Sign in to follow this  
Siciid1986

Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay inay Siyaasad Cad ka Leedahay Kooxda SSC

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland oo Caddaysay inay Siyaasad Cad ka Leedahay Kooxda SSC

 

 

Burco (Jam). Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Cismaan Garaad Soofe,oo maalmahanba safar ku joogay magaalada Burco,ayaa sheegay in muhiimadda safarkiisu la xidhiidho u guur-galidda xaaladda nabadgalyo ee gobolka iyo wax ka qabashada xiisad ka taagnayd deegaanka Kalshaale oo u dhexeeya Buuhoodle iyo Qorulugud oo ka tirsan deegaankaas.

 

Wasiir-ku-xigeenku wuxuu sheegay in khilaafkii ka jiray ay xaliyeen oo hadda ay deggan tahay goobtaasi, ciidamadii ay labada dhinac keeneenna dib looga qaaday meelihii ay kala fadhiyeen.Waxaa kale oo wasiir-ku-xigeenku ka hadlay waqtiga la qabanayo gogoshii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland u fidiyey garaaddada iyo waxgaradka deegaanka Sool iyo Buuhoodle.

 

Haddaba wasiir-ku-xigeenka oo Jamhuuriya arrimahaas iyo kuwo kaleba ka xogogaal waraysatay ayaa wuxuu u dhacay sidan:

 

Su’aal: Maxay tahay ujeeddada safarkaaga ee wakhtigan?

 

Jawaab: Ujeeddada safarkaygu waxa uu la xidhiidhaa u kuurgalidda xaaladda guud ee gobolka iyo wax ka qabashada xiisad ka taagnayd deegaanka Kalshaale, oo u dhaxeeya Buuhoodle iyo Qoru-lugud oo beelaha deegaankaasi u dhaxeeyey.

 

S: Maxaa lagu dhameeyey khilaafkaas ka taagnaa Kalshaale?

 

J: Arrintaas waxaannu u dirnay odayaal ka socda labada dhinac, kuwaasoo wada-hadal ka yeeshay xiisaddaas, waxana laga soo saaray afar qodob oo kala ah, in maleeshiyada labada dhinac keeneen dib loo kala qaado, in la joojiyo qodistii baraagta ee halkaas laga waday, in ciidammo boolis ah oo ilaaliya amniga iyo inaan wax dambe la qodin loo diray Iyo in bil ka dib la isugu yimaaddo wadahadal labada dhinac ee khilaafku u dhaxeeyo

 

S: Wasiir waxaad ogtahay in deegaanka Buuhoodle ay joogaan malleeshiyo beeleed la magac baxay SSC, kana soo horjeeda Somaliland, adigu sidaad u aragtaa, maxaase xukuumad ahaan idiinka qorshaysan?

 

J: Haa runtii way jirtaa kooxdaasi SSC, laakiin magac ahaan ayey u jirtaa iyo sidii ay isku-*** iyo xasarad uga abuuri lahaayeen deegaankaas, balse xukuumaddani siyaasad cad ayey ka leedahay.

 

S: Xukuumaddu gogol nabadeed ayey u fidisay garaadada iyo waxgaradka Sool iyo Buuhoodle, wayna aqbaleen oo ka soo jawaabeen, adiguna waxaad ka mid tahay wasiirradii loo xilsaaray hawshaas, halkee ayey arrintaasi ku dambaysay?

 

J: Arrintaasi way socotaa oo guddigii kulamo iyo u diyaar-garow ayey ka mameeyaan, waxaanse rajaynayaa inay hawshaasi dhowaan qabsoonto oo la isugu yimaaddo gogoshii nabadeed.

 

S: Xidhiidho ma la samayseen garaaddada iyo waxgaradka?

 

J: Haa, waa la samaynay oo shirar lagu qabtay deegaamada Buuhoodle iyo Soolba waxaa lagu caddeeyey in diyaar loo yahay gogoshaas nabadeed, waanan wada xidhiidhnaa.

 

S: Ma filaysaa inay madax-dhaqameedyada deegaankaasi ka soo wada qayb-galaan gogoshaas nabadeed?

 

J: Haa, waan filayaa inay ka soo wada qaybgalaan intooda badani garaaddo iyo waxgaradba, balse way jiri karaan kuwo ka soo qayb-gali waayaa, haseyeeshee intooda badani waa u diyaar inay ka soo qayb galaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this