Jacaylbaro Posted April 30, 2008 Mr Adrew Gibson oo ah Agaasimaha xarunta caanka ah ee la talinta iyo guryaha dalxiska oo magaceeda la yidhaahdo Direct Holiday Brookygs, Internetka dhexdiisa ah ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay shalay waxa uu baaqday dalxiisayaasha caalamka in ay wakhtiyada fasaxooda ku qaataan dalka Somaliland. Warsaxaafadeedkan ayaa Agaasimaha xaruntan caalamiga ah ee la talinta dalxiisayaasha Caalamka Mr Gibson waxa uu yidhi ‘’Somaliland waa dal African ah oo ku yaal Geeska Afrika , dalkan o ah maxmiyadii hore ingiriiska ayaa ku fadhiya dhul cabirkiisu dhan yahay 68,000 Laba Jibaaran Miles , waxaanu xad la wadaagaa dhinaca koonfureed iyo galbeed dalka Itoobiya, Dhinaca Woqooyi galbeedna dalka Jabuuti , dhinaca Barina waxa uu xad la wadaagaa Soomaaliya , iyadoo dhinaca woqooyina uu ku kulaalayo badda cas iyo gacanta cadmeed. Dalkani waxa uu leeyahay gobo ku haboon dalxiiska iyo meelo kale oo soo jiidanaya booqashooyinka dalxiisayaasha , caasimada dalkani waa Hargeysa , guud ahaan Somaliland waa dhul nabad gelyo ah oo bartilmaameed u noqonaya dalxiisayasha , waxaanu dalkani ku yaal madaxafiyo ay ka buuxaan dahqanka hodanka ah ee dalka Somaliland, dalxiisayaasha waxa kale oo ay xiiseeyaan ugaadh noocyo tiro badan ka kooban o laga helo Somaliland. Sidoo kale waxa ay Somaliland leedahay gobo badan oo taariikh ah lagana raad raaci karo aqoonta ilbaxnimooyinkii hore ee caalamka waxaan goobahaasi ka mid ah Laas geel oo ay ku yaalaan godad ay ku xardhan yihiin dhaqamadii iyo xadaaradihii hore ee casrigii Neobithice. Waxa ku yaala Somaliland gagooyin diyaaradeed oo acaalami ah , gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera , sidaa darteed dalxiisayaasha caalamka ayaa lagu dhiiri gelinayaa in ay yimaadaan dalka curdinka ah ee Somaliland’’. Source Jamhuriya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 30, 2008 Wauw now that’s a achievement ka nax uu naftada waa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gediid Posted April 30, 2008 ^^^^^Wax laga naxo oo nafta qof u waayo meesha ma taal... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 30, 2008 ^Igaarka iskadaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xidigo Posted April 30, 2008 ^^ Igaarka xaa duufsaday lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Biixi Posted April 30, 2008 http://allafrica.com/stories/200804300815.html Quote Share this post Link to post Share on other sites