Sign in to follow this  
General Duke

Prof Dalxa strikes back I am the speaker of Parliment

Recommended Posts

Prof. Dhalxa "Aniga ayaa ah Ku simaha sharciga ee Gudoomiyaha Baarlamaanka, shaqadeyda wan sii wadanaa

 

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa shaaca ka qaaday inuu isagu yahay Ku simaha sharciga ee Gudoomiyaha Baarlamaanka, kadib markii ay is casileen Gudoomiyihii iyo Kuxigeenkii 2aad.

 

Prof. Dhalxa ayaa sheegay inuu sii heynayo shaqadiisa, maadaama aysan jirin cid isaga casishay, waxaana uu cadeeyay in Gudoomiyihii iyo kuxigeenkii labaad ay is wada casilee.

 

Isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay Prof. Dhalxa inuu sii wadayo howsha Gudoonka Baarlamaanka, waxaana uu ku booriyay xildhibaanada Baarlamaanka in ay joojiyaan buuqa iyo fowdada.

 

"Aniga wali howsheydii ayaan sii wadanayaa, waxaan ahay Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ee sharciga ah"ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo sheegay in Madaxweyne Shariif hadii sharci ahaan loo eego uu ku qaldanaa kala diristii Xukuumada, maadaama aan Baarlamaanka loo soo marin.

 

Inkastoo aan la ogeyn sida Xubnaha Baarlamaanka ka yeelayaan ku adkeysashada Prof. Dhalxa ee xilkiisa, ayaa hadana waxay maanta Xildhibaanadu doorteen Gudoomiye KMG ah oo sii wada howsha Baarlamaanka tan iyo inta Gudoon laga dooranayo.

 

Khilaafka ka bilowday Gudoonka Baarlamaanka ayaa ah mid ka sii weecinaya halkii lagu uu ku wajahnaa, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha haatan u muuqdaan kuwo uu si guud u saameeyay khilaafkaas, kadib markii uu maanta Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid uu diiday in xukuumadiisa la kala diray.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sharif's own friends are now supporting their PM, and their position.

 

I hear its Jurile or Mohamed Abdirizaq for PM. This is getting worse.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this