Sign in to follow this  
xiinfaniin

Doing the Right Thing in Somalia

Recommended Posts

NASSIR   

^Xidigo, with a stable Mogadishu and a functioning government, I can't wait to see Awdalites declaring their open support for the return of Somali Republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo ku heshiiyay in ay Dowlad-Midnimo-Qaran ku dhistaan Jibouti

 

Sabti, January 17, 2009(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa ku heshiiyay in ay Jibouti ku dhistaan Dowlad-Midnimo-Qaran.

 

Guddiyo labada dhinac ka kala socda oo in muddo ah shirar ka lahaa arrintaas ayaa ugu dambeyntii waxay soo saareen war murtiyeed ay ku sheegayaan in ay gaareen heshiis ah in ay dhistaan Dowlad-Midnimo-Qaran, iyadoo laga bilaabayo in la isku daro oo la ballaariyo Xubnaha Baarlamaanka labada dhinac.

 

Xubnaha Baarlamaanka ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo 275 xubnood gaaraya ayaa 200 oo ka mid ah waxaa lagu qeybiyay qaabka Afar Beelood iyo Bar (4.5), iyadoo Afarta Beelood ee waa weyn-na ay heleen min 44 Xubnood, halka Beesha Barka loo aqoonsaday la siiyay 24 xubnood. 75-ka mudane ee hartayna waxaa uu Isbaheysiga u reebay cid kasta oo loo arko in ay muhiim u tahay ku jirtaanka Dowladda Midnimo-Qaran ee la soo dhisayo.

 

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isna lagu soo xulay qaab-qeybsiga Afar Beelood iyo Bar ah ayaa waxay afarta beelood u qeybsadeen min 61 xubnood, halka Beesha Barka loo aqoonsadayna ay heshay 31 xubnood.

 

Ugu dambeyntiina, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda waxaa laga filayaa in ay soo gudbiyaan xubnahooda Baarlamaanka, iyadoo marka ay soo gudbiyaan kadibna la isku darayo xubnaha Baarlamaanka labada dhinac oo isku darkooda uu noqonayo 550 Mudane.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ :D:D

 

Wax walba maka murmaysaa ninyahow. Comments and analysis ku lahaa.

 

The peace caravan in Jabbuuti is the only game in town adeer. Time to play hardball.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ethiopian Troops to Withdraw from Baydao?

 

Tuesday, January 20, 2009

 

 

Mogadishu, Somalia (HOL) - There are signs indicating that Ethiopian troops that have left Mogadishu and Afgoi are preparing to withdraw from Baydoa, according to eye witnesses in the city.

 

The heavily armed troops with combat vehicles have started leaving the city’s airport while their security is being protected by other troops who have been stationed in the city before.

 

The city’s communication to the outside world has been cut, a sign interpreted as an effort to prevent knowledge of the movement of Ethiopian troops and their whereabouts.

 

It is not clear yet whether all Ethiopian troops will leave the city or if the troops that have been stationed in the city before will remain there.

 

It is not the first time the city’s communication is cut. Earlier in the month when Ethiopian troops that left Mogadishu and Afgoi reached the city, the city’s communication was also cut.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Presidential Succession in Somalia

Tuesday, January 20, 2009

 

The United States remains firmly committed to supporting the determination of the Somali Parliament to complete the presidential succession process within the thirty-day period outlined in the Transitional Federal Charter. Since President Yusuf’s resignation on December 29, 2008, we have consistently advocated for a peaceful and transparent election of a new president while respecting the progress made in the Djibouti process. We continue to urge Acting President Aden Mohamed Nur, Prime Minister Hussein, as well as the leadership of the Alliance for the Re-liberation of Somalia (ARS), to continue their effective cooperation to complete this transition within the appointed timeframe.

 

 

 

Along with all Somalis, we eagerly await the results of the political process, currently underway in Djibouti, which is aimed in part at electing a new president. We commend the High Level Committee on their productive meetings last week and call on them to remain engaged in achieving a government of national unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaqdhaqaaqyo ay ku baxayaan ka wada Magaalada Baydhabo

 

Talaado, January 20, 2009(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo u badan kuwii ka baxay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxay dhaqdhaqaaqyo ay ku baxayaan ka wadaan Magaalada Baydhabo.

 

Ciidamo tiro badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxay xalay iyo saaka ka baxayaan Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, iyadoo ammaanka ciidmadaasna ay sugayaan ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo horay u sii joogay Magaalada Baydhabo.

 

Isgaarsiinta Magaalada Baydhabo ayaa la jaray markii uu bilowday dhaqdhaqaaqa Ciidamadan, waxaana taasi lagu macneeyay in laga hortegayo in la ogaado dhaqdhaqaaqa bixitaanka ah ee ay Ciidamada sameynayaan.

 

Lama oga in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka wada baxayaan iyo in ay ku harayaan Ciidamadii horay u joogay, kuwaasi oo ku sugan meelo ay ka mid yihiin Warshaddii Oomada Avv. Xasey.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo hawada laga saaro Isgaarsiinta magaalada Baydhabo, waxaana jirtay in sidan oo hawada laga saaray markii ay Baydhabo gaarayeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho iyo Afgooye ka baxay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh. Shariif oo gaarey wadanka Jabuuti

 

 

 

Gudoomiyaha Isbahaysiga ARS-Jabuuti Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan Isbahaysiga ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti markii ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Adan Adde-Muqdisho oo ka dagay laba maalmood ka hor.

 

Wafdiga Sh. Shariif oo ay ka mid ahaayeen Sh. C/raxmaan Janaqow iyo Dr. Ax'ed C/llahi ayaa u Muqdisho u yimid Axadii sidii ay ugala tashan lahayen taagerayashoda qaybsiga mudanayaasha kaga soo aaday heshiiskii Jabuuti oo lagu qaybiyay qaabka 4.5-ka ah.

 

Inkastoo gudoomiyaha Isbahaysigu uu ka gaabsaday inuu saxaafada hadal ka siiyo socdaalkiisa Jabuuti, hadana waxaa jira warar sheegaya in socdaalkooda uu salka ku hayo sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen isku darka baarlamaanka Somalia.

 

Baarlamaanka cusub ee Somalia ayaa lagu wadaa inuu kulankiisa ugu horeeya ku yeesho dalka Jabuti, halkaasna uu ku doorto gudomiye Barlaman iyo Madaxweynaha cusub oo ay yeelato Somalia, maadaama ay DF iyo ARS ku heshiiyeen awood-qaybsi dhameystiran.

 

Wafdiga Shariifka waxaa kusoo dhaweeyay dalka Jabuuti xubno ka tirsan Isbahaysiga ARS iyo madaxda dalka Jabuuti ee ay martida u yihiin, waxaana ka socda Jabuuti qabanqaabooyin xoogan oo lagu dooranayo Madaxweyne cusub.

 

Ergayga gaarka ee UN-ka Ahmadou Ould-Abdallah ayaa isaguna maanta gaaray dalka Jabuuti si uu uga qaybqaato xafalada loo sameynayo isku-dhafka baarlamaanka Somalia oo ka kala socda DF iyo ARS-Jabuuti iyo weliba sidii uu goobjoog uga ahaan ahaa doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo tan iyo madaxweynaha oo dhawaan dhacaya.

 

Abdalla ayaa isku dayaya inuu ka dhaadhiciyo Sheekh Aadan Madoobe iyo xubnaha kale ee ka horjeeda qaybo ka mid ah heshiiskii Jabuuti inay aqbalaan, isla markaana lagu doorto Madaxweynaha dalka Jabuuti iyadoo Madoobe lagu wado inuu booqdo maalmaha soo socda dalkaas.

 

Iskusoo wada duuboo beesha caalamka ayaa dadaal ugu jirta in heshiiskii Jabuuti la dhaqangeliyo, si dhibaatada ay uga baxdo Somalia, maadaama ay dalka Somalia ka baxeen ciidamadii Ethiopia oo ahaa kuwii sababay dagaalada ka socda qaybo dalka ka tirsan.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this