Allpuntland heshay?, balaayo idinla been badnaatay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hales Posted May 3, 2010 http://news.bbc.co.uk/1/hi/7967594.stm We all know these hideous crimes of bombing places of worship use to happen when the Pakistan Government use to wage war against the Taliban and the Taliban in response intentionally use to blow and open fire on mosques for various reasons And this is exactly the same events being played out; the same tactics are being used and you can see the ideology that promotes it is foreign and not Somali or Shaffii. Brace yourself for anything that might happen in Somalia whether its similar to Mumbai killings, Mass killing of Sufis, or whatever. These deviants are capable of that and they will do it, like they have just shown. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 3, 2010 Cullimada Puntland oo bayaan dhalleecayn ah ka soo saaray qaraxyadii masjidka Cabdille Shideeye, Muqdisho; dhimasho 30+ & dhaawac 50+.audio Quote Share this post Link to post Share on other sites
Member-sol- Posted May 3, 2010 Markii aan iri culimada qolo gaar ah ayey sheegtaan maxaa la igu eed sheegtay? Ama waa culimada islaamka oo dadka ka wada dhaxeeya ama waa culimada "puntland". Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 3, 2010 ^^lol. You have no point, but recognise the states contribution to peace adeer. The Ulema of Puntland are not waging war, nor stealing money as "President", they are merly telling the truth. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted May 4, 2010 Originally posted by Maaddeey: Its not shallow to point out inaad si hoose Soomaalinimada u dumineysaan , laba canleyn & yeysan wax idin dhaafin baa idinku haya mooyee mar horaa..., sida runtii ahna meesha Somaliya laga heysto waa la wada garan karaa , wixii uurka ku jirana afkaa dafa!. Toloow Maaddeey yuu ka hadlayaa. Ilaahoow been ka dhig waxaan malaynayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted May 4, 2010 ^^ General Duke, this is precisely the thing that confuses the heck out of these simpletons: why is it that the Culima and the leader of the big bad wolves of Puntland are the ONLY ones who have openly condemned the attacks on the mosques, when everyone else in Somalia, including Sharif Hotel, seems to be nonchalant about the whole issue? This indeed does not coagulate well with their silly paranoid delusions of Puntland and its' peoples. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted May 4, 2010 ^Sheekh Sharif's Information Minister did condemn these attacks adeer. It has been all over the media, do you read only "tolka" news portals? Quote Share this post Link to post Share on other sites