NASSIR Posted December 4, 2005 Waa faallo aad iyo aad u habaysan. After reading it, what you think of the current adminstration of Cadde? I know a lot has been said about his government's spreading corruption. Is there a room for an improvement or the declining stage of his rule as the author points to, is imminent Tani Galbataye, Tu Kale: Maxaa la Gudboon Cadde & Afqudhac? Aniga oo ka duulaya oraahda “Gaalka dil, Gartiisana siiâ€, aan xuso waxqbadka ay tahay in la mahadiyo ee maamulka Puntland mudadii uu dhisnaa oo la’aantii aan la hawaysteen. Hawl-wadeenada dawladda iyo xukuumadu waxaa ay mudan yihiin bogaadin iyo dhiirigelin hawlaha ay ummadda u hayaan – halyeeyo taariikhdu xusi doonto iga dheh mar haddii facood ay barqa cad cagaha wax ka dayeen, danyartii cidla uga qaxeen, ayna magan u noqdeen qawmiyado asaagood ah oo iyagu toodii ka tabaabushaystay. Qormadani ma aha mid aan kaga hadlayo waxqabadka maamulka, ee waa dhalliil ku salaysan aragti iyo u fiirsasho wasiirada iyo wasaaradaha qaarkood. Waa loo hanwaynaa, mase noqon. Marka la milicsado alalagtii uu la bidhaansaday maamulka Puntland, la tiraaco silsiladda waayeed, waxaa la odhan karaa maamulka Puntland waa uu qaangaaray, inkasta oo aan la odhan karin waa uu taabagalay marka la eego sifooyin badan oo lagu qiimayn karo maamul hanaqaaday. Taas waxaan uga golleeyahay in aanu maamulku fulin badi himilooyinkii laga lahaa, lase odhan karo waxaa uu humaagsaday yoolkii loogu walqalay. Inta uu hummaagu muuqdana waxaa la arkaa in loo irkado baarka barta la hiigsanayo – ilayn caana qubtay dabaqabsho uun bay leeyihiin e. Iskama aana hindisin in aan dhaliilo xukuumadda Puntland, doolaalana igama aha, gocasho fog dabadeedse waxaan ka ladi waayey maqnaanshaha dawrka golaha wasiirada, karti darrida wasiirada, falalka kala qaaran ee xukuumadda, iyo dayaca maamul ee ka muuqda wasaaradaha qaar. Ha u noqoto digniin madaxda maamulka oo aan qabo in aanay moogayn ayaan is iri. Ha u noqoto baraarujin bulshada oo aan hubo badi in ay og yihiin ayaan is iri. Bidhaami qirada dhibka jira si loo dabaqabto ayaan is iri. Hagardaamo u gayso maamulka iyo hawlwadeenadiisa marna cindigayga isma oran. BIDHAAN Waxaan in badan qabay in badi Somalidu aanay ahayn hawl kar, ayse yihiin karti laawayaal “non paratus†(waa ay adag tahay in hal burush la wada mariyo ummad dhan, sidaa darteed isticmaalka “badiâ€) maadadii la doono ha bartaan, ama tababarkii la doono ha la siiyee, ayna keento in hammiga iyo waaqicu aanay aalaaba is waafaqin – bal isu eeg hadalka iyo ficilka qofka Somaliga ah…waa kaaf iyo kala dheeri. Taas ayaa la oran karaa waxaa ay asal u tahay (ama ka mid tahay) mashaqada ugu weyn ee ummad ahaan Somalida haysata. Si taa looga gubdo, waxaan laga fursanayn in waqti dheer iyo agab badan la geliyo abuurista ummad xirfad iyo takhasus leh oo u carbisan shaqo. Si loo helo wadaag hawleed, hawl kar, hirgelin shaqo, iyo fulin ujeeddo ama siyaasadeed, waxaa lama huraan ah in asalka loo noqdo, lana is waafajiyo shaqada iyo shaqaalaha – hammiga iyo waaqica. Dajinta qorshe iyo fullinta hawleed ee wasaarad, shirkad ama urur waxaa loo qaybiyaa 3 darajo. · Daraja sare (strategic) oo leh aragti dheer oo ka duusha sahan, ka baaraandeg, odoros mustaqbal, tubayn, iyo badbaado unug - wasiir, guddoomiye, iyo sarkaal sare oo ay tahay in lagu doorto karti iyo aragti fog oo ku salaysan hogaan la tijaabiyey (proven leadership) ayaa xilkan lagu aaminaa. Khasab ma aha in qofku takhasus u leeyahay hawlaha wasaaradda ama shirkadda, waxaase lama huraan ah in uu ka wabaxsan yahay, baxrina ku yahay dajinta himilo ee unug yeesho, · Daraja fulineed (functional) oo qaabilsan hirgelinta qorshaha dhow ee unug ama wasaaar, dhaafsiisanna hawl-maalmeedka unug – agaasimaye, maareeye iyo maamulka dhexe (middle management) ayaa jagooyinka buuxiya. Waa dad takhasus leh, aalaaba laga soo xulo darajada hoose, muujiyey hawl karnimo iyo sifooyin fulineed, lehna hammi horumarineed iyo mid hogaan, · Iyo daraja hoose (operational) oo u heellan fulinta shaqo-halweedka maalmeed ee unug ama shirkad – hawl-wadeenada unugga oo ay tahay in lagu xusho xirfadda ay u leeyihiin shaqada sida khasnaji, la taliye, xisaabiye, hanti-dhawr waaxeed, darawal, waardiye iwm ayaa jagooyinkan buuxiya. Balo waxaa ay dhacdaa marka madax iyo majo la is daba mariyo sida lagu arko badi wadamada soo koraya, tusaale maamulada Somaliya sida Puntland, Somaliland, iyo xukuumadda federaalka ah. Haddii aan saddexdaa la kala soocin, aan la kala astayn, dad hawl kar ahna aan loo gacan gelin, dhaxalkeedu waxaa uu noqdaa tan maanta Somaliya ka taagan. BIYADHAC Aan u soo noqdo golaha wasiirada Puntland oo ah hay'adda fulinta, qorshaynta, iyo dejinta siyaasadeed ee xukuumadda Puntland. Sida ku cad dastuurka Puntland, waxaa ku qeexan in xukuumaddu ay u qaybsan tahay laba qaybood: i) xukuumadda dhexe, iyo ii) maamulada gobollada & degmooyinka. Haddii aad si dhab ah ugu kuurgasho xaqiiqada ka jirta Puntland, waxaa muuqata in xukuumaddu ay ku gaaf wareegto magaalooyinka waaweyn, maamulkuna aanu gaarin degmooyinka iyo tuulooyinka badi gobollada, oo haddii aad weydiiso dadka ku nool degmooyinkaas khabarka dawladda ay u badan tahay in ay cindiga ku hayaan tan federaalka ah. Waa qaab dhismeed maamul oo laga dhaxlay xukuumadihii hore, aafeeyeyna badi wadamada soo koraya. Inta badan wasaaradaha Puntland (13) waa magac-u-yaal la kowsaday heshiiskii siyaasadeed ee Puntland - fikir aad u wanaagsanaa xilligaa, lehse dhibkiisa sida hadda soo shaacbaxday - taas oo keentay in hal wasaarad loo kala raaro dhawr wasaaradood oo aanay kala cadayn sifaha shaqo iyo fulineed ee wasiirada qaarkood. Waxaa sidoo kale ka dhashay is af-garanwaa iyo wadashaqayn la’aan hay’adaha maxalliga ah. Waxaa la arkaa maamulka gobolka oo hoos taga wasaarad, halka kan degmadu hoos yimaado wasaarad kale – bal adba dhan u saar. Waxaan qabaa in cilladu ay tahay karti darri iyo aqoon la’aan shaqo ee wasiirada iyo hawl-wadeenada wasaaradaha Puntland, mana aha mid iyaga uun ku koobane, waa mid caam ku ah bulshooyinka wadamada soo koraya, una baahan in la qirto, la qeexo, si deetana loo turxaan bixiyo. Waxaa adag in qof aan lahayn karti ama hawlkarnimo shaqo uu si hufan u fuliyo shaqada ay tahay in uu qabto. Waxaa iyana adag in qof aan fahamsanayn sifaha shaqadiisu uu ka soo dhalaalo hawsha, ayna u badan tahay faa’iido uu keenaa ha joogtee in uu khasaare baaxad leh dhaxalsiiyo inta ku xeeran. Si aan u bisleeyo fikirka aan ka duulayo, waxaan jeclaa in aan tusaale u soo qaato dhawr ka mid ah golaha wasiirada Puntland iyo wasaaradaha ay gar wadeenda ka yihiin iyada oo ay marar badan igu soo dhacdo oraahdii ahayd “Waa wada ul oo, Ul la qaado ma lehâ€. Tusaale ahaan, wasaaradaha kuwooda ugu mudani waa: maaliyadda, kalluumaysiga, qorshaynta, dawladaha hoose, caafimaadka, waxbarashada, ciyaaraha, shaqada & shaqaalaha, iyo warfaafinta. Inta aanan mid mid u laacin wasiirada wasaaradahaa kor ku xusan si aan ugu dhaadhaco isha mashaqada taagan, waxaan jeclaa in aan sawir kooban ka bixiyo tasarufka wasiirada Puntland. Garowe, caasimadda DG Puntland marka aad cagadhigato waxaydnaan isaseegayn wasiirada xukuumadda oo raxan raxan ah, wata gawaarida ugu bilicsan magaalada, ayna ku hoonsan yihiin waardiyadaal iyo gawaari sida koronkorrada isugu raaran, lagamana yaabo in aad kula kulanto fariisinka wasaaradda mar haddii libdhadu dhanka woqooyi u liicdo. Celcelis ahaan saacadaha ay shaqeeyaan bishii kama badna 72 saacadood halka qofka caadiga ahi uu bishii shaqeeyo celcelis 200 oo saacadood, iyada oo ay u badan tahay in dadka madaxda ahi ay shaqeeyaan labanlaab saacadaha qofka caadiga ahi shaqeeyo. Waxqbadaka, wax soo saarka iyo hawl karnimada qofku waxaa ay la rogmadaan saacadaha uu qofku u qoondeeyo hawsha - saacadaha shaqo oo bataa waxaa ay dhaliyaan koror was soo saar; bil caksi saacadaha oo yari waxaa ay u dhiganaa wax soo saarka oo dhimma. Sida qaalibka ah waxaa jirta aragti dad badani isku maaweeliyaan oo dhigaya in sababta ugu weyn ee wasiiradu aanay u shaqayni ay tahay iyaga oo aan lahayn dakhli iyo xisaab u gaar ah oo ay ku filayaan hawlaha loo wakiishay. Xaqiiqaduse taa ka duwan - badi wasaaraduhu waxaa ay helaan dakhli dhan 3,000-4,000 oo doolar (us) bishii taas oo loogu talagalay in ay hawlahooda ku fuliyaan – min mushahaar illaa adeegyo isku dhaf ah. Sidaa darteed, waxaa cad in dhibka jiraa aanu ahayn dakhli iyo dhaqaale yari, balse arrinku intaa ka fac weyn yahay. Wasiirada lagama ag waayo M/Weynaha oo waxaaba la moodaa in ay gacanyarayaal iyo kalkaaliyayaal u yihiin. Kulamada iyo ballamaha M/Weynuhu la qaato hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn, ashkhaasta iyo madaxda kale ee dawladda sida golaha wakiilada, garsoorka, maxkamadaha, madaxda gobollada iyo degmooyinka waxaa buuxdhaafiya wasiiro gabran xilli kasta oo aad moodo in ay baagamuudo yihiin. Haddii uu jiro guddoomiye gobol ama duq magaalo oo hayaan dheer u soo maray in uu si qarsoodi ah ashkato ka dhan ah wasiir ka mid ah golaha wasiirada ugu gudbiyo M/Weynaha, waxaa adkaata in dacwadda la soo bandhigo ilayn eedaysanihii baaba fadhiya e. Waxaa halkaa ku dhuma sixitaanka qaladaadka madaxda maamulka, toosinta mas’uulikii si guracan u dhiga qorshaha iyo siyasadda xukuumadda, asturidda ceebaha iyo gafafka, ujeedooyinkii shirarka, iyo ahmiyaddii maamulka guud. Kaba sii darane, marka aad la kulanto wasiirada qaarkood waxaad ka qaadaysaa anfariir. Wasiir laga yaabo in uu xafiiskiisa yimaado isaga oo jaadkii ku bar go’ay, badhamadu u furan yihiin, dacas hayla leh idlan, xalay oo dhanna kaboolayn ku jiray, ayna u badan tahay in uu barje raadis yahay – biyaraacis warkii daa! Waxaa la arkaa wasiir isaga oo marqaansan waraysi bixinaya, aan u fiirsan su’aalaha la weydiinayo, jawaabaha uu bixinayaana ay u badan yihiin “hadal marqaan†oo aan lahayn nuxur, laga fikirin, loona fiirsan. Waafajin siyaasad dawlo, iyo ka taxadar hadal meel ka dhac ah iyaga warkood daa. Wara’da ugu wayni waxaa ay tahay in kulamada todabaadlaha ah ee golaha wasiiradu marka ay isugu yimaadaan aad moodo muqayiliin marfish gabran, una muuqan madax soo shaqo tagtay. Kuma jiro hal wasiir oo qoraal qaata inta shirku socdo, mid xog u badan mala-awaal dusha ka duruurixiyaa ha joogee, warbixnno qoran oo tifatiran marna lagama yaano in ay u soo gudbiyaan M/Weynaha, ku Xigeenkiisa, Hanti-Dhawrka Guud iyo golaha wasiirada toona – cid dalbatana haba sheegin. Waxaase intaba isku fuuqsaday, wasiirada qaarkood (in yar) oo carqalad ku ah hirgelinta maamulka, qorshe hawleedka xukuumadda, iyo gudashada xilalka lagu aaminay hawl-wadeenada hay’adaha dawliga ah, iyo kuwa aan dawliga ahayn. Waxaa ay carqalad ku noqdaan hirgelinta mashaariicda maxalliga ah, iyaga oo ka door bida dan gaar ah. Sidaa darteed, su’aashu mudan in la weydiiyaa waxay tahay maxaa laga filan karaa madaxda tasarufkoodu caynkaas yahay? Aan jawaabta u daayo madaxada maamulka, ardayda siyaasadda, iyo dadka u ololeeya nidaamka maamul wanaagga ah. Aanse u dhaco ubucda qoraalka oo aan jillidda ka rogo qaar ka mid ah wasiirada iyo wasaaradaha. Maaliyadda Sida ku cad sifaha shaqo ee wasiirka maaliyadda, wasaaradu waxaa ay u xilsaaran tahay: diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka ku-talagelka ah ee dawladda; dajinta, fulinta oddoroska maaliyadeed, lacagta iyo maalgelinta shisheeyaha; dajinta, fulinta istiraajiyada dhaqaale; dajinta, fulinta qorshe jaangoyn sicirka maciishada iyo sicirbararka; dajinta, fulinta qorshe is waafajin dhoofinta iyo soo dheejinta (trade balance); iyo dajinta, fulinta qorshe guud oo ku wajahan beekhaaminta, jaangoynta iyo horumarka guud ee dalka. Sida dhabta ah wasaaradda maaliyadda laguma sifayn karo mid fulisa boqolkiiba 5% hawlaheeda. Sabata ugu weynina waa wasiirka maaliyadda, agaasimayaasha iyo hawl-wadeenada wasaaradda oo aan u carbisnayn hawlaha loo igmaday. Tusaale, ahaan wasiirka maaliyadda Md. Maxamed Cali Yusuf waxaa uu u dhaqmaa sidii uu yahay khasnajiga (treasurer), ogolaadaha (approver), saxiisaha (signator), iyo sarrifaha kharashaadka dawladda (funds dispenser); hawl maalmeedkiisuna ma dhaafsana jeeg la saxiixo iyo lacag la bixiyo. Hawlaha wasaaraddu ma kala qoondaysna. Tusaale, wasiirka, agaasimayaasha iyo hawlwadeenada wasaaraddu haddii ay rabaan in ay wax is daba mariyaan, si sahlan ayaa ay u samayn karaan – ilayn bilaw illaa dhamaad hawshii waxaa marar badan qabta hal qof, ama laba qof oo isku xafiis fadhiya. Waxaan jirin hawl-qaybsi (segregation of duty), waxaan jirin haykal lagu saxo qaladaadka (check and balance), waxaa ay taasi sahashaa hanti dhumis, waxaana ay dhiirigelisaa musuqmaasuq, iyo hanti wada dhunsi wadareed (teeming and lading) oo xubno wasaaradaha ka mid ahi ay u shuraakoobaan. Md. Gaagaab waa qurbajoog, xirfadle waaya-arag ah, waxaase lagu xantaa nin hammi sare leh oo isu arka M/Weyaha mustaqbalka ee Puntland. Waa ardaydii kacaanka, laacibna waxaa uu ku yahay jara kaboodka iyo ilduufka. Waxaa uu isu arkaa la taliyaha M/Weynaha oo uu kaga kalsoonaan lahaa xilka uu hayo. Waxaa loogu hanweynaa in uu noqdo nin fikir iyo siyaasad ahaan dheelitiri kara M/Weyne Cadde, buuxinna kara kaalintii Maxamed Cabdi Xaashi iyo Cabdillahi Yusuf, mase noqon; waxaana lagu xantaa in uu haysto dhagta M/Weyne Cadde (chief confidante). Qorshaynta Dajin siyaasadda guud ee xukuumadda, qorshayn guud ee ilaha dhaqaale, curin kaabayaal dhaqaale, sahamin ilo dhaqaale, beekhaamin iyo jaangoyn agab iyo adeegyo bulsho ayaa ka mid ah hawlaha wasaarada qorshaynta. Qorshayntu sidaa darted waa wasaaradda ugu muhiimsan, waxaana ay qaabilsan tahay dajinta iyo astaynta qorshe horumarineed ee ay xukuumaddu ku hawlgasho. Intaa midna laguma sifayn karo wasaaradda qorshaynta Puntland. Md. C/Raxmaan Maxamed Faroole waa aar baxri ku ah jara ka boodka, una miciya lista cid kasta oo xayndaabkiisa ka soo ag dhawaata. Md. Faroole waa qurbajoog, ardaydii kacaanka ka mid ahaa, waana xirfadle lagu tuhmo in uu yahay ninka ugu qalinka roon golaha wasiirada. In uu isu arko M/Weynaha dhabta ah ee Puntland ka sokow, waxaa uu meelo badan kala mid yahay Md. Gaagaab oo la sheego in ay xulufo hoose yihiin, ayna dabinno badan wada dhigaan. Waxaa lagu xantaa in uu tiisa gaar ka ah ka door bido tan xukuumadda, uuna ku rayn lahaa in uu mar uu gaaro isku filaansho dhaqaale, taas ayaana keenta in ay marar badan isku maandhaaqaan hay’adaha aan dawliga ahayn qaabkooda shaqo, halka ay ka shaqeeyaan iyo cidda ay la shaqeeyaan. Md. Faroole, oo la sheego in uu yahay bulsho ahaan wasiirka ugu taabiciyadda yar (least constituency), fikir ahaanna ugu saaxiibada yar xukuumadda dhexdeeda, ayaa ay ku dheer tahay in haddii hindisihiisu aanu u meel marin, uu ka doorbido in maqasha oodda laga rogo. Waxaa la sheegaa in uu yahay wasiirka ugu shaqada yar, uguna xasarada badan aalaabana ku dhiirada hareermarka siyaasadda dawladda iyo muquuninta qorshaheeda hawleed. Kalsooni badan kama haysto madaxtooyda, waxaanan la fursan doonin qonof iyo sansaaryo mar aan fogayn. Dawladaha Hoose Waa wasaaradda hawlaheedu ugu mudan yihiin xilligan marka laga dheegto dhanka hirgelinta iyo baahinta maamul, dhismaha golayaal deegaan, baahin nidaam maamul wadaag ah, hirgelin doorashooyin maxalli ah, xallin khilaafaadka soo if baxa, sugid amni, iyo isku xir gobollada iyo degmooyinka ee maamulka dhexe. Lama oran karo wasaaraddu waa ay u bisishahay hawlaha baxaddaa le’eg ee hor yaal, halka ay ka dhutinaysaana waa garwadeenka wasaadadda Md. Cali Cabdi Awaare. Md. Awaare ma laha hammi sare, loogama baqdin qabo u baratanka kursiga la wada calmaday, waxaase lagu xantaa in aanu fahma badnayn, qoob iyo qayladiisuse badan tahay, waxna ka safar iyo sawaxan badan. Waxtarkiisu ha joogee, waxaa uu u dhaqmaa sidii kalkaaliye madaxtooyo oo qaabilsan wufuudda iyo madadaalinta martida madaxtooyada. Aalaba lagama ag waayo madaxtooyda, sawdkiisa kuma cusba hirarka warbaahinta. Waa wasiirka keliya ee warbaahin isagu uu leeyahay u adeegsada hawlaha wasaaraddiisa, ayna adag tahay in la fahmo waxa uu qabto - waxaa xusid mudan in Md. Awaare uu ahaa hantiile ka hor xilka wasiirnimo. Lagama yaabo in rugta wasaaradda laga helo, waxna ka jecel meerinta siyaasadda guud ee xukuumadda. Caafimaadka Ahmiyad gaar ah oo bulshada uga muhiimsan hawlaha wasaaradaha kale ayay wasaaraddani leedahay. Waxaan ay qaadanaysaa qormo dhan in aan ka waramo hawlaha iyo sifaha shaqo ee wasaaradda, sidaa darteed intaa u dhaafi maayo aan ka ahayn in aan tibaaxo in wasaaraddu ay tahay tan keliya ee la filalyey in ay ka dhex muuqato wasaaradaha. Puntland waxaa lagu qiyaasaa in ay joogaan tiro ahaan dhakhaatiirta ugu badan ee gobollada Somaliya oo idil, ay ka hawlgalaan dhakhaatiirta ugu magaca dheer, looguna kalsoon yahay Somaliya. Waxaa ka jira urur madani ah oo si nidaamsan u shaqeeya oo ay leeyiiin dhakhaatiirta gobolladu – kuwa guud (general hospitals) iyo kuwa khaaska ah (private clinics) oo marka loo eego gobollada kale baar dheer. Ciribtirka cudurada faafa, ka hortaga cudurada sida sahlan la isu qaadsiiyo, la dagaalanka dawooyinka dhacay, tiro koobka dadka qaba cudurada aan dawada lahayn, iyo wacyigelinta bulshadu waa halkeeda e, wasaaraddu waxaa ay ka mid tahay wasaaradaha in ay jiraanba aan xog loo hayn. Waxaa la yaab ah in ay tahay wasaaradda keliya ee uu wasiir ka yahay wasiir xirfad iyo takhasus caafimaad leh. Dr C/Raxmaan Maxamed Siciid waa dhakhtar xirfad waafi ah u leh arrimaha caafimaadka, waxaase balo ka dhacday in aanu hawaysan karin xilka lagu aaminay, lagu xanto dhakhtarku in uu yahay uun aakhiro. Kalluumaysiga Haddii uu jiro wax keliya ee ay Puntland isku hallayn kartaa, marka laga yimaado neefle barriyaadka, waa khayraadka badda - kalluumaysi. Ka sokow dhisme qorshe guud oo lagaga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah, waxaa lama huraan ah in ay jiraan guddiyo maxalli ah oo qaabilsan qorshe u dajinta iskaashatooyin kalluumaysi, suuqyo ganacsi, jillaabasho, goorayn, xannaanayn, dhaqaalayn, iyo tira koob guud ee jiifta badeedka. In ay wasaaraddu la haato qorshe noocaasi waa halkeeda e, garwadeenka wasaaraddu, Md. Ismaaciil Shire Buraale waa nin saan gaaban, lana oran karo waa allow sahal. Ma laha wax xirfad ah oo loogu xisho aan ka ahayn in uu baxri ku yahay sida maydka loo raaro. Ma aha nin sawaxan badan, waxaana taa u abda’a ah xirfad la’aanta iyo fardo aanay isku mihnad ahayn oo qool la wadaajiyey. Waan hubaa in haddii laga ag dhawayn lahaa bukaanka in uu wacdaro dhigi lahaa, mashaqose waxaa ay timi markii la yiri isha labaad ee dhaqaale ee geyiga oo idil ka atooree. Ciyaaraha, Shaqada & Shaqaalaha Abuur iyo koboc shaqo, carbin, dhisme haykal shaqo, shaqaale iyo ciyaaro ayaa ka mid ah sifaha shaqo ee wasiirka. Jihayn cududda, fikirka iyo dhismaha xirfadeed ee dhallinta ayaa ka mid ah sifaha shaqo ee wasaaradda. Ma jiro qorshe guud oo kulmiya sifahaa sare aan ka ahayn baratano ciyaareed oo ay wasaaraddu qabanqaabiso. Md. Siciid Jaamac Qoorsheel oo si haboon u yaqaan sida waqtiga iyo fikirka dhallinta loo jiheeyo kuma guulaysan in uu ummadda fahamsiiyo qaayaha wasaaradda, tacabkiisiina waxaa uu isugu biyo shubtay ciyaaro. Md. Qoorsheel waa nin ku cusub masraxa siyaasadda, aanan laga filan Karin wacdaro mustaqbalka dhaw. Si aad ah ayaa loogu han weyn yahay, waxna ka jecel horumarka Puntland. Waa qunyar socod, af macaan oo leh taabiciyad badan oo qurbajoog ah, una arka sida keliya ee is-bedel ku iman karaa in ay tahay qurbajooga oo kaalin ku yeesha hogaanka maamul ee mustaqbalka. Ma aha nin lagu xanto aragti dheer oo dhaafsiisan waqtigan xaadirka ah, waxaase lagu xantaa in uu shaqadiisa u haysto in ay tahay dhisme kooxo ciyaareed oo gobollada ka dhisan una baratama koobab kala duwan. Waxaa lagu dhalliilaa in uu dawrka agaasime ee waaxda ciyaaraha ee wasaaradda uun buuxiyo, shaqo iyo shaqaale waa halkooda e. Warfaafinta, Dalxiiska, Hidaha & Dhaqanka Ka tarjumidda iyo baahinta siyaasadda dawladda, wacyigalinta bulshada, tabinta iyo u xog warranka bulshada ayaa ugu muhiimsan hawlaha wasaaradda. Dajinta, fulinta iyo hirgelinta qawaaniinta hagta saxaafadda ayaa iyana muhim ah. Waxaase intaba ka muhiimsan iibinta iyo illaalinta sumcadda DG-ka, daryeelka iyo kaydka hidaha iyo dhaqanka deegaanka, iyo sixidda wixii sumcadeeda wax u dhimi kara. Sannadahan dambe xukuumada Puntland ma lahayn idaacado iyo wargayso ku hadla afka xukuumadda oo faafiya dacaayadaha dawladda - Warsidaha Puntland oo hawlgabay 2002-dii ayaa ugu dambeeyey – taasi waa mid laga raystay, astaanna u ah wadamada keligi talisku ka jiro, mudanna in la mahadiyo maqnaanshaheeda. Magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa middiiba ka hawlagala ugu yaraan 3 idaacadood, halka ay jiraan tiro wargaysyo ah oo iyana ka soo baxa. Waxyaabaha ay Puntland caanka ku tahay waxaa ka mid ah handadaadda saxaafadda iyo u caga juglaynta suxufiyiinta, sababta ugu weyn ee taas keentaana waa kalsooni li’ida madaxda xukuumadda iyo karti darrida wasiirka warfaafinta Md. Cabdirisaaq Siciid Geesood. Si aad u fahamto wejigabaxa ay taasi u leedahay Puntland, waxaa la maqlaa afkaar ay cabiraan ashkhaas aan xilkas ahayn oo marka ay ka hadlayaan saxaafadda Somaliya ku tilmaama saxaafadda Puntland iyo Somaliland mid aan xor ahayn, halka tan Xamar ay ku tilmaamaan mid xor ah. Xamar suxufigu marka uu ku tiraabo wax aanu jeclaysay hogaamiye hubaysani, waa la toogtaa, cidina uma baroorato, halka Hargeysa iyo Garowe suxufiga xabsiga loo taxaabo cir iyo dhul ay isu qabsadaan siidaynta suxufigaas. Magac xumo wax aan ahayn ugama soo hoyoto Puntland, mase aha madaxda xukuumadda Puntland kuwo fahmi kara dhibka ay leeyihiin falalka noocan oo kale ah ee aan laga fiirsan. Md. Geesood waxaa la oran karaa waa mas’uulka keliya ee ay ka suurtawdo in uu waraysi bixiyo isaga oo aan war u hayn halka ay ka daganayso, deetana iska dhex dabaasha sidii koron sariibad ahmi lagu kala baayacayo dhex aruntay. In uu garawsado ama tixraaco asluubta iyo anshaxa saxaafaddu waa halkeeda e, Md. Geesood ma aha codkar, hal-abuur loogama fadhiyo, cabqarinimo warkeed daa. Waxaa uu shaqadiisa u haystaa saxaafadda oo uu la hadlo (in uu qoraal soo gudbiyaa waa habeenkii xalay ahaa oo tagay) ugana waramo sheekaysigii ugu dambeeyey ee golaha wasiirada – ilayn madal gorfayneed laguma tilmaami karo e. Curin hay’ado dalxiis, kayd hidde iyo dhaqan, iyo dajin shuruuc kala hagta saxaafadda iyo maamulka loogama fadhiyo. GUNAANAD “Waa wada ul oo, Ul la qaado ma laha†aan ku rakaatee, xagee loo raacaa golaha wasiirada Puntland mar haddii xaaladu sidaa tahay? Maxaase la gudboon Cadde iyo Afqudhac? Mar haddii dhalliilaha banka la soo dhigo, la qeexo dhibka, fartana lagu fiiqo halka damqanaysa, waxaa mudan in lala tacaalo, dawo lagu dabiibana la baadi goobo. Ma qabo in sidii dhakhtar bukaan u yimi dawo u qoraya aan taxo waxa ay aniga ila tahay in lagu daweeyo mashaqada taagan - taasi waa mid xaqiiqada ka fog, qofkii isku dayaana waa damiin ma gudbe ah oo qarow la tiicaaya – waxaase haboon in madaxda maamulka la dareensiiyo halka dhigtu ka qalloocatay. Sidee ilko ku nabad galaan, xeegana lagu xagtaa iyaga ayaa cid kasta ugu mudan. Sixidda qaladaadka muuqda, xullida dad hawl kar ah kana bixi kara waqtiga adage ee lagu jiro iyaga ayaa looga fadhiyaa. Waxaan qabaa in xalku uu ku jiro gondaha madaxda dawladda iyo xukuumadda, loose baahan yahay il saddexaad oo si hufan u daymoota lafta jaban; gujis iyo tukhaantukho cilmiyaysan, lehna himilo cad oo garab taagan madaxda maamulka. Dib u milicsi himilada xukuumadda iyo tan dawladda waa lama huraan. Geesinimo iyo ku dhiirasho is-bedel maamul oo dhab ah in lala yimaado lagama fursan doono. Waxaan la hurayn fursado laylis, carbin iyo tababaro sare loogu qaadayo garaadka shaqo ee wasiirada, agaasimyaasha, maareeyayaasha iyo hawl-wadeenada hay’adaha dawliga ah iyo ku aan ahayn. * Waa inoo xilli dambe iyo golaha wakiilada Puntland ee uu gar wadeenka ka yahay Md. Cismaan Yusuf Dalmar (66 xubnood). Maxamed A Cali gorayocawl@yahoo.com SOMFREEMEDIA $ allpuntland.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted December 5, 2005 Thanks Caamir, this was indeed an informative piece, hope this message materializes. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted December 5, 2005 Waa qoraal wanaagsan, hope somalis make use of it! Quote Share this post Link to post Share on other sites
miles-militis Posted December 6, 2005 This is most damaging, yet most constructive and telling – I would not want to be a minister today of all days. What is most notable is that the President himself not only admits to the criticism, but welcomes and appears to be highly motivated by it. let us hope Somalia's leaders pay heed. President Cadde interviewed Quote Share this post Link to post Share on other sites