Sign in to follow this  
Jabhad

More nightmare for Ethiopia, order returning to Mogadishu.

Recommended Posts

Jabhad   

Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya

 

Saaka ayaa lagu arkayay Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo lebisan Dharka Ciidamada iyagoo taa taagan Isgosyada waa weyn ee Muqdisho

 

Waaberigii Saaka ayaa Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ee Magaalada Muqdisho ka howlgala ayaa lagu arkayay iyagoo lebisan dharka Tuutaha loo yaqaano iyagoo taa taagan Isgosyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qorshan dad badan u arkeen mid Maxkamadaha ku ilaalinayaan Nidaamka Waddooyinka.

 

Ciidamadan oo ku hubeysan Baabuurta dagaalka ayaa waxay ahaayeen dad aad u asluubeysan, ilaalinayeen Anshaxa Waddooyinka, iyagoo Baabuurta dadweynaha ku amrayay in ay ilaaliyaan qaabka Wadada loo istaago.

 

Howlgalkan Ciidamada oo ku soo aaday xilli xiisada dagaal u dhaxeysa Maxkamadaha iyo Dowladda Soomaaliya ayaa saaka xaaladda Isgosyadaas waxay ahayd mid ka duwan xaaladihii hore oo Baabuurta dadweynaha mid kasta meeshii uu doono istaagayay.

 

Dhinaca kale Magaalada Muqdisho dadka ku dhaqan ayaa shalay ilaa iyo xalay waxay si weyn u hadal haayeen xaaladda cusub ee Degmada Buurhakaba, iyadoo dadka qaarkiis welwel fara badan ka muujinayeen dagaal cusub oo ka dhaca Soomaaliya, halka kuwa kale laga maqlayay iyagoo dhahaya waxaan diyaar u nahay Jihaad lala galo Dowladda C/llaahi Yuusuf iyo Ciidamada Itoobiyanka ah.

 

http://www.midnimo.com/october1/22_10_isgoysyda_muqdisho_oo_saakay_ay_taagnaye_ciidamada_maxkamadaha.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this