Sign in to follow this  
General Duke

Maxamed Ibraahim (Hadraawi) in Garowe Puntland.

Recommended Posts

GAROOWE : Abwaan Maxamed Ibraahim (Hadraawi) oo kulan Nabadayn ah ku qabtay Xarunta Cilmi Baarista Puntland (PDRC) ee Garoowe

Posted to the Web Jan 28, 15:44

 

 

Garoowe:-Waxaa goor dhawayd kulan ballaaran oo ku saabsan Wadatashiga Nabaydaynta Soomaaliya ku qabtay Xarunta Cilmi Baarista Puntland ee (PDRC) Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahim Hadraawi.

 

Kulankan , oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Puntland , Abaawniin iyo qaybaha bulshada kala duwan , ayaa Abwaanku wuxuu ugu horayntii sheegay in imaanshihiisa Puntland uu la xiriiro soo qabashda gacan ku dhiigle soo dilay dhowr qof oo isugu jira 80 Jir 28 Jir iyo 8 Jir.

 

Abwaanka , oo ka hadlay dhibaatada ay leedahay ammaan-darada iyo kala qoqobka ka jira Soomaaliya ayaa sheegay inay u suurtoobi waysay in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglahaasi oo u soo baxsaday dhanka Buuhoodle , isla markaasna soo magangalay reer abtigiis oo hareeraha ka maray oo difaacay.

 

Abwaan Hadraawi , ayaa ka soo sheekeeyay dadaalka dheeraadka ah ee uu ugu jiro Wadatashiga Nabadda , isagoo ka hadlay meelo badan oo uu soo maray oo ka mid ah dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

 

Maxamed Ibraahim (Hadraawi) , wuxuu sheegay in uu xiligaan ku soo talagalin in uu muddo joogo Puntland , oo uu hawshaas gaarka u ah u socday, balse uu ballan qaadayo in uu ku soo laabto muddo 20 cisho gudahood ah.

 

Markaana , uu qaban doono barnaamij ballaaran oo ku wajahan Nabadda iyo sida ugu haboon ee uu isleeyahay waa looga gudbi karaa.

 

Abwaanku , wuxuu sheegay in in badan oo wax laga waydiiyay xalka dalka ee lagu gaari karo Nabadgalyo , wuxuuna sheegay in uu markasta sheegi jiray oo uu ku talin bixin jiray in la riddo maamulada iyo jamhada jiray wakhtigaasi.

 

Isagoo , tusaale u soo qaatay in uu ku taliyay in la riddo Maxamed Siyaad Bare , jabhada SNM iyo Jabhade kale oo xiligaas jiray.

 

Balse , iminka uu garwaaqsaday in wax hala rido ay xal noqon wayday oo muddo dheer ka fakaray xalka uu taasi ku badalanyo , inkastoo uusan goobtii ka sheegin abwaanku wuxuu ku badalay wax hala rido.

 

Intaas kadib , ayaa waxaa la galay dood ku wajahan sida loo heli karo Nabadda , waxaana hadalka qaatay ugu horayntiiba Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland G/sare C/laahi Cali Mire (Carays).

 

Carays , wuxuu eedeeyay in ay masuuliyadooda ay ka soo bixi waayeen dadka Ummadda matala , taa soo uu ku sheegay fulinaynimo , waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Wuxuu sheegay , Taliyhu in uu ku guulaystay si geesinimo ku jirto in Maxaabiis ay iswaydaarsadeen Maamulada Puntland iyo S/land , oo uu sheegay in uu u bareeray.

 

Dhammaan , dadkii ka soo qayb galay kulanka ku aadan dhanka Nabada , ayaa soo jeediyay in la sii badiyo kulamadan noocaan oo kale ah , oo Abwaankana uu muddo dheer sii joogo Puntland marka uu soo laabto.

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this