Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland oo Cabsi ka Muujisay Falalka Al-Shabaab ee Koonfurta Soomaaliya

Recommended Posts

Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag uga dooday saamaynta ay Somaliland ku yeelanayaan arrimaha sii murgaya ee ka socda koonfurta wadanka Soomaaliya. Ka dib markii kooxda Al-shabaab ay falal argagixiso ah ka fulisay deegaanka Beledweyne, kaasoo ahaa qarax la mid ah kuwii ay kooxdaasi Hargeysa ka fulisay 29-kii October ee sanadkii tagay.

 

Hadaba, Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo ay dooddooda ku saabsanayd khataraha iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto falalka argagixiso ee ku sii xoogaysanaya koonfurta Soomaaliya waxa doodooda ka dhiibtay dhawr iyo toban Xildhibaan.

 

 

Fadhigan maanta oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu ku bilaabmay jawi degan. Waxaan ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha oo furay waxaana uu yidhi: “Waxa maanta inala gudboon inaynu ka yeelano siyaasad iyo hawl-gal qarameed arrinta Soomaaliya ka soo cusboonaatay. Awal waxaynu ka soo shaqaynay sidii innaga oo laba dawladood kala ah hadana aynu nabad ugu wada noolaan lahayn, ka sii balaadhay, isbedel baad moodaa inuu muuqdo, aad bay arrintaasi welwel inoo gelisay, wixii aynu ka nidhaahnaa inuu noqdo talo-xal raadineed, waa inaad talo ka bixisaan oo lagu dhawaaqo, taasoo iskaashi ka muuqdo, oo aan ahayn inaynu innagu isxagxagno, waxa loo baahan yahay waar arrintaas maxaynu kaga hor-tagaynaa innaga oo isku dhan, Goleyaashii dastuuriga ahaa, axsaabtii iyo shacbi waynaheenii sidii aynu u abaabuli lahayn, ajandaha maanta ina horyaalaa waa talooyin wax ku ool ah oo aynu inta kale uga tagno baan jeclahay inuu inaga soo baxo.”

Intaa ka dib Mudanayaashu waxay toos u galeen dooddooda, Waxaana ugu horayn halkaasi doodisa ka dhiibtay Xildhibaan.

 

Xildhibaan Axmed Xasan Saalax waxaana uu ku dooday sidan; “waynu aragnaa oo aqalka ku xigaa haduu gubanayo sidaad uga badbaadaa way adag tahay, waxaanaad moodaa inuu holac badani meesha qabsaday oo aad moodoba inay faraha ka baxayso, haday faraha ka baxdana ilaahay baa awood lehe waa la kala awood badan yahay oo dawlado waa kuwo la ictiraafsan yahay, loo soo gurmanayo, hiil iyo hooba la siinayo, inaguse cid kasta waynu uga nugulahay waxa ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

Hadaba maxaa looga baahan yahay umadan reer Somaliland, ilaahay baynu la kaashanaynaa, iyagana ilaahayka demiyo waxa ka socda gurigaa jaarkeena ah meelna inaguma seegayo, saamayn wayna wuu inagu yeelanayaa.

 

Waxaynu uga bixi karnaa iskuduubnaan shacbi, xisbiyo mucaarad iyo muxaafadba iyo shicib, inaga oo nidhaahna waar laysku soo galye yaynaan isku habsaamine inta gudaheena taala intaynu ilawno, hulaaqaa baxayaa meel uu inagu seegayo inagu ma arkee waxaan leeyahay aan u midawno oo noqono far keliya.

 

Hadaynu isku duubnaano ilaahayna kaashano waa la hubaa inaynu wuxuun qabsanayno.”

 

“shalay waxaan maqlayay 24 saacadood ayay u qaylo doon dirteen dawladii ku-meel-gaadhka ahi dawladaha afrika iyo caalamkaba, digtoonaanteeda iyo wax ka qabadkeeda iyo sidaynu ugu dhaqaaqayno oo aan ahayn hadal, oo qaylo-doonkeeda ku badato fulinta, goleyaasheena oo isku duuban abaabulkeeda ayaa laynooga baahan yahay, waxaan leeyahay Goluhu ha galo abaabul difaac, oo intaan laynoo iman, nin ama waa kaa maqan yahay ama waa kugu maqan yahay, waxaan ku darayaa axsaabta hadalkoodu badatay ee muranka ku jira, iyaga laftooda waa inaynu nidhaahno wado xun baynu maraynaa kor iyo hoosba isula hadla waad maqlaysaanoo riddo ayaa laynu soo ridayaa oo inagu soo gaashaamane, aynu iska eegno.” Sidaana waxa ku dooday Xildhibaan Nuur ayaanle Khayre.

 

“Waxaan leeyahay innagu walaalka adigu iskaraw baa la yidhi, isagana iskaraw baa la yidhi, dadkana karawbaa la yidhi, waa innaguna aynu difaac qaran ka samaysano dhiigaa Xamar ka qulqulayana sidii loo joojin lahaa aynu baaq nabadeed u dirno” sidaana waxa ku dooday Xildhibaan Axmed Xasan Saalax.

 

Waxa kalfadhigii maanta doodooda ka dhiibtay xildhibaato tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Farxaan Ciise, Cabdiraxmaan Cismaan Xasan, Yuusuf Sh. Axmed Nuur, Yuusuf Cabdilaahi Cawaale iyo Maxamed Xuseen Huruuse, waxaanay doodoodu si adag uga digeen khatarta ka soo fool leh argagixisada isku balaadhisay koonfurta Soomaaliya iyo saamaynta laga baqo qabo inay Somaliland ku yeelanayso sidii looga digtoonaan lahaa.

 

Dhinaca kale, gebi ahaan magaalooyinka waawayn ee Somaliland ayaa aad looga hadal-hayaa saamaynta ay ku yeelaan karaan falalka ismiidaaminta ah ee qaraxyada ay ka fulinayso kooxda Al-shabaabka gudaha wadanka Soomaaliya, taasoo laga baqo inay Somaliland soo gaadho.

 

Goobaha ay ku kulmaan dadweynuhu siiba makhaayadaha ayaa maalmihii u dambeeyay laga hadal haya arrintan, ka dib markii qarax dad badani ku dhinteen tiro laxaad lihina ku dhaawacmeen lala beegsaday magaalada Beledweyne, halkaasoo lagu dilaywasiir ka tirsan xukuumada kumeel gaadhka ah ee soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this