General Duke Posted October 8, 2010 AMISOM oo isku fidisay Muqdisho 8 Oct 8, 2010 - 6:55:01 AM Sarkaalka ku xigeenka u ah Ergayga AU-da ee arimaha dalka Somalia Wafula Wamunyinyi, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi ku sheegay in AMISOM ay gacanta ku hayso 45% Magaalada Muqdisho, kadib dagaalo ay hal todobaad kula jireen Al-shabaab iyo Xisbul Islam. “Ciidamadeena waxay ku sugan yihiin qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan, horay ayayna u sii soconayaan, inta aysan bishan dhamaana waxay qabsan doonaan 50% Muqdisho” ayuu yiri Wamunyinyi, isagoo sheegay in hadii ay ciidamo dheeraad ah heli lahaayeen ay guulo intan ka badan gaari lahaayeen. Ururka Al-shabaab iyo Xisbul Islam, ayay ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo Uganda waxay ka qabsadeen Isbitaalkii Xoogga iyo jid muhim ah oo ay kooxahaas gacanta ku hayeen, taasoo keentay in muddo todobaad ah ay dagaalo ka socdaan Muqdisho. Wafula, wuxuu sheegay in ciidamadooda ku sugan Muqdisho oo gaaraya 7,200-askari ay iska difaaceen weeraro kaga yimid kooxaha hubeysan, isagoo xusay in dowlada Somalia inay difaacaan ay tahay waajib saaran. “Waxay ciidankeenu dageen 11-goobjood oo cusub, iyagoo kaashanaya kuwa DF, mana ahan sababta aan Muqdisho u joogno inaan dagaal galno, balse waa inaan kooxaha dagaalka kula jira dowlada aan curyaamino” ayuu yiri Wafula. Ergay xigeenkan, wuxuu sheegay in Ururka Midowga Afrika ay ka go’an tahay inay xoojiyaan ciidankooda ku sugan Muqdisho , si ay ugu guuleystaan inay amaanka dalka oo dhan sugaan. Dowlada Somalia ayaa sheegtay in kala jab ku yimid kooxda Al-shabaab ay sabab u tahay in la jabiyo awoodooda, waxaana sarkaalka u hadlay Midowga Afrika uu sheegay inay ka faa’iideysan doonaan qaybsanaanta kooxda Shabaab. Al-shabaab ayaa beenisay in laga qabsaday saldhigyo ay ku lahayd Muqdisho, sidoo kale sarkaal u hadlay Xisbul Islam ayaa isaguna beeniyay in laga adkaaday, waxaana dagaalada ka dhacay Muqdisho ku dhintay ku dhawaad 55-qof oo shacab ah, iyadoo boqolaal qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. GAROWEONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted October 8, 2010 wich parts of mogadishu do they control? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 8, 2010 It is still Amisom talking ........ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 8, 2010 It is still JB awake this time ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 9, 2010 It is still you following me ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted October 9, 2010 Waryee still miyaad qayilaysaa ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 9, 2010 Balaayo kula qayishay ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Captain_Mike20 Posted October 9, 2010 another article from garowe online I think that were he gets all his information from. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Amistad Posted October 9, 2010 While many wage their own little propaganda wars on SOL, what Duke says is correct. AMISOM has slowly been taking back Mog, recent estimates by all accounts (UN, non partisan NGOs etc)put the number at just short of 50%. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 9, 2010 It could be a trap though .... bringing out the AMISOM from their strongholds so that AS can sneak to those places. Quote Share this post Link to post Share on other sites