RedSea Posted February 3, 2009 Bangi Faransiiska Laga Leeyahay Oo Somaliland Laga Furay “Waxaanu goor walba dhiirigelinaynaa in shirkadaha faransiisku Somaliland yimaadaan oo ay maal gashadaan” Thierry Choinier “Ganacsigu haddaanu Baan Caalami Ah helin ma kobco, Mana Jiro Muwaadin Ruqsad Bangi Loo Diiday” Wasiirka Maaliyadda Hargeysa, February 2, 2009 (Haatuf) – Baan Faransiis ah oo magaciisa la yidhaahdo Baanka Ganacsiga Iyo Wershadaynta (BCIMR) oo xaruntiisu tahay dalka Djibouti ayaa shalay markii ugu horeysay xadhigga laga jaray xafiis uu ku yeelanayo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaas oo ganacsatada wadaniga ah u sahli doona inay ka furtaan nidaamka LC-ga ee la yidhaahdo ee ganacsiga dunida wax lagu kala iibsado. Xaflad si ballaadhan loo soo agaasimay oo loogu talo-galay munaasibadda furitaanka xafiiska Baankani ku yeelanayo Somaliland, ayaa shalay lagu qabtay isla dhismaha xafiiskaas, taas oo ay ka soo qayb-galay wefti ka socda Safaaradda Faransiisku ku leeyahay Djibouti oo uu hoggaaminayo Xoghayaha 1aad ee Safaaraddaas, Mr. Thierry Choinier oo isagu xadhigga ka jaray xafiiska Baanka BCIMR ka furtay Hargeysa. Waxa kale oo xafladdaas ka soo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, Baanka Dhexe ee Dawladda, Ganacsatada waaweyn, Rugta Ganacsiga, ururada wadaniga ah, iyo marti-sharaf kale oo badan. Waxa kale oo isna xafladaas goob-joog ka ahaa La-taliyaha Xafiiska Somaliland ku leedahay Dalka Faransiiska Yuusuf Kaariye. Masuuliyiinta Baanka BCIMR waxay munaasibaddaas ka sheegeen in xafiiska ay Hargeysa ka furteen yahay wejigii hore ee qorshe ay Baankooda ku soo dejinayaan Somaliland, isla markaana ay ugu talo-galeen inay wejiga hore u qabtaan ganacsatada Somaliland adeegyada uu ka mid yahay nidaamka LC-ga oo ganacsatada u sahli doona inay badeecadahooda caalamka kaga soo iibsadaan, iyagoo dhinaca kalena xusay in haddii uu wejigan hore guulaysto ay wejiga dambe ku soo dhammaystiri doonaan dhammaan adeegyada Baan caalami ah qabto. Agaasimaha Baanka BCIMR ee Djibouti, Ould Amar Yahya oo munaasibaddaas ka hadlay ayaa sheegay in baankan oo ka mid ah koox Baanan Faransiis ahi uu ka mid yahay kuwa ugu caansan Yurub, isla markaana xarumo ku leh 71 dal daafaha dunida ku yaal, isagoo xusay in Baanka BCIMR oo sannadkii 1954 laga bilaabay dalka Djibouti uu yahay kan ugu weyn Mandaqadda Geeska Afrika, kaas oo uu sheegay inuu kontonkii sannadood ee u dambeeyay door weyn ka qaatay horumarka dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha Mandaqadda Geeska Afrika. Waxa kale oo uu Mr. Yaxya sheegay in ganacsatada Somaliland iyo Baanka BCIMR ee Djibouti uu marka horeba ka dhexeeyay xidhiidh, Baankani-na uu ahaa mid ay ganacsatada reer Somaliland ku tiirsato isna garab u ahaa, sidaas darteed furashada xafiiskooda Somaliland-na ay ganacsatada Somaliland ku dhiiri-gelin doonto sidii ay ganacsatada Somaliland uga qayb-gali lahaayeen horumarka dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka iyo Caalamkaba. “Sidaad ogtihiin muddo dheer baanu soo wadnay hawshan, halkan aanu maanta furayno waxay ina tusaysaa in wax la taaban karo aanu wadankan keenay, oo maanta waanu soo dhaafnay goormaa la tagayaa, maxaa la qabanayaa, maantase waa nagan joogna oo waxaanu dhaqaajinay qaybtii u horeysay ee Baankan, waanuna ku faraxsanahay” ayuu yidhi Mr. Yaxya oo ay warbaahintu weydiisay tallaabada ay qaadeen ilaa hadda heerka ay gaadhsiisan tahay, waxaanu sheegay in ganacsatada Somaliland yihiin dad ku firfircoon ganacsiga oo ay ku faraxsan yihiin la shaqayntooda, waxaanu yidhi: “Ganacsatada Somaliland waa dad had iyo goor baayac-mushtarka u jajaban oo khibrad dheeraad ah u leh, waanuna ku faraxsanahay inaanu la shaqayno waayo, baayac-mushtarku xuduud malaha.” Agaasimaha Baanka BCIMR, Mr. Yaxya oo la weydiiyay inta ay le’eg tahay xadigga maalgelinta ay ugu talo-galeen inuu Baankani ku sameeyo Somaliland, ayaa yidhi: “Waad ogtihiin in ganacsato waaweyn oo reer Jabuuti ahi ay suuqa Somaliland ku jiraan, kuwaas oo ah macaamiishayadii, kuwa cusub oo reer Somaliland ahina inay ku soo biiraan, aad baanu u jecelnahay, waxaanu doonaynaa inaanu ka faa’iidaysano waxyaabaha aanu hore caadada ugu lahayn, ganacsataduna ka faa’iidaystaan Baan weyn oo horumariya dhaqaalahooda oo kolayba waa kuwan baayacmushtarka la leh Dubia iyo Ethiopia, si aanu annaguna wax ugala qabano sidii ay baayacmushtarka mandaqada qayb wanaagsan uga qaadan lahaayeen oo ay xoog ku yeeshaan dhankasta ha noqotee. Mida kale waxaanu is leenahay talaabadani waxay horumarin kartaa Somaliland, maadaama oo aanu halkan soo degmay waxaa suurta-gal ah inay na daba socon doonaan sanduuqyo badan oo Baanka Aduunku ka mid yahay, Baanka Yurub, Baanka Faransiiska ee horumarinta iyo qaar badan oo kale oo aanu filayno inay naga daba iman doonaan, taas oo ka qayb-qaadan doonta horumarinta baayacmushtarka ah Somaliland.” Mr. Yaxya oo la weydiiyay inuu xidhiidh ka dhexeeyo Baanka Dhexe ee dawladda ayaa sheegay in xidhiidhka hadda ka dhexeeyaa uu yahay mid wanaagsan, isla markaana uu Baanka Somaliland yahay ka u suurto-geliyay inay Somaliland soo degaan. Mar la weydiiyay Agaasimaha Baanka BCIMR waxa ay ku aamineen Somaliland maadaama oo aanu ahayn dal aqoonsi caalami ah haysta, ayaa waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi: “Anagu waxaanu nahay Baan gaar loo leeyahay, ganacsiguna xuduud ma leh, Baankayaguna waa mid aad u balaadhan oo 71 wadan ayuu aduunka joogaa, waxaanuna saxeexnay sharciyada Baananka Caalamka oo aanu ku shaqaynaynaa.” Ugu dambeyntii Mr. Yaxya oo la weydiiyay su’aal ahayd “Dadka doonaya inay Baankiina lacag dhigtaan Maxay tahay waxa laydinku aaminayaa?” waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi: “Horta aduunyada wax waliba mar bay dhashaan qofku markuu dhasho waad aragtay inta marxaladood ee uu soo maro, markaa maanta qaybta Baankan ee aanu furaynaa waa xafiiska wakiilka naga noqonaya, dadkana toos maaliyad loogama qabanayo, horta wuxuu ilaalinayaa baayacmushtarka oo uu la soconayaa, kolkaa wejiga hore haddii uu noqdo mid lagu kalsoonaado oo aanu aragno xoogga baayacmushtarka aanu qabanayno, marka waxaanu ku dhaqaaqaynaa wejiga labaad oo ah inaanu furno baanankii la yaqaanay ee macaamiisha tooska wax ula galayey ee damaanada lahaa iyo sharciyada.” Dhinaca kale, Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Faransiisku ku leeyahay Djibouti, ahna madaxa wefti ka socday Safaaradaas oo muddo dhawr maalmood ah socdaal ku joogay Somaliland, Mr. Thierry Choinier ayaa sheegay in furitaanka xafiiska Baanka BCIMR ka furtay Somaliland ay ka mid tahay tallaabooyinka lagu xoojinayo xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo France, isagoo dhinaca kalena sheegay in socdaalkoodan ugu dambeeyay qayb ka ahaa sidii ay uga qayb-geli lahaayeen munaasibaddan furitaanka xafiiska Baanka BCIMR ee Hargeysa. Mar la weydiiyay in ay dawladda Faransiisku isku dayday inay wax ka qabato qadiyadda Ictiraafka Somaliland muddadii ugu dambeysay ee ay xilka Gudoomiyaha haysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxa uu Mr. Thierry kaga jawaabay su’aashaas oo uu yidhi: “Qadiyadda Somaliland waa mid iskeed iskaga talaabsanaysa, iyadoo ay dawladda Somaliland qudheeduna dedaal badan samaysay, waxaanad ogtahay in ay arrintani ay khuseyso Midowga Afrika oo ay tahay isagu inuu arrinta Somaliland ka midho dhaliyo. Annagu [France] arrinta qadiyadda ictiraafka Somaliland waxaanu kala mid nahay dawladaha Caalamka gaar ahaan kuwo Midowga Yurub, markaa taasi anaga si gaar ah nooma taabanayso, dawladahaas uun baanu ku jirnaa oo isku mawqif kala nahay. Dhinaca xidhiidhka Somaliland iyo Faransiisku, safaaradayada Djibouti saddex meelood bay xoojinta xidhiidhka labada dal ka soo gashaa, waa ta koowaade, socdaal joogto ah oo aanu halkan ku nimaadno, ta labaad waxaa weeye xaga dhaqanka oo aanu doonayno afka Faransiiska in aanu dalka ka hirgalino si loogaga hadlo Somaliland, taasi waxaanu ka hirgelinay in la sameeyo meel yar oo Franfort Space la yidhaahdo oo aanu kala kaashanay urur yar oo wadani ah. Ta saddexaad ee muhiimka ahi waa tan aynu maanta halkan u joogno oo ah mid la xidhiidha arimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda, waxaananu goor walba dhiirigelinaynaa in shirkadaha faransiisku Somaliland yimaadaan oo ay maal gashadaan.” Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cawil Cali Ducaale oo ay warbaahintu wax ka weydiisay furitaankii Baanka BCIMR ee Somaliland, ayaa sheegay inay wasaaradda Maaliyaddu qayb weyn ka qaadatay sidii ganacsatada reer Somaliland u heli lahayd Baan, kaas oo uu BCIMR noqday kii ugu horeeyay ee Baan Caalami ah ee dalka xafiis ka furta. “Ganacsigu haddii aanu Baan helin ma kobco, aduunka waxa baayacmushtarku ku nool yihiin ee ay ku kobcaan waa baananka ay xidhiidhka la leeyihiin ee ay deynka ka qaadanayaan, isla markaana LC-ga ka furanayaan. Baankani waa mid culus oo Faransiis ah, annaguna wasaarad Maaliyad ahaan intii tamartayada ahayd waanu ka galnay sidii loo heli lahaa Baan Caalami ah oo dunida laga yaqaano,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland, waxaanu mahadnaq u jeediyay dawladda Djibouti oo uu sheegay inay gacan weyn ka geysatay ku qancinta Baankani inuu soo dego Somaliland. Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay in Baankani wax damaanad ama keyd lacageed ah ay ka hayaan, ayaa waxa uu yidhi: “Baananku markay dal yimaadaan waxay had iyo goor tusaan wax la yidhaahdo deposit protection fund, oo ah qofka wax dhiganaya muxuu damaanad haystaa, haddii Baanku kaco maxaa damaanad ah, taas weeye ta keenaysaa aaminaada, taas waanu aragnay lacagta damaanada (pretecion) u ah inaan ninka lacag dhigtaa haddii Baanku kaco dhibaato u imanin oo lacagtaasi meel gaar ah ku xidhan tahay oo dadka oo dhan damaanad u noqonaysa waanu ka shaqaynay waana damaanad rasmi ah.” “Ninka muwaadinka ah ee Baan furanaya marna looma diidi karo, waana xaqiiq taasi oo waa dalkiisii, in sharcigii dib u dhigo mooyee, waayo sharci Baananka ah ayaan inoo oolin, haddii aan sharcigii la samayna wax badan baa kharibmi kara, Baanka wadaniga ah waa in sharcigii u yaallaa, waa inuu u yaallaa dadka lacagta dhiganaya damaanadoodii, oo waa inuu sharci ku yaal, iyagana waa la qorayaa oo cid loo diidayaa ma jirto, haddii uu shuruudihii Baanka ka soo baxo oo baan hufan oo dadka lacagtooda lagu aamini karo noqdo,” ayuu mar kale yidhi wasiirka Maaliyadda oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay sababta muwaadiniinta loogu diiday ruqsad Baan ay ku furaan karaan. wax badan baa jira oo sahrciga waafaqsan. Mar wasiir Cawil la weydiiyay su’aal la xidhiidha labada qiime ee sharrif doollarka ee ay Baanka Dawladda iyo Suuqu ku kala sarrifaan saameynta uu ku yeelan karo Baankan, ayaa waxa uu Mr. Cawil isagoo arrintaas ka jawaabaya yidhi: “Dad badan baa iweydiiyey waa maxay labadan qiime adduunkaba kama jiraane? Mushkilada meesha taallaa waxa weeye, ganacsigeenu markuu Berbera ka soo dego waxa lagaga cashuuraa 3500, markuu baanan tago waa kun iyo dheeraad markaa ninka baayacmushtarka ahaa macaash badan ba ugu jira, xukuumadii Cigaal marba laysku diiday in la simo labada qiime buq badan ba ka dhashay, baqdinta imika na haysaa waxa weeye haddii la simo armaa ninka sarif keenayaa isna laba-laab siiyaa ganacsatadeenuna muddadaa aan joogay waan arkayoo way cadhoodaan markaa markay cadhoodan haddii ay yidhaahdaan dawladii kor u qaaday qiimihii oo ay bariiskuu sadex laab ka dhigaan dhirbaaxay ku noqonaysaa dawladuna markay talaabadan oo kale qaadayso waa may dhaqaale u haysaa, oo aad bariiskii haysaa. Ta labaad ajnabiga waxaanu ku nidhaahnaa ninkan doollarka la yimid isagaa leh, oo adhiguu diraa, waxa nafis u ah intaa yar ee aanu ka dhignay, haddii an idhaahdo lix kun ku bixi waa inan baanka ugu hayaa lacag doollar ah oo xaraasho, laakiin ninkii oo doollarkiisii suuqa ka iibsanaysa oo adhigiisii diraya hadaan waxoogaa nafis ah la siinin dadkii uun baanu isku soo noqonaynaa, markaa waxaanu ajnabiga ku qancinaa illaa aanu adkaano sidaas ayaanu ku wadaynaa ee naga aqbala. Haatuf Quote Share this post Link to post Share on other sites
Koora-Tuunshe Posted February 3, 2009 Good news for the economy whether to raise a capital or manage. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted February 3, 2009 any pics Quote Share this post Link to post Share on other sites