Sign in to follow this  
General Duke

Ethiopia Airlines suspends flights to Hargaysa.

Recommended Posts

Ethiopia oo joojisay dulimadkii SL

16 Jun 16, 2007 - 3:17:13 PM

 

Xukuumada Addis Ababa ayaa gabi ahaanba joojisay dulimaadyadi diyaarada shirkada Ethiopia Airline ku imaan jireen Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa.

 

Diyaarada oo maanta laga filayey inay labo duulimaad ku timaado ayaa ku wargalisay maamulka garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa inaanay imanayn iyadoo aan faahfaahin ka bixin.

 

C/raxmaan Maxamed Jaamac oo ah maamulka garoonka diyaaradaha Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa ayaa Suxufiyiinta u xaqiijiyey warka ah in diyaaradu ay joojisay duulimaadkeedi isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahiyo sababta keentay xiligan.

 

Xafiiska Ethiopian Airline ee magaalada Hargeysa oo ayaa xirnaa maanta, iyadoo warar hoosena ay sheegayaan in shaqaalihii halkasi ka howl gali jiray ay gawaari ugu baxeen gudaha Somaliland.

 

Joojinta duulimaadyadii Ethiopia ee SL ayaa loo aaneynayaa muran soo dhex galay madaxda dowlada Somaliland iyo maamulka Ethiopian Airline kuwaas oo baaritaan waji gabax ku sameeyay waftigii Madaxweynaha la socday iyagoo ku sheegay arirmo amaan awgeed.

 

SL ayaa ku eedeeyasay Masuuliyinta Ethiopian Airline inay damceen Khamiisti inay baaraan Gudoomiyaha Wakiilada SL oo Finland u socdaalayey isagoo diiday in la baaro jeebebkiisa,

 

Gudoomiyaha Labad ee golaha wakiilada ayaa sheegay inay wasiirka duulista hawada ay hor keeni donan golaha si wax looga waydiiyo barista iyo in wasaaradiisu fasaxday in madaxda dowlada ay baaraa maamulka diyaaradu.

 

Diyarada Ethiopian Airlline aya todobadii sano ee ugu dambeysay Somaliland ku iman jirtay shan duulimaad todobaad kasta kuwaas oo ahaa Addis Ababa to Hargeysa, iyadoo hore u baari jirin masuuliyinta sare ee Dowlada balse badashey siyaasadaas.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkada Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo hakisay duullimaadyadeedii Hargeysa iyo jawaabta xukuumadda

 

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 16 June, 2007

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya, Ethiopian Airlines ayaa hakisay duullimaadyada diyaaradaheedu ku yimaaddaan Hargeysa.

 

 

Shirkadda Diyaaradaha ItoobiyaShirkadda Ethiopian Airlines waxay joojisey laba duullimaad oo Addis Ababa – Hargeysa ah oo maanta u qorshaysnaa, isla markaana masuuliyiinta shirkadda ee Hargeysa ayaa ku wargeliyey maamulka Madaarka Hargeysa maanta in diyaaradoodu aanay imanayn, taas oo lagu ogaadey go'aanka shirkaddu ku joojisey duullimaadyadeeda.

 

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, mudane Cali Maxamed Warancadde ayaa isaguna caawa xaqiijiyey in diyaaradda Itoobiyaan Airlines ay hakisay duullimaadyadeedii Somaliland. Waxana uu sheegay in taasi ay ka dambeysey go'aan xukuumadda Somaliland gaadhey oo salka ku haya khilaafka ka dhashay baadhista madaxda qaranka.

 

Wasiirka oo u warramay warbaahinta dowladda waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland go'aansatay in la hakiyo duullimaadyada Ethiopian Airlines inta la isla meel dhigayo dadka la baadhayo iyo dad maamuuska qaran leh ee ka reebban baadhista.

 

Wasiirku waxa uu sheegay inay Shirkaddaa iyo xukuumadda ay u socdaan wadahadallo ku saabsan arrintaas.

 

Hase yeeshee, warar aan ka hellay ilo ku dhowdhow xafiiska Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa sheegaya in go'aanka lagu hakiyey duullimaadyada diyaaradda ee Hargeysa ay gaadhey Shirkadda Ethiopian Airlines oo ka cadhootay diidmadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu diidey in la baadho Khamiistii markii uu ka dhoofayey garoonka diyaaradaha Hargeysa, taas oo dood iyo muran dheer oo ay wehelisey hanjabaado xubnaha Shirguddoonku ugu sheegeen masuuliyiinta diyaaradda in ay tallaabo ka qaadi doonaan haddii aanay joojin dhaqankaas.

 

Baadhistan waxaa hore loogu fuliyey weftigii Madaxweynaha, taas oo dad badani ka cadhoodeen.

 

Dhinaca kale, Shirguddoonka Golaha Wakiillada ayaa sheegay in goluhu u yeedhi doono Wasiirka Duulista Hawda si wax looga weydiiyo arrimahan.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this