General Duke Posted January 28, 2006 GAROOWE : Abwaan Maxamed Ibraahim (Hadraawi) oo kulan Nabadayn ah ku qabtay Xarunta Cilmi Baarista Puntland (PDRC) ee Garoowe Posted to the Web Jan 28, 15:44 Garoowe:-Waxaa goor dhawayd kulan ballaaran oo ku saabsan Wadatashiga Nabaydaynta Soomaaliya ku qabtay Xarunta Cilmi Baarista Puntland ee (PDRC) Abwaanka Caanka ah ee Maxamed Ibraahim Hadraawi. Kulankan , oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta Puntland , Abaawniin iyo qaybaha bulshada kala duwan , ayaa Abwaanku wuxuu ugu horayntii sheegay in imaanshihiisa Puntland uu la xiriiro soo qabashda gacan ku dhiigle soo dilay dhowr qof oo isugu jira 80 Jir 28 Jir iyo 8 Jir. Abwaanka , oo ka hadlay dhibaatada ay leedahay ammaan-darada iyo kala qoqobka ka jira Soomaaliya ayaa sheegay inay u suurtoobi waysay in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglahaasi oo u soo baxsaday dhanka Buuhoodle , isla markaasna soo magangalay reer abtigiis oo hareeraha ka maray oo difaacay. Abwaan Hadraawi , ayaa ka soo sheekeeyay dadaalka dheeraadka ah ee uu ugu jiro Wadatashiga Nabadda , isagoo ka hadlay meelo badan oo uu soo maray oo ka mid ah dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Maxamed Ibraahim (Hadraawi) , wuxuu sheegay in uu xiligaan ku soo talagalin in uu muddo joogo Puntland , oo uu hawshaas gaarka u ah u socday, balse uu ballan qaadayo in uu ku soo laabto muddo 20 cisho gudahood ah. Markaana , uu qaban doono barnaamij ballaaran oo ku wajahan Nabadda iyo sida ugu haboon ee uu isleeyahay waa looga gudbi karaa. Abwaanku , wuxuu sheegay in in badan oo wax laga waydiiyay xalka dalka ee lagu gaari karo Nabadgalyo , wuxuuna sheegay in uu markasta sheegi jiray oo uu ku talin bixin jiray in la riddo maamulada iyo jamhada jiray wakhtigaasi. Isagoo , tusaale u soo qaatay in uu ku taliyay in la riddo Maxamed Siyaad Bare , jabhada SNM iyo Jabhade kale oo xiligaas jiray. Balse , iminka uu garwaaqsaday in wax hala rido ay xal noqon wayday oo muddo dheer ka fakaray xalka uu taasi ku badalanyo , inkastoo uusan goobtii ka sheegin abwaanku wuxuu ku badalay wax hala rido. Intaas kadib , ayaa waxaa la galay dood ku wajahan sida loo heli karo Nabadda , waxaana hadalka qaatay ugu horayntiiba Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland G/sare C/laahi Cali Mire (Carays). Carays , wuxuu eedeeyay in ay masuuliyadooda ay ka soo bixi waayeen dadka Ummadda matala , taa soo uu ku sheegay fulinaynimo , waa siduu hadalka u dhigaye. Wuxuu sheegay , Taliyhu in uu ku guulaystay si geesinimo ku jirto in Maxaabiis ay iswaydaarsadeen Maamulada Puntland iyo S/land , oo uu sheegay in uu u bareeray. Dhammaan , dadkii ka soo qayb galay kulanka ku aadan dhanka Nabada , ayaa soo jeediyay in la sii badiyo kulamadan noocaan oo kale ah , oo Abwaankana uu muddo dheer sii joogo Puntland marka uu soo laabto. Axmed C/salaam Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya Contacts:loole25@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites