Sign in to follow this  
Liibaan

Laas Caanood: Isgaadhsiintii Oo Lasiidaayay Kadib Kacdoonkii Shalay

Recommended Posts

Liibaan   

Isgaadhsiintii Oo Lasiidaayay Kadib Kacdoonkii Shalay

 

News {lascaanood}7-02-10 Maamulka la baxay Somaliland ayaa xabsiyada Laascaanood kabuuxisay Culimaa’udiin iyo Arday waxkabaranaysay Iskuulada iyo malcaamadaha magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool waxayna tani dhalisay in kacdoon xoogan ay sameeyaan shacabka magaalada

 

 

Macalimiin iyo dadweyne kale oo dumar iyo caruur u badan ayaa ayaa bilaabay Banaan baxa kadib markii uu soo baxay wararka sheegaya in la xidhay qaar ka mid ah macalimiinta Diinta ee Magaalada Laascaanood.

 

Xaalada Magaalada ayaa Kacsanayd tan iyo saaka ilaa xalay markuu bilaabmay banaan baxu iyadoo Wadooyinka Waaweyn ee magaalada Qaarkood xidhmayn waxaana bandow lagu soo rogay laascaanood hadhkii galay ee shalay .

 

taniyo barqadii ilaa casarkii may jirin cid maraysay wadooyinka laascaanood oo jidh dil iyo xadhig ayaa laysugu darayay hase ahaatee xalay ayaa arintu is badashay kolkii ay jabaqdu go'day

 

banaaanbixii shalay iyo kacdoonkii dadweyne wuxuu dhaliyay in magaalada oo go'doon dhanka isgaadhsiinta ah ku jirtay saaka albaabada loo furo goobihii telefoonada iyo internet-dada

 

Dadweynaha yaa taayiro ku gubay wadooyinka iyagoo Quraarado iyo dhagxaan la eeganayey ciidamada Amniga, waxana magaalada laga maqlayey Rasaas badan oo ciidamadu kor u ridayaan

 

Banaan Baxayaasha ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Somaliland iyo joogitaankooda Magaalada Laascaanood

 

Widhwidh Online News Desk..Media center...Xafiiska Laascaanoood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this