General Duke Posted November 20, 2008 Nayroobi: Dawladda Kenya oo ciidamo fara badan keeneysa dalka Soomaaliya...Warbixin kooban. 19. november 2008 Nayroobi(AllPuntland)- Hogaanka sarre ee dawladda Kenya ayaa go'aansaday in ay dalka Soomaaliya galiyaan ciidamo fara badan oo ka tirsan ciidamada qalabka Sida & Kuwa sida gaarka ah utababaran ee dalkaasi Kenya, si ay utaageeraan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay dawladda Soomaaliya ubaahan tahay ciidamo si daacad ah ula shaqeeyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, markaasna ay awooda dawladda Kenya markan geyneyso gudaha Soomaaliya. Ciidamadan la geynayo gudaha Soomaaliya ayaa qeyb ka noqonaya ciidamada badalaya kuwa Itoobiya oo goor horeba baneeyey qaar ka mid ah fariisimihii ay horey ugu sugnaayeen. Madaxweynaha Kenya Mwai Kibeki ayaa amar deg deg ah siiyay Taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya & Wasiirka gaashaandhiga wuxuuna ku amray in ay deg deg ku diyaariyaan cutubyo ka tirsan ciidamada dawladda Kenya oo la geyn doono dalka Soomaaliya. Dawladda Kenya ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ku dhow dhow, waxa ayna ciidamadoodu noqonayaan kuwa lawareega Awooda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, markaasna meesha ka saara awooda Kooxaha unugyada ah ee ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa horey Kenya uga codsatay in ay tababar ufidiso ciidamo dhan 10,000 oo Askari kuwasoo ah ciidamada qalabka sida ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana hada socda qorshe loogu diyaargaroobaya talaabadaasi. Warkan ka soo baxay dawladda Kenya ayaa dhabar jab weyn ku ah hadal ka soo yeeray Wasiirka arimaha dibada ee dawladda Itoobiya, kaasoo uu ku sheegay in ay IGAD dhabarka ujeedin doonaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana Kenya ay sheegtay in ay Soomaaliya ubaahan tahay cudud milateri oo daacad ah. Horey ciidamada Milateriga ee dawladda Itoobiya ayaa loogu eedeeyey in aysan si daacad ah ula shaqeyn dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wixii ka dambeeyey markii dalka Soomaaliya ay ka saareen Hogaankii Maxamadaha oo markaasi gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya intooda badan gacanta ku hayay. Ragii ugu sareeyey ciidamada dawladda Itoobiya ee ku sugnaa dalka Soomaaliya ayaa lugu eedaynayay todobaadyadii ugu dambeeyey in ay xiriir la yeesheen qaar ka mid ah Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayna ka biyo diideen amaro uga yimid Madaxda sare ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites