Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: President Yusuf's EID address touches on key issues

Recommended Posts

yusuf7.jpg

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo ka hadlay Amaanka, Burcad badeeda & Dhibaatooyinka heysta Umada Soomaaliyeed.

1. October 2008

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo maanta shir saxaafadeed ku qabtey aqalka Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa ka hadlay xaaladaha Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan amaanka, Burcad badeeda & dhibka heysta Kumanaan dad Soomaali ah.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in aysan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya udulqaadan doonin kooxaha waqti walba ku soo qaadaya dawladda Soomaaliya dagaalada, markaasna doonaya in ay Soomaaliya ku qabsadaan qori caaradiis.

 

Madaxweynuhu wuxuu cambaareyn toos ah ujeediyey Kooxaha baddaha Soomaaliya dhibaatada ku haya ee loo yaqaano Burcad Badeeda, wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka in ay talaabo deg deg ah ka qaadaan Kooxahaasi.

 

Madaxweyne Yuusuf wuxuu soo qaaday oo caalamka ka codsaday in la kaalmeeyo Kumanaan dad Soomaali ah oo dhibaato ba’an ay ku heysato gudaha dalka Soomaaliya, dhibka Ummadda Soomaaliyeed heysta waa Sicir barar, Abaaro & Amaan la’aan baahsan ayuu yiri Madaxweyne Cabdullaahi.

 

Shir Saxaafadeedkan Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, kuma uusan soo qaadin xaalada garoonka Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka socdeen duqeymo xoog leh, inkastoo maanta ay muuqatay in garoonku dib ugu soo noqday cadigiisii, ka gadaal dagaal xoogan oo dhex maray kooxaha sheegay in garoonku xiran yahay iyo ciidanka dalka Soomaaliya oo garabsanayay ciidamada ka socda dalalka taageera nabad kusoo celinta Soomaaliya.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dhibaatada burcad badeeda,argagixisanimada iyo arrimo kale oo quseeya Soomaaliya.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo iminka ka taagan dalka Soomaaliya oo halista burcadnimadu ay ka mid tahay.

 

Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo iminka ka taagan dalka Soomaaliya oo halista burcadnimadu ay ka mid tahay.

 

Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlayay maliishiyooyinka dhibaatada ka wada dalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in kooxaha argagixisada aanu marnaba u ******bi doonin hamigooda ku aadn in ay dalka qori caaradii ku qabsadaan.

 

Madaxweynaha jamhuuriyadda oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ayaa dhinaca kale cambaareeyay falalka burcadnimada bada ee ka dhaca xeebaha dalka Soomaaliya.

 

“Kooxahaasi waxaa ay cuna qabateyn ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo shucuub kalaba waxaana ay xayireen dhaq dhaqaaqyada gaancsi ee in badan oo ka mida dalalka caalamka,iyadoo ujeed kale aanay lahayn ee laakin ay ka tahay oo keliya in ay mixnad hor leh ku hogaamiyaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Waxaa kaloo uu madaxweynuh shirkiisa jaraa’id kaga hadlay dhibaatooyin kale oo soo food saaray shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin dagaalada,sicir bararka iyo abaaraha baahsan ee saameynta daran yeeshay.

 

“Caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay usoo gurmadaan shacabka Soomaaliyeed ayna gacan ka geystaan sidii meesha looga saari lahaa kooxaha argagixisada ee dhibaatada ka wada gobalka Geeska Afrika kuwaas oo saldhigyo waa weyn ku leh dalka Soomaaliya.

 

“Aqrgagixisadu waxa ay doonayaan in ay dalkan xoog ku qabsadaan oo danohooda aargagixisanimo meel mariyaan laakin waxaan u sheegayaa in aanay suuragal u noqneyn qori caaradii in ay wax ku meel marsadaan”ayuu yidhi madaxweynaha jamhuuriyadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yusuf oo shir jaraa'id qabtay

1 Oct 1, 2008 - 7:11:09 AM

 

Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho [Villa Somalia] ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiinn burcadbadeeda, shirkii Jabuuti, ciidul-fidriga, gargaarka iyo dagaalada socda.

Yuusuf, wuxuu hambalyo ku aadan ciidda barakeysan ee Ciidul-fidriga u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo Ummadaha Islaamka.

 

"Allaahu Akabar...Allaahu Akabar...Allaahu Akabar... Waxaan jeclahay inaan maanta oo ciid ah u hambalyeeyo dadkii soo soomay oo dhan iyo kuwii aan soomin, waxaan sidoo kale hambalyo taas ka mid ah u dirayaa dadyowga Islaamka" ayuu hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne Yuusuf.

 

Mar uu Madaxweynuhu ka hadlay shirkii Jabuuti ayuu sheegay in loo baahan yahay in nabada la ayido, wadahadalada la taageero, shidadana la iska daayo, si Muqstaqbalka ubadka Soomaaliyeed uu u wanaagsanaado.

 

"Lagama yaabo in kooxaha dagaalada ka wada Somalia ay qori caaradii xukunka ku qabsadaan; isla markaana ay dalkaan dowlad ka noqdaan" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo ka hadlay dagaalada u dhexeeya mucaaradka iyo DF.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in 38-sano uu isagu ka bilaabay dagaalo, balse hada uu u ololeynayo nabada, isagoo dagaalada socday ku micneeyay inay yihiin kuwo la badalay oo ka dhashay kuwii uu isagu soo bilaabay.

 

"Waxaa soo baxay dad madhabta aan haysano aan haysan oo wax kale wata, Rabi waxaan ka baryayaa inuu caqligooda geliyo in waxa ay ku jiraan ay khalad yihiin Islaamnimadana shaqo ku lahayn" ayuu yiri Madaxweynaha Yuusuf oo markaas ka hadlayay mucaaradka ka horjeeda.

 

Kooxaha burcadbadeeda ah ayuu si aad ah u cambaareeyay Madaxweyne Yuusuf, isagoo ku tilmaamay kuwo xayiray nolosha Somalida iyo mida caalamka, isagoo ku tilmaamay afduubyadooda mid ay ku doonayaan dhaqaale.

 

"Afduubayaasha Maraakiibta waxay cuno qabateynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo dad kale oo aanay jirin wax xumaan ah oo ka dhexeeya" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf, isagoo intaas ku daray in afduubayaashu ay doonayaan lacago yar.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in burcadbadeedu ay gacan ka helaan dadka ku sugan beriga, ayna xafiisyo ku leeyihiin Somalia iyo caalamka oo dhan, wuxuuna ugu baaqay Somalidu inay ka hortagaan.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa ugu baaqay calamka inay gacan siiyaan shacabka Somaliyed oo ay soo food-saareen; gaajo, sicir-barar xaaladooduna ay aad u xun tahay.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/weyne C/Yuusuf:- Hadii aan nabad la helin gobanimo, sharaf & qaranimo la heli mayo

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 01-Oktober-08

 

Shir jaraa`id maanta uu ku qabtay madaxweynaha Somaliya mudane C/laahi Yuusuf Axmed xarunta madaxtooyada ee Villa Somaliya ayaa waxa uu kaga hadlay qodobo dhowr ah oo dhamaantood wada khuseeya arimaha Somaliya.

 

Madaxweynaha ayaa shir jaraa`idkiisa ku saabsanaa qodobada kala ah munaasabadda ciiddul Fidriga, kooxaha Burcad Badeedka, Wada hadalada Jabuuti ka socda iyo dhibaatada xaga nolosha iyo kuwa dagaalada ee ka taagan Somaliya.

 

Madaxweyn C/laahi oo hambalyo ku aadan maalinta ciida iyo waajibaadkii soonka ee ey gudeen umadda Somaliyeed ayaa ugu duceeyay nabad iyo caano, wuxuuna Allah uga baryay in ey kan kiisa kale ku gaaraan nabad iyo daganaansho.

 

Mar uu ka hadlay arinta burcad-badeedda ee faraha ba`an ku haysa biyaha Somaliya ayuu ugu baaqay madaxweynaha shacabka Somaliyeed in ey gacmo wada jir ah uga hortagaan islamarkaana la dagaalamaan.

 

“Hadda sida uu xaalku ku socdo Badda Mediterenian-ka iyo Bad-weynaha Hindiya waa ay kala go’an yihiin, ganacsigana waxaa xayiran yahay, waxaas wax loo dul-qaadan karo maahee, dadkweynaha Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay si naxariis darro ah ula dagaallamaan”, ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf .

 

Sidoo kale mar uu ka hadlayay dagaalada iyo dhibaatada ka taagan Somaliya gaar ahaan Konfurta dalka ayaa waxa uu yiri madaxweyne Yuusuf “Haddii aan nabad la helin; gobanimo, sharaf, midnimo iyo qarannimo midna la heli maayo taas hala ogaado”, ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo dadka dagaalka kala soo horjeeda dowladda federaalka ku tilmaamay ubadkii dhashay xiligii burburka, kuwaasi oo uu sheegay in ay dad kale ku shaqeysanayaan.

 

“Dagaal ninkii yaqaan waa ogyahay, dad baa ku le’da oo ku dhintee dad kuma dhasho oo kuma noolaado, meel aan nabad jirin-na nolol wax la yiraahda lagama helo saa suurtagalba maahee, marka waxaan dadkaas kula talinayaa in ay fahmaan ficilada ay sameynayaan ee colaadda ah ee ay uga soo horjeedaan Dowladda iyo dadka ay ka dhasheen ay yihiin kuwo lumay oo aan is-garaneynin.

 

Isagaoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu madaxweynuhu yiri “Si aynu marka u horseedno inteena hadda nool iyo ubadka dhalan doonaba mustaqbalkooda wanaagsan, waxaa loo baahan yahay in aynu nabada ayidnaa, wada hadallada socda ayidnaa, dhibaatada aan iska deyno, haddii aanan sidaas la yeelin wadanka sidaan buu ahaan doonaa, deetana cid ka talin doonta Rabbi baa yaqaana, laakin laga yaabi maayo qori caaraddii intey ku adkaadaan, in ay dalkan dowlad ka noqdaan dhici meyso, laga yaabi maayo".

 

Ugu dambeyntiina, madaxweynuhu waxaa uu ka hadlay dhibaatooyin nololeed oo ay qabaan dad badan oo ku nool gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay isugu darsameen Abaaro, Cudurro, Colaado Sicir-barar iyo gaajo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this