Sign in to follow this  
General Duke

Djabouti delegation in PUNTLAND:aid for Tsunami victims

Recommended Posts

La taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti

oo Maanta soo gaaray Garoowe

 

Wafdi ka socda Jamhuuriyadda Jabbuuti oo uu hogaaminaya la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti Nin lagu magacabo Xaashi Cabdullaahi Qodax ayaa maanta soo gaaray Magaalada Xaruunta u ah Ismaamul Goboleedka Puntland ee Garoowe.

 

Wafdigan oo ay soo dhaweeyen xubno ay ka mid ahaayen wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga Siciid Jaamac Qoorsheel iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdi Cawad ayaa ujeedada socdaalkooda waxay la xiriirta kaalmo dowladda Jabuuti ugu deeqday dadkii waxyeelada ka soo gaartay mowjadihii Badweynta hindiya ka dhashay, deeqdaas oo isugu jirtey cunto oo uu miisaankeedu yahay ilaa 10 tan, waxaana la gaarsiin doonaa dadka soomaaliyed ee dhibaatada ka soo gaartay badda.

 

Caawa ayaa la filaya in ay madaxweynaha Puntland casho sharaf ku qaatan Xaruunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, iyagoo isla soo qaadi doona arrimaha siyaasadda ee dalka soomaaliya.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this