General Duke Posted January 6, 2007 Prof.Geedi oo la kulamay Ciidamadii Xooga dalka qeybtoodii Muqdisho ku sugan (Daawo Sawiro) Last Updated::2007-01-05 16:08:19 Muqdisho:- Ra'iisul Wasaaraha Somaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta la kulmay Cutubyo ka tirsan Ciidamadii hore ee dalka Soomaaliya. Geedi iyo xubno ka socda xukuumadiisa ayaa maanta booqday Xaruntii hore ee Xisbiga ee magaalada Muqdisho. Halkaasi oo hada fariisin u ah intii kasoo hartay Ciidamadii xooga dalka ee hada ku sugan nawaaxiga magaalada Muqdisho. Geedi oo halkaasi ugu khudbadeenayey boqolaal kamid ah Saraakiishii hore ee ciidamadii Dowladii Soomaaliya, ayaa u sheegay in ciidamadaasi dib loo hawlgelin doono. Geedi ayaa maanta ka hadlay arrimo dhawr ah sida loogu baahan yahay in ciidamadii hore ay uga qeyb qaataan difaaca dalka, balse Geedi ayaa mar uu la hadlayey Ciidamadaasi sheegay in wakhti cusub la galay. Geedi ayaa sidoo kale ka hadlay sida loogu baahan yahay in ciidamada Dowladii hore ay ulla shaqeeyaan ciidamada cusub iyo waliba kuwa Itoobiya. Geedi ayaa sheegay in dagaalkii u dhaxeeyey Itoobiya iyo Soomaaliya uu dhamaaday, isla markaana loo baahan yahay in la heshiiyo. Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKMG Soomaaliya Salaad Cali Jeele ayaa ka hadlay arrimaha horyaal ciidamadii hore. Amniga nawaaxiga Xarunta Xisbiga oo ay si weyn u sugeen Ciidamada DFKMG Mr.Jeele ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay xooga saari doonto sidii loo labayn lahaa dibna loogu hawlgelin lahaa ciidamadii hore. Waa kulankii ugu horeeyey oo dhexmara Ciidamadii hore ee Muqdisho ku sugan iyo Dowlada Federaalka tan iyo intii ay la wareegtay magaalada Muqdisho. Dowladihii hore ee soo maray Soomaaliya kadib dagaalkii sokeeye ayaa dhamaantood ku fashilay in ay dib u hawlgeliyaan ciidamadii hore ee Qaranka. Burburkii Soomaaliya ku yimid ayaa si gaar ah u saameeyey ciidamadii hore ee Qaranka, kuwaasi oo u kala jabay deegaanadii ay beelahooda kasoo jeedeen. Halka qaar kamid ah ayba hogaanka u qabteen maleeshiyooyin beeleed ka qeyb qaatay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, ayadoo ay hada adag tahay in sidii waa uu ahaa ciidanka Qaranka Soomaaliya dib loogu soo celiyo. Maxamed Cabdi HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 6, 2007 Geedi oo la kulmey ciidamada 5 Jan 5, 2007, 08:41 Ra'iisul-wasaaraha DF Cali Max'ed Geedi ayaa maanta kulan xasaasi ah waxa uu xarunta xisbiga magalada Muqdisho kula yeeshay qaar ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somalia. Geedi oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada xooga dalka Somalia ay ku biiri doonaan ciidamada haatan DF u diiwaan gashan, isla markaana howl-galka hubka lagu aruurinayo ay gacan weyn ka geysan doonaan. Wasiirka ku-xigeenka Gaashaandhiga DF Salaad Cali Jeele oo kulankaasi ka hadlay ayaa tibaaxay waxqabadkii ay ciidamadaasi Somalia u soo qabteen, isagoo sheegay in waxii maanta ka bilowda ay ciidamadaasi hoos yimaadaan Wasaarada Gaashaandhiga Qaar kamid ah ciidamadaasi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay iney aad u taageersan yihiin qaabka ay hada wax u wado DF isla markaana ay la shaqeyn doonaan. Kulankaan ayaa kusoo beegmay xili maalinimada berito ah lagu wado in ciidamada DF ay guri guri Muqdisho hubka ugu baaraan sida uu sheegey wasiir ku-xigeenka Gashaandhiga. Cabdi Fatax Axmad,GO Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 6, 2007 Raisal wasaaraha Somalia oo kulan la qaatay saraakiisha xooga dalka iyo maalin lagu daray soo wareejinta hubka wakhtigii loo qabtay Raisal waasaraha Somalia Cali Maxamed Geedi oo kulan la yeeshay saraakiishii hore ee xooga dalka Somalia ayna kawada hadleen arimo quseeya sidii loo xasilin lahaa dalka iyo waliba sidii hubka dhigista loo samayn lahaa iyadoo ay siwayn isula meel dhigeen arinta hubka dhigista talooyin ku saabsan. Raisal wasaaraha ayaa sidoo kale wuxuu maalin ku daray sadex bari oo uu horay ugu qabtay inay hubka kusoo wareejiyaan dadka shacabkaa iyadoo arintaas aysan jirin cid wali si rasmi ah uga jawaabtay marka laga reebo beel kamida beelaha Muqdisho oo soo wareejisay hub yar iyo maleeshiyadii wadatay hubkaas. waxa iswaydiinta mudan ayaa ah hadii dawladu ku guul daraysato inay hubka ka dhigto shacabka halkeebuu ku dambayn doonaa amaanka Muqdisho oo cabsi looga qabo inay kala goostaan qabqablayaal dagaal siday horay u ahaanjiray. seeraar qalay2005@allmudug.org Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 6, 2007 Ra’iisal Wasaare Geedi oo maanta Qudbad Niyad dhis ah u jeediyay Qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jimco, January 05, 2007(HOL): Ilaa 3837 Askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu rigeeyay Barxadda Xaruntii Xisbiga ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ugu qudbeeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi. Ciidamada la isugu geeyay Xarunta Xisbiga oo aaney ahayn markii ugu horyesya oo halkaasi loogu qudbeeyo ayaa waxay isugu jireen kuwo howl-gab noqday, kuwo ku sii socda iyo kuwa weli shaqeyn kara balse aan daryeel heysan. Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur ayaa Ciidamadaas u qudbeeyay waxayna u jeediyeen hadal niyaddooda dib u soo nooleeyay oo ahaa in la tayeynayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa u sheegay Ciidamadii uu la hadlayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dooneyso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay noqdaan sidii ay ahaan jireen xiligii hore, wuxuuse ka codsaday Ciidamada in ay diyaar u noqdaan in ay la shaqeeyaan Dowladda, iyadoo dowladdana ay xuquudooda miiska saari doonto. Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu u sheegay Ciidamadii uu kula hadlay Xaruntii Xisbiga in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu yahay nin Mileteri ah oo aan moogeyn Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga qudhiisana uu yahay Dhal Mileteri, sidaas darteedna ay kalsooni muujiyaan. Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed oo is-abaabulaya, kuwaasi oo sida uu yiri ay xuquuqdooda xaqiri jireen maamulladii dalka soo maray iyo weliba Maxkamadihii Islaamka oo uu ku eedeeyay in ay necbaayeen saraakiisha Ciidamada iyo dadka aqoonyahannada ah. Waxaa uu ku baaqay in laga joojiyo Siyaasadda dowladda Federaalka xanta ah in ay dowladda dooneyso in ay kaliya hub ka dhigis ku sameyso Magaalada Muqdisho, wuxuuna warkaasi ku tilmaamay kuwo aaney waxba ka jirin, wuxuuna caddeeyay in ay dowladda hub ka dhigista dalka oo dhan ka sameyneyso, balse waxa magaalada Muqdisho loogu soo hormariyay ay tahay iyadoo Muqdisho ay tahay Caasimaddii Dalka oo aan la kala lahayn. Wuxuu ku cel celiyay Ra’iisal Wasaare Geedi in ay Ciidamada u diyaargaroobaan ka qeybqaadashada hub ka dhigista iyo sugidda ammaanka, isagoo xusay in ay dowladdu dhawaan dib u howlgelineyso Saldhigyada Booliska, iyadoo maalintii shalay ahaydna la dhaariyay Xubno ka tirsan Golaha Garsoorka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo iyana howshooda qabsan doona. Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee kaalmeynaya Dowladda Federaalka, isla markaana ay iska iloobaan wixii kala raacay labada ciidan sanado hore, isagoo caddeeyay in ay Ciidamada Itoobiyaanka iyo dowladdoodaba doonayaan in ay wixii horay u dhacay ku bedeshaan derisnimo wanaag iyo walaaltinimo. Sidoo kalena waxaa Ciidamada la hadlay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka qeybqaataan hub ka dhigista maalinta berri ah ay dowladda bilaabeyso, isagoo sheegay in Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa la rabo in ay dadka hubka ka qaataan, kuna ilaaliyaan. Kulankan dhexmaray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalinta berri ah ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiyaanka ay doonayaan in ay Muqdisho ka sameeyaan Hub ka dhigis ka soo gudubtay seddex maalmood oo dadka Muqdisho degan loogu baaqay in hubka iska geeyaan Xarunta Villa Baydhabo iyo Dekeddii hore ee Muqdisho. Ugu dambeyntiina Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tan iyo markii ay bur burtay Dowladdii hore aan helin wax daryeel ah ayaa maanta waxay awoodi waayeen in ay Qudbaddii Mas’uuliyiinta dhegeystaan iyagoo taagan, iyagoo sida sawirka ka muuqda iska fariistay markii ay cabaar taagnaayeen. Xiligii Dowladdii Carta ee uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan ayay heleen xoggaa daryeel ah, intii ka dambeysayna waxaa loo sheegi jiray qudbooyin ballanqaadyo wata oo aan wax loogu qaban, waxaana horay isugu keenay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee Dowladda Federaalka ka tirsanaa xiligii ay Dowladda Federaalka Muqdisho iyo Jowhar kala deganeyd iyo Maxkamadihii Islaamka oo soo xusuustay markii ay dagaalka la gelayeen Ciidamadii Itoobiyaanka ee ka awood roonaaday, maanta oo ugu dambeysayna waxay ballanqaad kale ka heystaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadana la eegi doono waxa ay u qabato. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 6, 2007 Geedi oo ku baraarujinaya ciidamada xoogga dalka in ay ka qeyb qaataan xasilinta dalka Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 6, 2007 Ciidamada dowladda oo si weyn u adkeeyay amaanka xarunta xisbiga Ciidamada Militariga Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wisdom_Seeker Posted January 6, 2007 Deep respect to our veterans. May the fallen ones rest in peace. The children of the same Ethiopian army they fought are roaming the streets of Somalia today, while the children of Somalia are clapping for the Ethiopians. Utter disrespect to these men and what they fought for. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 6, 2007 ^^^Emotive arguments aside, they where roaming Moigadishu past 16 years when women and children where getting massacred and they watched as some criminals tourched the capital and the people killed each other. The time is here for them to support their government, take part in training, of the new generation of Somnali army. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wisdom_Seeker Posted January 6, 2007 Excuse me, but I doubt there were any Ethiopian roaming the streets of Mogadishu for 16 years until the TFW came along. The chaos you speak of were started and flamed by the warlords who are under the protection of the TFG today. Hypo.....hypo.....hypo.....hypocrisy is what you and your kind preach Quote Share this post Link to post Share on other sites