Jacaylbaro Posted August 29, 2007 Hargaysa (Qaran)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta si toos ah u aqbalay natiijadii codaynta ee ay shalay golaha wakiiladu cod diimo ah ugu codeeyeen laba xubnood oo ka mid ahaa gudida cusub ee gudida doorashada ee Somaliland, gudidani oo hore loo ansixiyay shan ka mid ah ayaa baarlmaanku uu reebay laba xubnood oo iyagu ka gudbi kari waayay u codayntii loo qaaday laba jeer, taasi oo ay Baarlamaanku ay ku sababeeyeen reebistooda xaga da'adooda oo weyn kana weyn intii la rabay. Labadan xubnood oo ay soo magacaabeen golaha guurtidu, ayaa warar rasmi ah oo aanu goor dhawayd helany noo xaqiijiyeen in uu madaxweyne Rayaale warqad deg deg ah u qoray golaha guurtida taasi oo uu kaga codsanaayo in ay dib u soo magcaabaan laba xubnood oo kale oo markale la hor geeyo golaha wakiilada si ay si deg deg ah iyana ugu codeeyaan si ay hawshooda u gutaan, loona gudo galo hawlaha loo igmaday gudidani cusb ee doorashooyinka. Sida ay sheegayaan wararkaasi aanu helany goor dhawayd ayaa noo xaqiijiyay in madaxweyne Rayaale uu qoraalkiisaasi ku lifaaqay shuruudaha looga baahnyahay golaha guurtida in ay ku soo xulaan xubanahii iyaga uga mid noqon lahaa gudiga doorashooyinka, kuwaasi oo badalkooda noqon doona kuwani ay baarlamaanku soo celiyeen labada jeer. Shanta xubnood ee hore loo ansaxiyay ayaa ka kala socday xubnihii ay dawladu soo magacawday, iyo xubnihii ay soo magcaabeen xisbiyada mucaaridka ee Kulmiye iyo UCID. Siad ay doontaba ha ahaatee arintan ayaa soo afjartay khilaaf mud soo jiitamaayay oo u dhaxeeyay golayaasha Somaliland, tani oo maanta la sugaayo golaha guurtidu in ay soo badalaan labadan xubnood ee shalay dib loogu celiayay mar labaadkii oo isla maanta ay xukumadu aqbashay najiidaasi taasi oo xisbiga UCID, uu isla shalayba aqbalay natiijadaasi, isla markaasina ay soo dhaweeyeen, Dhanka kalena ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ilaa hada xaga xukumada Somaliland oo ku saabsan soo dhawaynta natiijadaasi, hase ahaatee warkan ayaa aanu ka helnay ilo la isku halayn karo oo mihiim ah, kuwaasi oo sheegaaya in Rayaale aqabalay soona dhaweeyay codkii golaha wakiilada, isla markaasina guurtidu soo xushaan laba xubnood oo kale. Qarannews Quote Share this post Link to post Share on other sites