Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Another Invension ?????

Recommended Posts

Warar kala gedisan oo diblomaasiyadeed ayaa ku waramay in labada bil ee soo aadan wadanka soomaaliya ay galeyso xaalad wajiyo kale leh,taasi oo laga dareemi doono guud ahaan saxafaadda caalamka iyo tan gudaha,iyadoo wararka qaar carabka ku dhufteen in dalka soomaaliya ay ku soo fool leedahay fargelimo shisheeye taasi oo la doonayo in laga taqaluso kooxaha nabad diidka iyop xagjirnimadda isku darsadey ee caadeystey in ay dhibaato toos ah ku hayaan shacabka soomaaliyeed.

 

Diblomaasiyiinta ayaa sheegaya in xaalada la galayo ay tahay faragalin caalami ah oo ka timaada caalamka gaar ahaan dawladaha daneeyo Arrimaha wadanka soomaaliya,kuwaasi oo si weyn u tageersan dawladda midnimo qaran ee soomaaliya kuwasi o horey u sheegey in aysan u dulqadaan doonin weerarada kooxaha xagjir ka ahi ku hayaan dawlada midnimo qaran ee soomaaliya iyo waliba shacabka soomaaliyeed ayna ka qaadi doonaan taalo wax ku ool ah taasi oo loga taqalusi doono kooxahasi.

 

Kulamo ay maalmahan lahaayeen saraakil Mareykan , Engiriis , Jabuuti , France ,Ethipian, iyo Kenya oo ka socday dalka Jabuuti ayaa lagu gorfeeyey xaalada dalka iyo isbadalka ku yimid xaalada soomaliya iyo dhul balaarsiga xoogaga mucaaradka. Dawladahana ayaa ah kuwo si weyn uga soo horjeeda is balaadhinta xoogaga mucaaradka ah ee ku fidiya gudaha dalka soomaaliya,kuwaasi oo raba in ay xoog ku maquuniyaan dawlada midnimo qaran ee soomaaliya.

 

Kulamadaas ayaa wararka diblumaasiyadeed waxa ay sheegayaan in lagu go'aamiyey faragalin caalami ah oo lagu sameeyo wadanka soomaaliya,waxaana ay xaalada soo shaac baxday markii sirdoonka Mareykanka ay saaka sheegen in dagaalyahano shisheeye ay ku sii qulquleen dalka markii uu bilawday dagalka ka dhanka ah dawlada.

 

Warbixin aan weli la shaacin oo ka soo baxday Dowladda Itoobiya oo iyadu horay ciidamadeeda u galeen wadanka soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay u diyaar garoobeyso hawlgalo kale oo ay ka fuliyaan gudaha dalka soomaaliya ,hawlgaladaasi oo ay dawlada itoobiya uga gol leedahay sidi ay u soo afmeeri lahayd kooxaha dawlada ka soo horjeeda.

 

Ugu dambeyntii faragelinta ay dawladahan sida qorsoodiga ah isula garteen ayaa la sheegay in uu ku fulayo mudo laba bil ah.Mudadaasi labada bilood ah ayaa la sheegey in ay dawladda itoobiya cayintey iyadoo dawladaha kale rabeen in ay ka hor bilaaban hawgalo balse ka markii dawladda itoobiya qabsatey mudadaasi ay garwaaqsadeen dawladaha kale ee kula jirey arrimahaasi iyagoo sheegey in dawlada itoobiya tahay ta wax laga weydinayo arrimaha soomaaliya madama ay xuduud iyo xiirriir wadagaan.

 

 

 

Xigasho holhol.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this