Sign in to follow this  
Saalax

DIYAAR GAROW DAGAAL IYO WARAR SHEEGAYA IN GURMAD KA ANBO BAXAY EASTERN SANAAG

Recommended Posts

Saalax   

Warar lagu kalsoon yahay oo LaasqorayNET soo gaarey ayaa waxay sheegayaan in Deegaanka Galbeedka Gobolka Bari uu ku jiro xaalad dagaal iyadoo ciidamada Diifacaa deegaanka la geliyey heegankii ugu sareeyey iyadoo 3 gaari oo kuwa xamuulka ahi ay ka anbo bexeen Degmada Dhahar iyo Xingalool ee Eastern Sanaag taasina ay tahey Gurmad loo gudbinayo ciidamada Jiida hore ee Galbeedka Bari ee gobolka Bari.

 

 

Shaleyto ayaa waxaa magaalada Bosaaso ay gacanta ugu jirto maamulka Puntland waxaa lagu xanibey iney ka baxaan Odayaasha Reer Maakhir iyadoo maleeshiyaadka beelaha garoowe iyo awrboogays ee uu wato C/samad Cali SHire amar lagu siiyey odayaasha dib ugu ceshaan Magaalada Bosaaso.

 

 

Sidoo kale General Ilka jiir ayaa waxaa la wadaa inuu ka anbo baxo magaalada Bosaaso sida ugu dhakhsaha badan iyadoo uu ku wajahan yahay Magaalada Ceeldoofaar ama Ceel Daahir halkaas oo uu Saldhig ku meel gaar ah ay ka sameysteen Ciidamo isaga ka amar qaata.

 

 

Waxaan cadeyn Mawqifka General Ilkajiir iyadoo warar lagu kalsoon yahay ay sheegeen inuu ka careysan yahay sida Faroole iyo Cabdisamad Cali Shire wax u wadaan iyadoo ay gacanta isula tageen Cabdi Samad Cali Shire xili la isku maandhaafey albaabka hore ee Hotelka Ponarama iyadoo General Ilkajiir uu Cabdi Samad Cali shire ku yiri '' OROD OO LAASCAANOOD XOREYSO, HALKAAS AYAA AJINEBI JOOGAAN E''.

 

 

Dagaalka laga cabsi qabo inuu ka dilaaco goobaha u dhow Bosaaso ee tuulada Laag iyo Karin ayaa waxay ka dhalatey kadib markii Farole ku dhawaaqey inuu duulaan ku yahay Degmada Galgala dadkeediina ugu baaqey iney ka guuraan oo meelo kale uga guuraan waana mid loo fahmey ETHNIC CLEANSING.

 

 

Waxaa sidoo kale jira Degmada Dhahar qeylo dhaan iyadoo dhalin yaro badan oo careysan ay gaadiid kala dhaqaaqeen degmada kuna wajahan goobaha la isku hor fadhiyo ee Laag iyo Karin.

 

 

Waxaase dhibku ka jiraa qaxa iyo barakaca ku iman doona bulshada Reer Bosaaso iyadoo lagu jiro xili aad u kulul oo magaalada intii wax haysatey ay ka xagaa baxdey isla markaana ay ku hareen magaalada dadkii aan tabar safar haysan.

 

 

Shacabka Gobalada Bari, Haylaan, Eastern Sanaag iyo Karkaar ayaa waxaa Faroole ku khasbayaa iney dagaal wiilashoodu ku dhintaan iyadoo Garowe ay ka fogtahey goobaha dagaalku ka dhacayo taasina ay tahey mid siyaasad xumo ah.

 

 

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in Faroole ay ku eedeeyeen dad jufadiisa ka dhashey inuu qas wado iyadoo ay ugu yeereen inuu xilka sida ugu dhaqsaha badan ka dego iyadoo ay ku eedeeyeen inuu xil kas yahay isla markaana uusan awoodin inuu wax maamulo waa sida wararku nagu soo gaareen e.

 

 

Xigasho LaasqorayNET-

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this