Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: Huuraale's thugs place roadblocks at every corner

Recommended Posts

Isbaarooyin la dhigay dariiqyada magaallada Kismaayo iyo adeega oo taagan

 

Kismaayo (WNT)-Waxa dariiq kasta la dhigay isbaaro malayshiyaadka magaalada Kismaayo gacanta ku hayaa ay ku baarayaan dadka deegaanka waxaana guud ahaan istaagay isu socodka gaadiidka magaalada ka shaqeeya.

Waxaa sidaas oo kale irdaha loo laabay gancasigii magaallada sida dukaamada iyo bakhaarada iyadoo nin walbaa ka cabsi qabo in malayshiyaadkaasi ka boobaan xoolihiisa.

Arintaa ayaa yimid ka dib markii malayshiyo beeleedkaan magaalada mudada haystay ay u kala jabeen laba kooxood,oo midna midna kale aysan arki Karin waxaana qolo weliba isbaaro dhigtay meesha ay soo gaartay.

Xilbaan Barre Hiiraale oo isagu maalmihii uhu danbeeyey ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa sida lagu soo waramayo isku deyey isku dubarido oo mideeyo malayshiyaadkan hase ahaatee arintaasi waxaa ay u muuqataa mid aan shaqayn,iyadoo dhibka ugu weyn ay la kulmayaan dadka deegaanka Kismaayo oo iyaga 9kii sano ee ugu danbeeyey xoog lagu haystay.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la weeray malayshaadkii dooxada Juba 23kii bishii ay ka soo gudubnay iyagoo meesha ka saaray maamul aan tabar lahayn oo dawlada FS halkaasi ka samaysay,waxaana wixii intaasi ka danbeeyey magaallada ku dhintay dad kor u dhaafaya ilaa 100 ruux oo haybtooda loo dilay.

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Haye, Dukoow, ninkan soo taad oran jirtey waa great Defence Minister, goormuu Huuraale noqdey smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

M-ooryaan min Boosaaso ilaa Kismaayo meel aysan daadsanayn majirto. Alle haynaga qabto shartooda.

 

Duke, why is it that Kismaayo warrants such an attack from few Puntland based websites while you have kept quiet about the disintegration of law and order in Puntland?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Dadweynaha Kismaayo oo cabasho ka muujinaya amaan La'aanta Magaalada & Isbaarooyinka yaala gudaha Magaaladaasi.

13. maj 2008

 

Kismaayo(AllPuntland)- Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose oo aysan ka talin dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa dadka ku dhaqan waxa ay cabasho xoog leh ka muujinayaan Amaan La'aanta ka jirta Magaaladaasi.

 

Kumanaan dad ah oo iskugu tagaya Goobaha ay dadku ku falanqeeyaan xaaladaha Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ayaa siweyn waxa ay ugaga hadlayaan xaaladaha amaan ee Magaalada Kismaayo & Wadooyinka uxiran Kooxaha Maleeshiyaadkaa.

 

Odayaal Iskood isku taagay iskuna dayay Qaadida Isbaarooyinkan ayaa ku guuldareystay waxaana soo baxaya in ay Kooxahan Isbaarooyinka dhigtay sheegayaan in ay meelahaasi ay ku sii heynayaan Isbaarooyinkooda.

 

Odayaashan ayaa walaac ka qaba dhibaatooyin amaan daro oo ka dhaca meelo ka mid ah Magaalada Kismaayo hadii ay dhacaan Iska horimaadyo dhexmaraya Kooxaha Magaalada Kismaayo gacanta ku haya & Kooxahan hubeysan.

 

Gaadiidka Magaaladaasi galaya ayaa laga qaadayaa Lacago kala duwan oo ay kala qaadayaan Labo Maleeshiyo beeleed oo ka soo wada jeeda Halka Beel ee Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose gacanta ku heysa.

 

Guryo dhowr ah oo kuyaala Magaalada Kismaayo ayaa habeenkii xalay ahaa Kooxo hubeysan gudaha uagleen ,waxa ayna ka qaateen Alaabooyin kala duwan ,inkastoo ay geysteen Falal ka soo horjeeda Xuquuqda Aadanaha.

 

Lama ogaan karo meel xaal ku dambeyn doono ,waxaana soo conaya dadaalo ay markale isku dayayaan Odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose oo Sannadahan ay ku soo badanayeen falal noocaan oo kale ah.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this