General Duke Posted December 21, 2007 Magaalada Boosaaso oo laga bilaabay dib u habeynta jidadka Last Updated::2007-12-21 19:29:14 Boosaaso(HRNet):- Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta oo Jimce ah laga bilaabay dib u habeyn lagu sameenayo jidadka. Dhismaha iyo dayactirka jidadka ayaa waxaa si weyn looga dareemay isgoyska gaaca ee bartamaha magaalada Boosaaso halkaasi oo ah halbawlaha dhaq dhaqaaqa Boosaaso. Gaadiidka dhismaha iyo qalabka jidadka lagu dayactiro ayaa lagu arkayey jidadka mara wadada Airporka ayadoo halkaasi maanta ay ka socotay hawl aad u balaaran. Duqa cusub ee magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed oo asagu horkacayey dhaq dhaqaaqan cusub ee wax looga qabanayo wadooyinka magaalada Boosaaso oo waayadii danbe noqday kuwo burbur xoogleh uu ka muuqdo. Tilaabadan uu qaaday Guddoomiyaha cusub ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey Shacabka magaalada iyo Ganacsatada, kuwaasi oo sheegay in dhibaato weyn ka heysato wadooyinka magaalada oo noqday kuwo burburku ku raagay. Xassan Ciise HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 21, 2007 Duq Degmada Bosaso C/Risaaq Xareed ayaa waxaa uu Maanta Magaalada Bosaso waxa uu ka bilaabay Howlgal Bosaso:Maanta oo ay ahayd Maalin Jimce ah ayaa waxaa lugu Arkaa yey Wadooyinka Waawayn ee Magaalada Bosaso Ciidamo ku lebisan Darayska Dowlada Hoose ee Mina shiibiyada iyo Shaqaalaha ollalaha Degdega ah oo Gacmaha ku watey Qalabka Qarshinka Wadooyinka lagaga Xaaro. Duqa Degmada Bosaso ahana Gudoomiyaha Golaha Degaanka DegMada Bosaso C/Risaaq Xareed ayaa Maanta Goobjoog ka ahaa wadooyinka ay banaynayaan Ciidanka Dowlada hoose Sidoo Kale waxaa ka mid ahaa wax yaabaha loo adeegsanayey Soo celinta iyo habaynta Wadooyinka Cagaf cagafta oo Caada ka Xaraysey Wadooyinka iyadoo Habenkii Xalay ahaydna uu rushaad Booyada ah Duqu u soo diray. C/Risaaq Xareed oo warbaahinta Dhahar.com si Qaasa uguga waramayey Ollalahan nadaafadeed ee Maanta uu Duqu Goob jooga ka ayahay ayaa waxaa uu sheegay C/Risaaq Xareed inuu Doonayo inuu tan wax badan kaag Bedelo Hanaanka Degmada Bosaso isgoo Shaaca Ka qaaday Xareed inuu Sida ugu Macquulsan Mudo 3 beri gudohooda uu amar ugu Bixiyey in dhamaan kabarada yaala meelaha wadooyinka iyo Cushadaha Foomka aan lahaynba uu amar ku siiyey inay Qadaan Dadka lehi Hadii kale ay Shaqaalaha Dowalada hoose si karaama daro ah ay ugaga Qaadayaan Gacantooda. Si kataba Ha ahaatee waxaa Muuqanayey Maanto oo jimce ahayd olle ka dhan aha Dhamaan Meelaha aan Habaysnayn ee gudaha Magaalada Bosaso iyadoo talaabadani uu Maanta ku Fayliyey Gudoomiyha Golha Deaanka Degmada Bosaso mr Xareed ay Noqoyso talaabadii ugu Baaxada wayneyd ee Tan iyo intii Xilkan loo Magcabay uu ka qabto Gudaha Magaalada Bosas iyadoo uu intaas Sii Raaciyey C/Risaaq Xareed inuu wax badan Qaban doono inta uu Hayo Hogaanka Degmada Bosaso, Maxamed Axmed Ciise Quote Share this post Link to post Share on other sites