Jacaylbaro Posted February 2, 2010 Magaalada Hargaysa waxaa galabta ka dhoofay wafti balaadhan oo ka socday Qurba joogta reer Ceegaag, waftigaasi oo mudooyinkii ugu danbeeyey kusugnaa Degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda kulamo kala duwana la yeeshay Dhamaan laamaha bulshada reer Ceegaag. Waftigani ayaa waxaan hogaaminayay Eng. Axmed Hassan Cumar (Axmed Jeesaani) waxaana uu markii garoonka diyaaraha galabta ka dhoofayay u sheegay Shabakada wararka ee Ceegaag online inay magaalada Ceegaag bishan gudaheeda laga bilaabayo barmaamij ku saabsan qurxinta bilicda magaalada Ceegaag isagoo intaa ku daray in laga dhisayo taalooyin Qurux badan oo kuyaala bartamaha Degmada Ceegaag iyo wadooyinka kala soo galo si bilicda degmada ceegaag oo ka kooban labo xaafadood oo Waa wayn kor loogu qaado. Eng. Axmed Jeesaani waxa kaloo uu Ceegaag Online u sheegay inay dhinacyada arimaha bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo isboortiga ay dhamaantood wax ka Qabanayaan isagoo ugu baaqay Jaaliyada beesha reer ceegaag inay u soo jeestaan wadankooda waxaana uu intaasi raaciyey in guud ahaanba labada xaafadood ee Degmada Ceegaag ay ka socdaan dhismayaal muhiim ah. Ugu danbaytii waftigani oo mudooyinkii ugu danbeeyey kusugnaa magaalada Ceegaag ayaa aad u indho indheeyay amase kormeer kumaray labada xaafadood ee magaaladu ka koobantahay iyagoo kula kulmay waxgaradka iyo dadka magaalada ceegaag kalana hadleen dhinacyada horumarinta magaalada Ceegaag iyo arimaha nabad galiyada. Quote Share this post Link to post Share on other sites