Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Riyaale swift response to Siilanyo Co

Recommended Posts

Mucaaradka SL oo loo jawaabay

1 Apr 1, 2009 - 12:42:36 PM

 

Madaxtooyada Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa maanta [Apr. 1] si kulul uga jawaabtay war uu maalintii shalay ahayd baahiyahay Xisbiga Kulmiye kaasi oo uu ku sheegay in aanu aqoonsan doonin Xukumada Madaxweyne Dahir Rayaale marka la gaadho 6 April isaga oo sheegay in wixii waaqtigaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad caadi ah.

 

Hadaba war-saxaafadeedka uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu u dhignaa sidan:

 

"Aniga oo tix-raacaya hadaladii dhawaan uu siiyay warbaahinta dibada iyo gudahaba Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee uu ku daadifaynayay doorashooyinka Madaxtooyada wakhtiga la qabanayo, waxa ay yihiin erayadii uu mar walba ka dhawaajin jiray caadadana u ahaydin uu ummada u sheego tan iyo doorashadii hore ee Madaxtooyada.

 

Marka hore waxa aanu leenahay in hadalada ka soo yeedhaya isaga iyo xisbigiisa ay yihiin kuwo xad gudub qaawan ku ah xeerka iyo dastuurka Somaliland sida ku cad qodobka 83-aad, faqradiisa saddexaad, waxa aycadaynaysaa in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay xilka kala wareegikaraan Madaxweyne cusub oo la soo doortay.

 

Waxa Guurtidu ay xaq u leedahay in ay kordhiyaan wakhtiga Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa in ay xilka sii hayn doonaan sida ku xusan qodobka 83-aad,faqradiisa 5-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo inta aydalka ka qabsoomayaan doorashooyin. Sida aynu wada ognahay Siilaanyo iyo Xisbigiisu waxa uu hore ganafka ugudhuftay una daadifeeyay wakhtigii ay Komishanka doorashooyinku hore ugu cayimeen in doorashada Madaxtooyadu ay dalka ka qabsoonto. Gudoomiyaha KULMIYE waxa uu hore uga dhawaajiyay in ay ku kalsoon yihiin go'aanka Golaha Guurtida ee dastuuriga ah, hadana waxa uu diidan yahaygo’aankii golaha guurtidu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Muddo kordhintawakhtiga Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu ay xilka sii hayn doonaan.

 

Waxa haddaba muuqata oo cidna aan ka qarsoonayn in Gudoomiyaha KULMIYE iyo xisbigiisu toona aanay qadarinayn dastuurka ummadu ay dhigatay ee ay xisbiga ku yihiin. Dalku doorasho ayuu diyaar u yahay , iyadoo mar kasta loo marayo dastuurka iyo xeerka laga soo dheegay dastuurka dalka u dhigan, waxana haboon qofkastaa oo hiigsanaya in uu hogaamiye dalka ka noqdo in uu aamino una hogaansamo dastuurka iyo xeerka dalku leeyahay. Waxaanu kula talinaynaa Xisbiga KULMIYE iyo hogaankiisaba in ay dalka kajoojiyaan naxliga iyo dibin-daabyada ay caadada ka dhigteen. Ummada reer Somaliland waxa ay jidaysatay in ay si nabadgelyo ah uga qayb galaan tartanka doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo la mid ah kuwii horeba dalkauga qabsoomay.

 

Ugu danbayntii, waxaanu shacbiga u sheegaynaa in aan cidna laga aqbalaynin in ay handadaad iyo doc faruur ku sameeyaan ku dhaqanka shuruucda iyo xeerarka ummadu ay mahadisay."

 

Waxaa Magaalada Hargeysa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo hadalada ay isweydaarsanayaan siyaasiyiinta sare ee Axsaabta kuwaasi oo qoloba qolada kale ay si weyn u eedaynayso.

 

RADIO GAROWE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this