General Duke Posted July 26, 2007 Xubnaha Barlamaanka Somaliya oo Baydhabo kusii gurmaya. (WYNET)Baydhabo:-Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay oo Xarun u ah gobolka Bay ayaa waxaa kusii qulqulaya Xildhibaanada Barlamaanka Somaliya,iyagoo badankoodu ka kala imanaya Muqdisho iyo gbolada Dalka si ay uga qayb galaan kulan ay Xidhibaandu kula xisaabtami doonaan Xukuumada Cali Max’ed Geeddi maalinta Sabtida ah ee fooda inakusoo haysa. Xildhibaano ay ka mid yihiin qabqablayaashii dagaalka ee hore ayaa xalay gaaray magaaladaas,waxaana muuqata kala qaybsanaan ka jirta Xildhibaanada dhexdooda,iyadoo raga qaarkiis ay qabaan in xilligaan aysan jirin wax xukuumada lagu xisaabtamo kol hadii dalkiiba aysan ka jirin xasilooni iyo kala danbayni halka kuwa kasoo hjor jeedana ay qabaan in ay haboontahay in xukuumada la waydiiyo wax qabadkeedii bilihii ugu danbeeyey. Xildhibaanada FKMG ah ayaa iyagu inta badan fikirkooda ku jiheeya hadba cidii ay maslaxadi ugub jirto,iyadoo hadda ka horna ay dhacday in kuraas laysla dhaco,taas oo dunida wax la yaab leh ku noqotay. Axmed Xayrdaac Waayaha.net Waayahanet@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 26, 2007 Baydhabo: Xildhibaano fara badan oo ku sii qulqulaya Baydhabo 26. July 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Waxaa ilaa iyo shalay aroortii ilaa saakay ku sii qulqulaya magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Bay xildhibaano fara badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho kuwaasoo daneynaya iney ka qeybgalaan kulanka xasaasiga ah ee maalinta Sabtida looga doodi doona mooshinka la xisaabtanka xukuumadda. Waxaa shalay magaalada Baydhabo intii uu shirka socday gaaray xildhibaano ay ka mid yihiin Bootaan Ciise Caalim, Xaaji Muuse Suudi, Xuseen Caraale Caddaan iyo kuwo kale. Xildhibaanadan ayaa ah kuwo taageersan fikirka in waqtigan aan ku habooneyn in la keeno mooshin ku saabsan la xisaabtan xukuumad iyo kuwo keeni kara khilaaf ku yimaada Xildhibaanada Baarlamaanka. Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan oo ka hadlayey fikirkiisa ayaa sheegay in xukuumadda lala xisaabtamayo ay waafaqsan tahay sharciga, “Xukuumadda lala xisaabtamayo xaa loo dhiibtay? Waxa loo dhiibay waa xafiis eber ah iyo meel xabadu ka dhaceyso, muka xaa lagula xisaabtamaa” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Caraale. Inta badan xildhibaanada taageersan fikirka xukuumadda Geeddi ayaa u codeyn doona sidii mar kale tallaabo mideysan ugu qaadan lahaayeen sidii ay cod kalsooni ah ku heli laheyd xukuumadda Geeddi. Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in xukuumada Geeddi ay qorsheyeen in xildhibaanada Baarlamaanka la siiyo gunooyinkii iyo mushaarooyinkii mudo labo bilood ah taasoo iyana hakin doonta doodaha kulul oo ay soo jeedinayaan xildhibaanada aan mudada dheer qaadan wax mushaarooyin ah. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 27, 2007 Baydhabo(AllPuntland)- Wafdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa waxa ay soo gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay. Wafdigan oo dhamaantood ka soo wada duulay Magaalada Nayroobi ayaa waxa ay safaro kala duwan ku soo kala bixiyeen wadamado fara badan oo kuyaala Geeska Africa ,ayadoo Wafdigan ay xubno ka yihiin baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaano ka mid ah. Wasiirka Arimaha gudaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa wuxuu kulamo lukala qaateen Magaalada Nayroobi Madaxda dalkaasi ayagoo kala hadlay xiriirka dawladaha Soomaaliya Iyo kenya. Xildhibaanada maanta soo gaaray Baydhabo ayaa waxa ay ku soo beegmeen xili maalinta bari baarlamaanka Soomaaliya yeelan doonaan fadhi looga wada hadlayo laxisaabtamka Xukuumada raysal wasaare Cali Maxamed Geedi. Wasiirada soo gaaray Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheere) wasiirka warfaafinta dawlada Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed iyo wasiiro kale oo fara badan. Warar hoose oo ka soo baxaya imaatinka Wafdigan heerka wasiir ah ayaa waxa ay sheegayaan in ay ugol gol xaarayaan wafdi uu hogaaminayo Raysal wasaaraha dawlada Soomaaliya oo bari soo gaaraya Magaalada Baydhabo. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites